
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO
.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud kusoo dhoweeyey hogaamiyaha Kmg ah ee maamulka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamuulka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo garoonka kula hadlay mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen, isagoo sheegay in inta uu ku suganyahay Magaalada Baydhabo ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhowaan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka dhici doonto doorasho ay ku qanacsanyihiin dadka reer Koonfur Galbeed, kaasoo ka shaqeyn doona adeegyada dowladnimo ee ay xaqa u leeyihiin.






XIGASHO:-SONNA.SO


0 



GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO
.