Soomaaliya oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta

0
Tuesday April 14, 2026 - 13:45:47 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda carruurta, kadib markii ay si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, oo ay horey u ansixisay.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu wareejiyay nuqulka axdiga, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Afrika iyo diblomaasiyiin Soomaaliyeed.

Nuqulka axdiga ayaa si rasmi ah loogu gudbiyay Moussa Mohamed Omar, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska guddoonka Midowga Afrika, halka ay goob joog ka ahaayeen Prof. Hajer Gueldich, Agaasimaha arrimaha sharciga ee Midowga Afrika, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Danjire Warfaa.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in tallaabadan ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay fulinta iyo dhaqan gelinta axdiga, iyadoo carrabka ku adkeysay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale tilmaantay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah diiradda u saareyso abuurista jawi ammaan ah oo carruurtu ku helaan xuquuqdooda aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo daryeelka guud.

Gudbinta rasmiga ah ee nuqulka axdigan ayaa ah astaan muujinaysa sida Soomaaliya uga go’an tahay inay la jaanqaaddo heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kuwa carruurta, iyadoo sidoo kale xoojinaysa wada shaqeynta ay la leedahay Midowga Afrika.

Soomaaliya oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip