
Ciidankii Lafta gareen ee xoogga looga saaray Baydhabo oo la xaliyay.
Kulamo muhiim ah oo lala yeeshay saraakiisha iyo ciidanka Daraawiishta ayaa lagu heshiiyay in la mideeyo ciidamada, isla markaana dib loogu celiyo xeryahooda hore ee Baydhabo, oo ay ka howlgaleen.
Kulamada is-afgaradka ayaa waxaa hoggaaminayay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi.
Kulamada ayaa ka dhacay deegaanka Awdiinle, halkaas oo ciidamadu ku sugnaayeen muddooyinkii dambe.
Ciidanka Daraawiishta oo Dib ugu Laabtay Baydhabo: Ciidanka Daraawiishta ee hore uga soo baxay Baydhabo ayaa hadda dib loogu celiyay magaalada iyo xeryahoodii hore ee ay ka howlgalayeen, taasoo muujinaysa guul laga gaaray dadaalladii dib-u-heshiisiinta iyo mideynta ciidamada.
Ciidamadan ayaa hore u taageeray Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, oo markii dambe ka tanaasulay xilka, taasoo keentay in ciidamadaas loo baahan yahay in lagu mideeyo ciidanka dowladda si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo amni guud.


0 




Ciidankii Lafta gareen ee xoogga looga saaray Baydhabo oo la xaliyay.
,