HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 11 APRIL 2026

0
Saturday April 11, 2026 - 08:19:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 11 APRIL 2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalayka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Batroolka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka socday Dalka Turkiye

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar .

Wafdigaaan ayaa shalaysoo gaaray Magaalada Muqdisho,kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhaweyn.

Wafdiga ayaa dalka u yimid, si ay uga qeyb galaan munaasabadda soo dhoweynta Markabka qodaya shidalaka Çağrı Be oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Dhinaca kale, Dekedda Muqdisho waxaa goor dhow ka bilaabanaya munaasabadda soo dhaweynta markabka Çağrı Bey, oo si rasmi ah u bilaabaya hawlaha qodista shidaalka.

Madaxweyne xasan sheekh oo qaabilay wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ee turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalayMadaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas Mudane Alparslan Bayraktar.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa kulankooda iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga arrimaha tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu soo gaaray marxalad taariikhi ah oo shacabka labada dal ay ku faani karaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in soo xirashada markabka Cagri Bay uu baal cusub oo dahabi ah u furay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka iyo kaa faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ee ceegaaga baddaheenna iyo barrigeenna.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa ugu mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta iyo martisoorka qaayaha leh ee ay u fidiyeen, isaga oo muujiyay in Markabka Cagri Bay iyo billaabashada hawlahiisa qodista ay tusaale u yihiin ka mirodhalinta yoolasha iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

Wasiirka arrimaha dibada oo kormeeray dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Tripoli

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Cabdisalaam Cali ayaa kormeer ku tegay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli.

Kormeerka ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo adeegga qunsuliyadda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.

Wasiirka waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya mudane Cabdi Aadan Diiriye iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta safaaradda. Wasiirka ayaa warbixin kooban laga siiyay xaaladda guud ee Soomaalida ku nool Liibiya, gaar ahaan kuwa ku jira xabsiyada iyo muhaajiriinta dhibaataysan.

Wasiir Cabdisalaan waxa uu madaxda safaaradda ku adkeeyay inay kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan difaacidda muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo xusay inay dowladda ka go’an tahay badbaadinta iyo u adeegidda muwaadiniinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Wasiir Maareeye oo sheegay in baadhista shidaalka Soomaaliya ay guul u tahay Somaliland

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxa-med Xayir Maareeye, ayaa ku tilmaamay maalin taariikhi ah furitaanka rasmiga ah ee hawlgalka baadhista shidaalka Badda Soomaaliya, kaas oo ay si wadajir ah u daahfureen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka dhigan tahay horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah. Waxa uu xusay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ay la wadaagayaan farxadda iyo rajada ka dhalatay mashruucan.

Maareeye oo Waraysi siiyay Dalsan TV ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland, inkasta oo ay ku maqantahay khilaafaadka ka jira gudaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, haddana ay qayb ka tahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana faa’iidada ka dhalanaysa shidaal soo saaristu ay gaadhi doonto dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in soo saarista shidaalka Soomaaliya ay horseedi doonto barwaaqo dhaqaale, kor u qaadista nolosha dadka, iyo in dalka uu noqdo meel ay dad badan oo caalamka ahi u yimaadaan shaqo iyo maalgashi. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer ku jirtay marxalad dib u dhis ah, balse shalayay u gudbayso heer cusub oo horumarineed.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in cilmi-baadhisyo la sameeyay ay muujinayaan in Soomaaliya ay hodan ku tahay khayraadka shidaalka, xitaa ay kaga badanaan karto waddamo ka tirsan Khaliijka, isaga oo muujiyay rajo ah in dalka uu gaadhi doono heer horumar oo ka sarreeya dalalkaas mustaqbalka dhow.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha siyaasadeed ee jira, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda dhexe laga daayo faragelinta iyo cadaadiska, isla markaana waxa uu dhaliilay qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo uu ku eedeeyay in aanay sharci ahayn isla markaana ay ku dhisan yihiin ajandayaal shisheeye. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan dadaallo lagu wiiqayo dowladda si aanay ugu istaagin cagaheeda.

Ugu dambayn, hawlgalka baadhista shidaalka ee Turkigu ka wado Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya labada dal, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Mashruucan ayaa la filayaa inuu kordhiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu furo fursado cusub oo dhaqaale, iyadoo shirkado iyo khubaro Turki ah ay ka shaqaynayaan sahminta badda si loo ogaado kaydka shidaal ee dhabta ah iyo suurtagalnimada soo saaristiisa mustaqbalka.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka dalkaasi

‎‎Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa shir muhiim ah kula yeeshay guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Ethiopia, kuwaas oo si rasmi usoo booqday xarunta safaaradda.

‎Danjire Warfaa oo ay weheliyaan qaar kamid ah Diplomaasiyiinta kala duwan ee safaaradda ayaa guddigaan ku soo dhoweeyey safaaradda isagoo uga xog waramay xaaladda dalka, wuxuuna u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay tayeynta nidaamka Dawliga ah gaar ahaana arrimaha Amniga iyo Xiriirka Caalamka.

‎‎Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibbada Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamse Xaadoow, isagoo bogaadiyey booqashada guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Ethiopia ay ku tageen Safaaradda.

‎‎Waxyaalaha kale ee diirada lagu saaray kulanka waxaa kamid ahaa, in lasii wado dedaalada la xariira xoojin xiriirka, wadashaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo kobcinta Nabad-gelyada ee labada dal, waxayna guddigu ka mahadceliyeen sida diiran ee ay madaxda safaaradda Soomaaliya ugu qaabileen xarunta safaaradda ee Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran.

Wafdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyay Mudane Fathallah Abdel-Latif Al-Zani, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Liibiya.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay madaxda wasaardda arrimaha dibadda ee Dalka Liibiya,kuwaas o ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

, kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah iyo adkeynta xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee qaaradda.

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay.

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa shabakad malaayin dollar ku shaqaysa oo caalami ah, taasoo tan iyo sannadkii 2018 kumanaan qof ku hodday Liibiya halkaas oo ay rabeen inay Yurub uga sii gudbaan.

Yetbarek Dawit ayaa lagu eedeeyay in uu ka howlgalayay shan meelood oo dadka lagu hayo oo ku yaalla Liibiya, isagoo jirdil u geysan jiray muhaajiriinta halkaas ku sugan si ay isugu dayaan in ay qaraabadooda ugu qasbaan in ay lacago dheeraad ah u diraan.

Waxaa lala xiray sagaal ka mid ah dadka lagu eedeeyay in uu kala shaqeynayay waqooyiga magaalada Shire, sida ay booliisku sheegeen. Ilaa iyo hadda laguma soo oogin dacwad maxkamadeed.

Booliiska ayaa sheegay in marqaatiyada la uruuriyay ilaa hadda ay muujinayaan in shabakadu ay ku lug leedahay dhimashada in ka badan 100 qof iyo xadgudubyo galmo oo loo geystay in ka badan 50 haween ah.

Xariga ayaa ka dhashay baaritaan adag oo xuduudaha ka gudubsan sida ay booliisku sheegeen, oo ay ku lug leeyihiin hay’ad lagu magacaabo Regional Operational Centre (Rock) taasoo loo sameeyay in ay wax ka qabato shabakadaha wax tahriibiya ee Bariga Afrika oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.

In ka badan 256,000 oo codbixiye oo u dareeray codbixinta doorashada madaxtooyada Jabuuti

Dalka Jabuuti ayaa shalaylooga dare-eray codbixinta doorashada madaxtooyada oo si weyn loo saadaalinayo in uu ku guulaysan doono Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, oo doonaya inuu markiisii 6aad sii hogaamiyo dalkaas.

Codbixintan oo bilaabatay saaka ayaa waxaa xaq u leh in ay ka qayb qaataan in ka badan 256,000 oo codbixiye. Geelle, oo 78 jir ah, ayaa wajahaya hal musharrax oo keliya, Maxamed Faarax Samatar, oo hoggaamiya xisbiga Unified Democratic Centre (CDU), kaas oo aan wax kuraas ah ku lahayn baarlamaanka dalka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in goobaha codbixinta qaar ay dib u dhaceen furitaankooda, halka qaar kalena laga dareemayay ka qaybgal hoose saacadihii hore ee saaka. Xarunta caasimadda Jabuuti, qaar ka mid ah goobaha codbixinta ayaa si tartiib ah u shaqo bilaabay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dalka xukumayay tan iyo 1999-kii kadib markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii aasaasay dalka Xasan Guuleed Abtidoon, ayaa hore ugu guulaystay doorashadii 2021 isagoo helay ku dhowaad 98% codadkii la dhiibtay.

Dhinaca kale, ururada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti in ay xaddiday xorriyadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka, inkasta oo dowladdu ay eedahaas si adag u beenisay. Tan iyo 2016-kii, qaar ka mid ah xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ayaa qaaddacay doorashooyinka.

Doorashadan ayaa sidoo kale waxaa kormeeraya ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo la socda habsami u socodka codbixinta. Geelle ayaa ololihiisa doorashada ku salaynaya ilaalinta xasilloonida dalka, isagoo sheegay in Jabuuti ay ku guulaysatay in ay ilaaliso nabad "xilli ay gobolka ka jiraan qalalaase iyo xasillooni darro”.

Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale ah xarun istaraatiiji ah oo ay ku yaallaan saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee caalamku daneynayo amniga iyo ganacsiga Badda Cas iyo marinada caalamiga ah.

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa in la shaaciyo caawa ama subaxda Sabtida, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dalka.

In ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo ka qeyb galay tartan orod oo lagu muujinayay nabadda Muqdisho

In ka badan 500 oo dhalinyaro ah ayaa ka qeyb galay tartan orod ah oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu muujinayay horumarka amni iyo nabadeed ee Muqdisho, isla markaana dib loogu soo nooleynayo isboortiga dalka.

Tartankan oo ahaa mid furan (open) ayaa u ogolaanayay qof kasta oo Soomaali ah inuu ka qeyb galo, iyadoon loo eegin da’, xirfad ama heer ciyaareed. Mas’uuliyiinta isboortiga dalka ayaa sheegay in tartanku yahay mid lagu ogaanayo hibada cusub ee ciyaartoyda, si mustaqbalka loo horumariyo loona gaarsiiyo heer caalami.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in tartanka sanadkan lagu xusay halyeeyo hore oo orodyahanno ahaa si ay dhiirigelin ugu noqdaan jiilka cusub.

"Sanadkan tartanka orodka gaaban waxaan ku xusnay halyeeyo hore oo orod ahaa sida Jaamac Karaaciin iyo Saamiya, si ay tusaale ugu noqdaan dhalinyarada,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in ciyaartoyda laga dhex xuli doono tartankan la siin doono tababaro gaar ah, isla markaana loo diyaarin doono inay matalaan Soomaaliya mustaqbalka.

Sidoo kale, tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo madax sare oo ka tirsan dowladda iyo bahda isboortiga, iyadoo wasiirku uu hambalyo u diray dhammaan ciyaartoydii guuleysatay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshuhu yahay in sanadaha soo socda la gaarsiiyo heerar caalami ah, lana kordhiyo masaafada orodka si loo buuxiyo istaandarrada caalamiga ah.

Xisbullaah oo sheegtay in ay weerareen askar ka tirsan Israa’iil

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen ciidan Israa’iil ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan subaxnimadii Jimcaha shalayah.

Kooxda ayaa sheegtay inay "tiro gantaallo ah” ku weerartay ciidamada Israa’iil iyagoo ku sugnaa meel u dhow magaalada Al-Khimah, ee Nabatieh, abbaare 05:50 wakhtiga geeska Afrika.

Israa’iil weli kama hadlin arrintan.

Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa’iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas’uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay – duqeymo cusub oo dhex maray Israa’iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan”, saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lub-naan.

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska.

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay doon yar oo ay saarnaayeen iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Faransiiska una gudbaan Ingiriiska.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in 2 nin iyo 2 qof oo dumar ah ay ku dhinteen badda oo kacsanayd aawgeed.

Dalalka ay ka soo jeedaan dadka dhintay lama oga, laakiin qiyaastii 40 qof oo kale oo muhaajiriin ah ayaa lagu dabiibayaa goobta.

Si kastaba ha ahaatee, doontu waxay sii wadatay safarkeeda iyadoo ay saarnaayeen ilaa soddon qof oo kale.

Ilaa hadda sanadkan, shan kun oo qof ayaa si guul leh uga gudbay Ingiriiska iyagoo maraya waddadan halista ah ee isku Faraansiiska looga gudbo Ingiriiska.


TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

The Federal Republic of Somalia

Notice is hereby given that RTX Corporation ofUSAis sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.

P&W



Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International classes 11 & 12.

Aircraft construction including engines for use in powering aircraft, watercraft and stationary land installations and replacement parts therefor; diverse machines and equipments and their parts and all other goods included in classes 11&12

 

The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.

 

The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.

 

Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.

 

Any enquiry relative thereto may be referred to:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:aea@sabaip.com


TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

The Federal Republic of Somalia

Notice is hereby given that RTX Corporation of U.S.A. is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.

 

PRATT & WHITNEY


Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International classes 11 & 12.

Aircraft construction including engines for use in powering aircraft, watercraft and stationary land installations and replacement parts therefor; diverse machines and equipments and their parts and all other goods included in classes 11&12

 

The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.

 

The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.

 

Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.

 

Any enquiry relative thereto may be referred to:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:aea@sabaip.com


TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

The Federal Republic of Somalia

Notice is hereby given that RTX Corporation of USAis sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip