
Xaalad halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya oo si weyn looga digay
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay xaalad halis ah oo uu sheegay inay dalka ku soo wajahan tahay, taas oo ka dhalanaysa isku biirka cadaadisyo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrimahan isbiirsaday ay si tartiib tartiib ah dalka ugu riixayaan marxalad adag oo aan si sahlan looga soo kaban karin, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Warsame ayaa si gaar ah uga hadlay xaraashka lagu hayo hantida qaranka, isaga oo tilmaamay in la iibinayo ama la wareejinayo goobo muhiim u ahaa adeegga bulshada sida xarumo dowladeed, isbitaallo, goobo waxbarasho iyo suuqyo ganacsi, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid si toos ah u saameyneysa nolosha iyo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseedi karta burbur dhaqaale oo baahsan.
"Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay khalad iyo daciifnimo ku fasireen daalka shacabka iyo diidmada lagaga hor yimi in dib loogu laabto dagaallo sokeeye,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale, waxa uu ka digay in haddii aan xal laga gaarin xiisadaha siyaasadeed, arrimaha doorashooyinka iyo cabashooyinka shacabka ay suuragal tahay in dalka uu galo marxalad qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon bulsho oo aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Xaaladda Dalka: Xaqiiqooyin iyo Saadaal soo Wajahan
Xaraashka hantida qaranka, barakicinta shacabka, iyo cadaadisyada isbiirsaday ee bulsho, siyaasad iyo dhaqaale ayaa si tartiib ah u abuuraya xaalad halis ah oo innagu soo food leh. Arrimahani ma aha kuwo gooni gooni ah, ee waa silsilad isku xiran oo dalka u riixaysa jiho aan la saadaalin karin.
1. Xaraashka hantida qaranka iyo baaxaddiisa
Xarumihii wasaaradaha, xeryihii ciidammada, isbitaalladii, goobihii waxbarashada, xarumihii hooyada iyo dhallaanka, iyo suuqyadii ganacsiga dhammaantood waa la xaraashay.
Maanta waxay gaartay Suuqa Bakaaraha oo ah wadnaha dhaqaalaha dalka, taas oo muujinaysa heerka ku takrifalka hantida guud iyo sida ay u saamaynayso nolosha shacabka. Waxa socda waa in shacabka la cayrteeyo.
2. Barakicin iyo burbur dhaqaale
Boqollaal kun oo dad danyar ah ayaa hore loo barakiciyey, lana seejiyey nololmaalmeedkoodii, iyaga oo laga dhigay dad barakace ku ah gudaha dalka (IDP).
Waxa maanta socda waa barakicin dhaqaale oo heer qaran ah, xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an, dhaqaale xumo, shaqo la’aan baahsan, iyo kororka qiimaha maciishadda iyo shidaalka. Waa ayaandarro weyn iyo burbur dhaqaale oo si looga soo kabto aan la garan karin.
3. Eex, awood urursi, iyo sinaan la’aan
Hantidii iyo awooddii dalka waxa si qorshaysan loogu wareejiyey koox yar oo isugu jira: qoyska madaxweynaha, saaxiibbadiisa danlayda ah iyo taageerayaashiisa siyaasadeed.
Tani waxay sii xoojinaysaa dareenka ku dhisan dulmiga, kala sarraynta, sinnaan la’aan iyo eexda qaawan. Waxay wiiqaysaa hay’adihii dawladeed, waxayna naaxinaysaa kooxo gaar ah oo ah "makullaalaha cayilan.”
4. Xiisadaha siyaasadeed iyo hubanti la’aanta
Culayska dhaqaale waxa sii hurinaya xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya: halista ka dhalanaysa dagaal lagu qaadayo dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, heshiis la’aanta doorashooyinka, iyo hubanti la’aanta xilliga kalaguurka. Dhammaan xiisadahaas oo idil waxay muujinayaan culayska waqtigu soo sido iyo saadaasha xun ee mustaqbalka dalku foolanayo.
5. Carada shacabka iyo calaamadaha kacdoonka
Carada shacabka si joogto ah ayey u kordhaysaa, iyada oo saboolnimo, musuqmaasuq, iyo rejo la’aan ay sii hurinayaan. Dhanka kale, falcelinta dawladda waa mid ka fog masuuliyad.
Waxay ku kacaysaa xarig sharcidarro ah, xannibaado safar, hanjabaad, iyo afxumo. Soomaalidu hore waxay u tiri: "afxumo colaadna waxba kama tarto nabadna way kaa kaxaysaa.
Muddaaharaadyada, kulannada, iyo shirarka jaraa’id ee ay shacabku qabanayaan ma aha dhacdooyin gooni ah, waa bilowga kacdoon aan la saadaalin karin jihada uu qaadi doono.
Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay khalad iyo daciifnimo ku fasireen daalka shacabka iyo diidmada lagaga hor yimi in dib loogu laabto dagaallo sokeeye. Ma aha daciifnimo ee waa dulqaad, laakiin dulqaadku xad ayuu leeyahay, oo haddii uu dhaafo uu isu beddelo kacdoon arlada jiira, oo wax kasta burburiya. Ma aha in la dhayalsado dulmiga iyo tacaddiyada lagu hayo shacabka.
Gunaanad
Cadaadisyadan is barkani waxay si lamafilaan ah u keeni karaan foolkaane iyo qarax bulsho, haddii aan si midaysan oo masuuliyadi ku dheehan tahay looga hortagin.
Jidka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh waddanka ku wado natiijadeedu kuma ekaan doonto isaga iyo inta la macaashta oo keli ah, ee waxay si toos ah u rogi doontaa dhammaan dalka oo dhan.
Wuxuu waajib innaga saaran in aan ka hortagno, oo aan iska qabanno inta aynaan doonta dawladnimada nala wada degin . Hore waxa loo yiri, "belaayo af la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma leh.”


0 




Xaalad halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya oo si weyn looga digay
.