
Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalkiisa shaqo iyo doorashada guddoonka
Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (GMXD-DKGS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka shaqo ee guddiga iyo habraaca doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in hawlaha doorashada la qorsheeyay lana bilaabi doono 26-ka Maarso 2026, iyadoo la raacayo xeerka Madaxweyne Lr.162.
Guddigu wuxuu sheegay in jadwalku ka koobanyahay hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: shaacinta jadwalka doorashooyinka, faafinta habraaca soo xulista Golaha Wakiillada, diiwaangelinta xubnaha, iyo hubinta in doorashadu ku dhacdo si hufan, ammaan ah, oo waafaqsan shuruucda dalka.
Sidoo kale, guddigu wuxuu tilmaamay in doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed la qaban doono 29-ka Maarso 2026, taasoo ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee guddiga.
Guddoomiyaha Guddigaan, Shuceyb Nuur Xuseen, ayaa ku boorriyay xubnaha iyo bulshada guud ahaan inay u hogaansamaan jadwalka si doorashadu u noqoto mid cadaalad oo hufnaan ku dhisan, isla markaana ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.
HALKAAN HOOSE KA EEG JADWALKA DOORASHO GOLAHA WAKIILADA EE AY SOO SAAREN GUDDIGA:-



0 




Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalkiisa shaqo iyo doorashada guddoonka
.