
Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Go'aanka Xukuumada Somaliland Ku Jaangoysay Qiimaha Shidaalka Mid Masuuliyad Darro Ah
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay xukuumaddu ku kordhisay qiimaha shidaalka, isaga oo ku tilmaamay mid aan ka fiirsasho lahayn oo culays dheeraad ah saaraya shacabka.
Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xukuumaddu maalintii hore ku dhawaaqday in qiimaha litirka shidaalka uu yahay 9,500 Shilin Somaliland, balse isla maalintaas galinkii dambe ay mar kale ku dhawaaqday qiime cusub oo dhan 12,500 Shilin, taas oo ay ku tilmaameen jahawareer iyo go’aan-qaadasho liidata.
Xisbiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda in ay ka leexatay doorkeedii ahaa ilaalinta danaha shacabka, iyada oo halkii ay ganacsatada ka xakamayn lahayd kororka qiimaha shidaalka, ay iyadu ku dartay lacag dheeraad ah oo sii kordhisay culayska nolosha.
Kulmiye waxa uu sheegay in isbeddelka degdegga ah ee qiimaha shidaalka uu muujinayo maamul jilicsan oo aan awood u lahayn inuu ku adkaysto go’aamo sax ah, taas oo keentay in bulshada dhexdeeda ay ka dhalato cadho iyo walaac ku saabsan sida loo maareynayo arrimaha dhaqaalaha.
Xukuumadda Somaliland ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaacisay qiime cusub oo lagu iibinayo shidaalka, kadib shirar isdaba joog ah oo dhex maray Wasaaradda Ganacsiga, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ganacsatada shidaalka.
Sida ay xukuumaddu sheegtay, go’aankan waxa uu ka dhashay falanqayn qoto dheer oo lagu sameeyay kororka ku yimid qiimaha shidaalka dibadda laga soo dejiyo, iyadoo lagu heshiiyay in litirka shidaalka la gaadhsiiyo 12,500 Shilin Somaliland, halka naaftadana lagu go’aamiyay 10,500 Shilin Somaliland.
Xukuumaddu waxay intaas ku dartay in kororka qiimaha shidaalka uu si toos ah ula xidhiidho xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, kuwaas oo saameeyay wax-soo-saarka iyo sahayda shidaalka caalamka, isla markaana sare u qaaday qiimaha saliidda, arrintaas oo si weyn u taabatay Somaliland oo ku tiirsan shidaalka dibadda laga keeno.


0 



Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Go'aanka Xukuumada Somaliland Ku Jaangoysay Qiimaha Shidaalka Mid Masuuliyad Darro Ah
.