
Mareykanka oo ergo u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay inay farriin uga timid Trump
Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya ergo iyo dalal dhexdhexaad ah, farriintaas oo la gaarsiiyay Tehran, sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka ee CBS News, oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan.
Farriintan ayaa la sheegay inay la xiriirto xiisadda u dhexeysa labada dal iyo suurtagalnimada in dib loo bilaabo wada-hadallo u dhexeeya Washington iyo Tehran, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu wada-hadallo cusub uu la yeeshay Iiraan, isaga oo sheegay in wada-hadalladaasi ay ahaayeen kuwo horudhac ah, isla markaana la filayo inay sii socdaan toddobaadkan.
Hadalka Trump kadib, dowladda Iiraan ayaa si degdeg ah u beenisay in wax wada-hadal toos ah ay la yeesheen Mareykanka, waxayna sheegtay in aysan jirin wax kulan rasmi ah oo dhex maray labada dal, maadaama aysan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Si kastaba, saacado kadib Iiraan ayaa xaqiijisay in farriin ka timid Mareykanka ay soo gaartay, balse aan si toos ah loo soo marin, ee loo soo mariyay dalal kale oo dhexdhexaad ka ah labada dhinac, sida ay baahisay CBS News.
Sarkaal ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in farriinta Mareykanka ay hadda gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta Tehran, isla markaana la tixgelinayo waxa ku qoran iyo sida laga yeelayo, taas oo muujinaysa in haatan ay jiraan xiriirro hoose oo u dhexeeya labada dal.
Trump ayaa dhankiisa sheegay in wada-hadalladii uu sheegay ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, isla markaana uu u gudbiyay Iiraan qodobo dhowr ah oo uu doonayo in laga wada-hadlo, kuwaas oo lagu sheegay ilaa 15 qodob oo la xiriira nukliyeerka, amniga gobolka iyo cunaqabateynta saaran Iiraan.
"Annaga iyo Iiraan waxaa doonayna nabad; waxaan u maleynayaa inay jirto fursad aad u wanaagsan oo lagu gaari karo heshiis,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta, isagoo muujiyay rajo ku aaddan in heshiis cusub la gaari karo haddii wada-hadalladu sii socdaan.
Mareykanka iyo Iiraan ma laha xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah, waxaana inta badan xiriirka labada dal uu ku socdaa si dadban oo loo marayo dalal kale oo dhex-dhexaad ah oo gudbiya farriimaha labada dhinac.
Dalalka inta badan dhex-dhexaadiya xiriirka Mareykanka iyo Iiraan waxaa ka mid ah Cumaan, Qatar iyo dalal kale, kuwaas oo door ka qaata gudbinta farriimaha iyo martigelinta wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeya labada dal.


0 



Mareykanka oo ergo u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay inay farriin uga timid Trump
.