IRAN ma weerari kartaa London iyo guud ahaan Yurub?

0
Sunday March 22, 2026 - 22:41:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IRAN ma weerari kartaa London iyo guud ahaan Yurub?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda UK ayaa ka hadashay sheegashooyinka ka imanaya Israa’iil ee ku saabsan awoodda gantaallada riddada dheer ee Iiraan, iyadoo sheegtay in aanay jirin qiimayn rasmi ah oo xaqiijinaysa in Tehran ay gaari karto ama beegsan karto dalka Britain.

 

Xoghayaha Guriyeynta UK, Steve Reed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladdiisu aysan haynin wax caddeyn ah oo muujinaya in Iiraan ay qorsheyneyso inay weerar ku qaaddo UK, ama ay leedahay awood si toos ah u gaari karta dhulka Britain.

Reed ayaa carrabka ku adkeeyay in inkasta oo xiisadda gobolka ay sare u kacday, haddana hay’adaha amniga ee UK aysan soo saarin wax digniin ah oo gaar ah oo ku saabsan khatar ka iman karta Iiraan.

 

 

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheegeen in Iiraan ay haysato gantaallo riddadoodu gaareyso illaa 4,000km, taasoo ay ku andacoonayaan inay suurtagal ka dhigeyso inay gaaraan qaybo ka mid ah Yurub oo ay ku jirto London.

Si kastaba, sheegashadaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin, inkasta oo Iiraan ay horey u muujisay horumar la xiriira barnaamijkeeda gantaallada ballistic-ga ah.

Warbixinno ay qoreen warbaahinta caalamka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Iiraan ay isku dayday inay beegsato saldhigga milatari ee Diego Garcia, oo ay wadaagaan Mareykanka iyo UK, kaasoo ku yaalla jasiiradaha Chagos ee Badweynta Hindiya, isla markaana qiyaastii 3,800km u jira Iiraan.

 

 

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu ka koobnaa laba gantaal oo ballistic ah, balse midkood uu hawada ku burburay halka kan kalena lagu qabtay nidaamyada difaaca hawada kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.

Ilo amni iyo falanqeeyayaal ayaa sheegay in dhacdadan ay muujin karto in Iiraan ay sii ballaarineyso awooddeeda gantaallada, hase yeeshee weli ay jiraan su’aalo la xiriira masaafada dhabta ah iyo saxnaanta gantaalladaas.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Iiraan ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha weerarka, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan uu horey u sheegay in dalkiisu si ula kac ah u xaddiday riddada gantaalladiisa ilaa 2,000km, si aysan u kordhin xiisadaha caalamiga ah.

 

 

"Waxaan leenahay awood aan ku soo saarno gantaallo [dhaadheer], laakiin si badheedh ah ayaan isugu koobnay in aan ka hooseyno 2,000km, sababtoo ah ma dooneyno in waddan kale oo adduunka ah uu noo arko in aan nahay khatar,” ayuu yiri Wasiir Araghchi.

Falanqeeyayaal caalami ah ayaa tilmaamay in haddii la xaqiijiyo in gantaallo gaari kara masaafo ka badan 4,000km la adeegsaday, ay tani wax weyn ka beddeli karto xisaabta amniga ee gobolka iyo Yurub, maadaama ay suurtagal ka dhigeyso in bartilmaameedyo fog la gaaro.

Ugu dambeyn, dowladda UK ayaa ka gaabsatay inay bixiso faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan qiimeynta sirdoonka, iyadoo sheegtay in arrimaha noocaas ah aysan habboonayn in si fagaare ah loo shaaciyo, xilli xiisadda u dhexeysa Iiraan, Israa’iil iyo xulafadooda ay weli kacsan tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip