
Al-Shabaab oo baahisay muuqaal ku saabsan weerarkii Godka Jilacow
Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ku saabsan weerarkii 4-tii Oktoobar ee lagu qaaday xabsiga sida gaarka ah loo ilaaliyo ee Godka Jilacow ee Muqdisho, halkaas oo ay ku andacoodeen in ay ku dileen 42 ka tirsan ciidamada dowladda.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen toddobo xubnood, kuwaas oo ay ku jireen laba qof oo ajaanib ah oo ka kala yimid Itoobiya iyo Tanzania.
Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkaasi lagu sii daayay maxaabiis ay ku jireen qaar hore uga tirsanaa, kuwaas oo ay sheegeen in markii xabsiga laga saaray ay qayb ka noqdeen weerarka.
Sida lagu sheegay muuqaalka ay kooxdu baahisay, dadka weerarka fuliyay waxaa ku jiray wiil uu dhalay afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Afhayeenka Alshabaa ayaa sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Dheere), uu doortay inuu ka mid noqdo dagaalamayaasha isku qarxiyay Godka Jilacow.
Muuqaalka ayaa muujinayay gaari loo ekeysiiyay kuwa hay’adda NISA oo ka gudbaya baraha kontoroolka ciidanka. Markii uu gaaray gudaha xarunta Godka Jilacow ayaa gaarigaasi qarxay, iyadoo sidoo kale la arkayay dagaalamayaal hubeysan oo gudaha xabsiga ka dagaallamaya.
Al-Shabaab ayaa ku doodday in sababta weerarkaasi ay ahayd, sida ay hadalka u dhigtay, in xabsigaasi lagu dhibaateeyo dad rayid ah loona xiro eedo aysan lahayn. waxay sheegeen in weerarkani uu qeyb ka yahay beegsiga xabsiyada. iyagoo soo qaatay weerarkii 2021 ay ku qaadeen xabsiga Boosaaso.
Mid ka mid ah ajaanibta la sheegay inay ka qayb qaateen weerarka ayaa muuqaalka ku sheegay inuu Soomaaliya u yimid waxa uu ku sheegay "inuu dalka ka xoreeyo ciidamo shisheeye”.
Weerarkii Godka Jilacow ayaa ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee nuuciisa ah oo ay Alshabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho. Weerarkaas oo ay adeegsadeen xeelad ay kaga gudbeen baraha Kantaroolada ayaa cashar u noqday hay’adaha amniga Dowladda.



0 



Al-Shabaab oo baahisay muuqaal ku saabsan weerarkii Godka Jilacow
.