
DF oo ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, soona saartay amar cusub
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin, kadib markii ay sheegtay in uusan sharciyad haysan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Mas’uuliyiinta labada heer ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilka sii hayn doona illaa inta laga soo dooranayo golayaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyadda maamul iyo kuwa bulshada.
"Madaxda sare ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxay ku jiraan muddo dhaaf xileed, oo u baahan xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada, sidaas darteed wasaaradda oo la tashanaysa odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta maamulka dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen gudaha maamulkaasi.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Ujeeddo: Xil-haynta xilka maamullada heer gobol iyo heer degmo ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Markuu arkay: Qodobka 43aad ee Sharciga Lr. 116 ee soo baxay 06/08/2013.
Markuu tixgeliyey: Xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Markuu garwaaqsaday: In ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyadda maamul iyo kuwa bulshada.
Markuu hubsaday: In madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku jiraan muddo dhaaf xileed, una baahan yihiin xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada.
Wuxuu caddaynayaa:
1. In dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin, ilaa laga soo dooranayo golayaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la tashanaysa odayaasha dhaqanka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si gaar ah ugu xilsaaran yihiin ilaalinta maamulka dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulkaas.
Ugu dambeyntii, dhammaan xafiisyada ay khusayso warqaddan oo ay ka mid yihiin
Hay’adaha Amniga waxaa la farayaa dhaqan gelinta wareegtadan, isla markaana ay
ka qaataan kaalintooda ku aadan sugidda xasiloonida maamulka iyo hirgelinta
nidaamka dowladnimada.
Wada Shaqeyn Wacan
Xil. Cali Yuusuf Cali (Xoosh)
Wasiirka Wasaaradda


0 




DF oo ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, soona saartay amar cusub
.