
Maxamed Mursal oo kusoo biiray dagaalka Lafta-gareen iyo Xasan – Yuu la saftay?
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.
"Nidaamka federaalka ama dastuurkii lagu heshiiyay 2012 wuxuu dhigayaa in dowlad-goboleedyada ay si gaar ah isku maamulayaan, oo howlahooda iyaga gaar u yihiin. Dowladda Federaalka waxaa leenahay dowlad-goboleedkan waxay iska laheyd yeysan kusoo fara-gelin,” ayuu yiri Maxamed Mursal.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuusan awood ciidan u adeegsan faragelinta Koonfur Galbeed, isla markaana uu joojiyo abaabulka dagaal ee la sheegay inuu socdo.
"Madaxweyne Xasan Sheekh waddankaan waayo arag ayaa u tahay dhibaatooyinkii ay sol mareen bulshadan ku dhaqan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, haddii aan hadda wax la tareyn, oo xagga bini’aadannimo iyo dhisida nidaamkeeda siyaasadeed, yaan inta ciidan lasoo wato la dumin,” ayuu yiri Maxamed Mursal.
"Dadka udhashay deeganka ee raba inay doorasho dhacdo idinkama jirto halka aad wax ka raadinaysa ee fadlan damiirkiina ha shaqeeyo, yaan la idin adeegsanin in deegankiina aad gacantiina ku bur burisan.”
Ugu dambeyntiina, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyay inuu dib iskugu laabto, isla markaana uu maamullada u oggolaado inay si iskood ah u qabsadaan doorashooyinka, maadaama muddo-xileedkoodu horey u dhammaaday.
Hoos ka daawo muuqaalka


0 




Maxamed Mursal oo kusoo biiray dagaalka Lafta-gareen iyo Xasan – Yuu la saftay?
.