
DF oo ku dhawaaqday guda-galka doorashooyinka xilli ay K/G qabsanayso doorasho
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in dalka uu galayo marxalad doorasho oo cusub, taas oo lagu tilmaamay mid loo dhan yahay oo daahfuran.
Wasaaradda ayaa sheegtay in geeddi-socodkan doorasho uu ku saleysan yahay shuruucda dalka, isla markaana la doonayo in lagu xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay si siman uga qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
"Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hoosta ka xariiqday in doorashooyinka la qaban doono ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah, oo waafaqsan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambeyntiina, Wasaaradda ayaa xaqiijisay in hay’adaha ku shaqada leh doorashooyinka ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, ayna dhawaan guda geli doonaan, iyadoo dowladda federaalku ay muujisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta nidaam doorasho toos ah.
Arrintan ayaa imanaysa xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, uuna Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen qorsheynayo inuu magaalada Baydhabo ku qabto doorashado dadban, taas oo si adag uga soo horjeedo Villa Soomaaliya.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.
Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda.
Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay caddeyneysaa in geeddi-socodka doorashooyinku uu yahay mid toos ah, xor iyo xalaal ah (free and fair), kuna saleysan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay xaqiijinaysaa in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh geeddi-socodka doorashooyinka ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa ka go’naashaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimugraadiyadda iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan.
ーDHAMMAADー



0 


DF oo ku dhawaaqday guda-galka doorashooyinka xilli ay K/G qabsanayso doorasho
.