
Askar Qatari iyo Turkish ah oo ku dhintay diyaarad maanta ku burburtay…
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad helikobtar ah oo ay leeyihiin milateriga Qatar oo maanta ku burburtay gudaha dalkaasi.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay soo dhacday kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad farsamo, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.
Dhammaan toddobadii qof ee saarnaa diyaaradda helikobtarka, oo ay ku jiraan saddex muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dowladda Qatar.
Wasaaradaha Difaaca ee Qatar iyo Turkiga ayaa goor sii horreysay sheegay in diyaaraddu ay soo dhacday kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad farsamo, taas oo wasaaradda Qatar ay ku tilmaamtay inay dhacday xilli diyaaraddu ay ku jirtay "shaqo maalmeed caadi ah”.
Afar kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa xubno ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Qatar, halka mid kalena uu ka tirsanaa ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga. Sidoo kale, labo kale ayaa ahaa farsamo-yaqaanno, sida ay si wadajir ah u sheegeen Wasaaradaha Difaaca ee Turkiga iyo Qatar.
Sida ay baahisay Wasaaradda Difaaca ee Qatar, dadka dhintay ayaa lagu kala magacaabay: Duuliye Kabtan Mubaarak Saalim Daway Al-Marri, Sajin Fahad Haadi Ghaanim Al-Khayaariin, Koperal Maxamed Maahir Maxamed iyo Kabtan Saciid Naasir Sameekh (oo dhammaantood ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Qatar).
Sidoo kale, Gaashaanle Sinaan Tashtekiin (oo ka tirsanaa ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga) iyo labo shacab ah oo u dhashay Turkiga oo la shaqeynayay ciidamada, kuwaas oo kala ah Suleymaan Jemra Kahraman iyo Ismaaciil Anas Jaan, ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed.
Wasaaradda ayaa "tacsi tiiraanyo leh” u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilka.
Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarteeda iyo labo shaqaale ah oo ka tirsan shirkadda difaaca Turkiga ee Aselsan ay ku dhinteen shilkan.
Waxay intaas ku dartay in diyaaraddu ay soo dhacday cilad farsamo awgeed iyadoo ku guda jirtay duulimaad tababar ah.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta Qatar ay sameyn doonaan baaritaanno qoto dheer oo lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddu ay soo dhacdo.
Ma jirto faah-faahin degdeg ah oo laga helay sababta dhalisay shilkan oo ka baxsan ciladda farsamo, mana jiraan illaa hadda wax caddeynaya in shilkani uu ka dhashay weerar cadowtooyo.
Saameynta xiisadda Gacanka
Dalka Qatar ayaa la kulmayay duqeymo isdaba-joog ah tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar wadajir ah ku qaadeen dalka Iiraan 28-kii bishii Febraayo, iyadoo waddankan ku yaalla Gacanka uu dhexda ka qabtay boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo ay Iiraan soo ridday.
Horraantii toddobaadkan, weerarro ay Iiraan ku qaadday magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo ah xarunta ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee Qatar, ayaa sababay "burbur baaxad leh”.
Weerarada Iiraan ayaa hoos u dhigay boqolkiiba 17 awooddii dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ee dalka Qatar, taas oo sababtay khasaare lagu qiyaasay 20 bilyan oo doolar oo ka luntay dakhliga sanadlaha ah ee dalkaasi, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay maalintii Khamiista Sacad Al-Kacbi, oo ah Madaxa Fulinta ee shirkadda QatarEnergy, ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Tamarta ee dalkaas.
Wuxuu sheegay in labo ka mid ah 14-ka warshadood ee sifeeya gaaska (LNG) iyo mid ka mid ah labada xarumood ee gaaska u beddela qaabka dareeraha (GTL) ay ku burbureen duqeymahan aan horey loo arag.


0 




Askar Qatari iyo Turkish ah oo ku dhintay diyaarad maanta ku burburtay…
.