
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka taagan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay xaaladaha ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka halkaas ka jira.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey odayaasha kaalintooda ku aaddan horumarka deegaanadaasi, wuxuuna ku boorriyey in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.










0 



Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.
.