
Daacish oo dhaqdhaqaaqyo cusub ka bilowday Calmiskaad iyadoo dib ugu soo laabtay Miiraale
Dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay wadaan ururka Daacish ayaa laga soo sheegayaa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaddib markii inta badan ciidamada Puntland laga soo saaray furimaha hore ee aaggaasi.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Daacish ay dib ugu soo laabteen dhulal ay hore uga carareen, iyagoo ka faa’iidaysanaya firaaqa amni ee ka dhashay dib u gurashada ciidamada.
Ilo amni ayaa tilmaamaya in kooxda ay si gaar ah u hawlgelisay shabakadihii qarsoodiga ahaa ee u qaabilsanaa saadka iyo sahayda, kuwaas oo maalmahan dambe dhaqdhaqaaqyo muuqda ka sameeyay deegaannada Baallade, iyagoo sahay kala duwan ka gudbinaya dhulka u dhexeeya Marmarka iyo Walisoor.
Sidoo kale, unugyada miinooyinka ee kooxda ayaa dib u soo ifbaxay, iyadoo dhacdo dhowaan ka dhacday deegaanka Curaar ay ku dhinteen siddeed askari oo miino haleeshay, taas oo sare u qaaday walaaca amni.
Xogaha ugu dambeeyay ee laga helay ilo amni ayaa muujinaya in tirada Daacish ee ku sugan Calmiskaad ay gaartay ku dhawaad 263 xubnood. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa laga diiwaangeliyay dhul ballaaran oo u dhexeeya Ceelka Madaah, oo qiyaastii 40 km u jira Yalho, ilaa Ceelka Shankaalo ee Toga Baalade.
Arrintan ayaa muujinaysa in kooxda ay dib u furtay marinadii sahayda ee Marmarka, isla markaana ay dib u abaabuleyso taageerayaal ku dhex dhuumanayay bulshada.
Dhanka kale, warbixinno laga helay dadka reer miyiga ah ayaa sheegaya in kooxda ay intii lagu jiray bisha Ramadaan la wareegtay xoolo nool oo tiro badan. Deegaanka Indhacadeeye, saddex qoys ayaa la sheegay in laga dhacay wadar ahaan 217 neef oo ari ah.
Qaar ka mid ah xoolahaasi ayaa la sheegay in lagu arkay iyagoo laga waraabinayo Ceelka Madaah, taas oo muujinaysa dhaqdhaqaaq joogto ah oo ay kooxda ku leedahay ceelasha biyaha muhiimka ah.
Ceelasha ay kooxda dib ugu soo laabatay aa ay horayba u joogtay waxaa ka mid ah Miraale, Shakaalo, Madaah, Canjeela, Sabax Sabax, Afka Haqay, Dalaas iyo Qaraj.
Sidoo kale, warar ka imaanaya dhanka Walisoor ayaa sheegaya in toddobaadkii la soo dhaafay ay halkaasi ka gudbeen xoolo lagu qiyaasay 30 ilaa 50 neef, kuwaas oo raadkoodu ku dhammaaday dhanka Baallade. Ciidamo dabagal ku sameeyay ayaa xaqiijiyay inaysan gaarin xoolahaas, balse ay ka rarreen dadka reer miyiga ah ee deegaannadaas ku sugnaa.
Khubarada amniga ayaa ka digaya in dhaqdhaqaaqyadan cusub ay horseedi karaan weerarro gaadmo ah iyo in la kordhiyo miinooyinka lagu aaso waddooyinka, gaar ahaan kuwa cusub ee la sameeyay.


0 




Daacish oo dhaqdhaqaaqyo cusub ka bilowday Calmiskaad iyadoo dib ugu soo laabtay Miiraale
.