Xukuumadda Soomaaliya oo War ka Soo Saartay Xiisadda Ka Taagan Koonfur Galbeed

0
Wednesday March 18, 2026 - 17:53:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya oo War ka Soo Saartay Xiisadda Ka Taagan Koonfur Galbeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay deegaanada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku si dhow ula socoto xiisadaha jira, isla markaana ay ka walaacsan tahay saameynta ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

Xukuumadda Soomaaliya oo War ka Soo Saartay Xiisadda Ka Taagan Koonfur Galbeed

 

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta.

Qodobada ugu muhiimsan ee war-saxaafadeedka waxaa ka mid ah in dowladda federaalku ay bogaadisay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed doorkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka, Sidoo kale, waxaa la xusay in dhammaan dhinacyada ay ka fogaadaan falal hurin kara colaado hor leh, ayna doortaan wadahadal iyo is-afgarad.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay kaalin muuqata oo ku saabsan dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.

Warka ayaa tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo si nabad ah oo waafaqsan dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka ayaa ugu baaqday madaxda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo wadajirka bulshada ku nool Koonfur Galbeed.




 

Xukuumadda Soomaaliya oo War ka Soo Saartay Xiisadda Ka Taagan Koonfur Galbeed



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip