Maxamed Mursal oo ka digay halista amarka dib loogu celiyay diyaarad ku sii jeedday Baydhabo

0
Wednesday March 18, 2026 - 16:47:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Mursal oo ka digay halista amarka dib loogu celiyay diyaarad ku sii jeedday Baydhabo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa si kulul uga hadlay dhacdo la xiriirta diyaarad rakaab sidday oo laga celiyay magaalada Baydhabo, isagoo ku tilmaamay arrin halis gelisay badbaadada rakaabka iyo shaqaalihii diyaaradda.

Diyaaraddan oo ka ambabaxday magaalada Nairobi kuna sii jeedday Baydhabo, ayaa la sheegay in amar degdeg ah lagu siiyay in dib loogu celiyo Nairobi xilli ay ku dhowaatay halka ay ku socotay. Rakaabka saarnaa waxaa ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale oo dowladeed.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in tallaabadan lama filaanka ah ay si toos ah u khatar gelisay nolosha dadka saarnaa diyaaradda, isla markaana ay abuurtay cabsi iyo jahawareer ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambeysay go’aankaasi.

"Ma aha oo kaliya arrin duulimaad, balse waa mid taabaneysa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xildhibaanada Baarlamaanka,” ayuu yiri Mursal.

Wuxuu sidoo kale xusay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay si xor ah ugu safraan gudaha dalka si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, isagoo ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay dhaawacayaan kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.

Guddoomiyihii hore ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si cad uga jawaabto dhacdadan, isla markaana ay ka fogaato tallaabo kasta oo loo fasiran karo cadaadis siyaasadeed ama carqaladeyn lagu hayo wakiillada shacabka.

Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta badbaadada duulista, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, iyo ixtiraamka hay’adaha dastuuriga ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso dowladnimo hufan iyo nidaam sharci oo lagu kalsoonaan karo.

Maxamed Mursal oo ka digay halista amarka dib loogu celiyay diyaarad ku sii jeedday Baydhabo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip