Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

0
Tuesday March 17, 2026 - 12:10:12 in Wararka by
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahn Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan dadka aan wax maqlin iyo kuwa aan wax arkin si ay uga qeyb qaataan farxada Ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay mas’uuliyad ka saaran tahay daryeelida bulshada qeybahooda kala kala duwan , waxa uuna baaq u diray dadka illaahey wax siiyay in ay kaalintooda ka qaataan garab istaaga dadka Nugul iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale laamaha amniga ku amaanay dadaalkooda naf-hurnimada leh ee sugida amniga, waxa uuna shacabka ugu baaqay in la garab istaago oo lala shaqeeyo ciidamada amniga, asigoona u rajeeyay in caafimaad iyo farxad ay ku ciidaan.

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo ...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo ...

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip