
Trump oo khalad nacasnimo ah ku tilmaamay go'aanka ay qaateen dalalka NATO
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in inta badan waddamada xulafada la ah ee gaashaanbuurta NATO ay ku wargeliyeen xukuumadda Washington inaysan doonayn inay qayb ka noqdaan howlgalka milateri ee ka dhanka ah Iiraan, tallaabadaas oo uu ku sifeeyay mid ah "khalad weyn oo nacasnimo ah.”
Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, xilli uu halkaas booqasho ku joogay Ra’iisul Wasaaraha Ireland Micheal Martin oo ka qaybgalayay munaasabadda maalinta St. Patrick, Trump ma uusan bixin wax calaamad ah oo muujinaya inuu qorsheynayo inuu ciqaabo dalalka xulafada ah ee diiday baaqiisa.
Wuxuu xusay in waddamada NATO ay dhab ahaan taageersan yihiin dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil oo haatan galay toddobaadkii saddexaad, balse aysan gabi ahaanba doonayn inay si toos ah ugu lug yeeshaan.
"Waxaan qabaa in NATO ay sameyneyso khalad weyn oo nacasnimo ah,” ayuu yiri Trump. "Qof kasta wuu nagu raacsan yahay, laakiin ma doonayaan inay na caawiyaan. Annaguna, Mareykan ahaan, waa inaan taas xusuusannaa sababtoo ah waxaan u aragnaa arrin aad loola yaabo.”
Markii wax laga weydiiyay inuu aargoosi dhanka diblomaasiyadda ama dhaqaalaha ah ku sameyn doono xulafada dib u guratay, Trump ayaa sheegay in "uusan waxba maskaxda ku hayn xilligan.” Inkastoo madaxweynuhu uu horay ugu hanjabay inuu Mareykanka ka saari doono isbaheysiga NATO, haddana arrintaas masoo hadal qaadin Talaadadii.
Madaxweyne Trump ayaa horay ugu baaqay waddamada caalamka inay gacan ka geystaan ilaalinta iyo sugidda amniga Marinka Hormuz, kaas oo ay marto boqolkiiba 20% shidaalka adduunka.
Baaqan ayaa yimid kadib markii Iiraan ay kaga jawaabtay duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo iyo miinooyin si ay gabi ahaanba marin-biyoodkaas istaraatiijiga ah uga xirto maraakiibta xamuulka.
Si kastaba ha ahaatee, dhowr dal oo xulafo la ah Washington ayaa Isniintii caddeeyay inaysan qorsheynayn in ay si degdeg ah maraakiib ugu diraan marinkaas si ay gacan uga geystaan furiddiisa, taas oo si cad u meesha uga saartay dalabkii madaxweynaha ee ahaa in la helo taageero milateri oo caalami ah.
Saacado kahor shirkiisa jaraa’id ee Talaadadii, Trump ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Truth Social soo dhigay qoraal kulul oo uu ku sheegay in guulaha milateri ee la gaaray awgeed aysan Washington baahi u qabin taageerada waddamada xulafada ah.
"Maadaama aan gaarnay guul milateri oo aad u weyn, hadda wixii ka dambeeya uma baahnin, mana doonayno, caawinaadda waddamada NATO — WALIGEENNA UMA AANAN BAAHNAAN!” ayuu qoray Trump, isagoo fariintiisa dacalkeeda si gaar ah farta ugu fiiqay dalalka Japan, Australia iyo Kuuriyada Koonfureed.


0 




Trump oo khalad nacasnimo ah ku tilmaamay go'aanka ay qaateen dalalka NATO
.