
Israa'iil oo ku dhowaaqday in ay dileen Cali Larijani
Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa Talaadada ku dhawaaqay in duqeyn milateri oo dhacday xalay lagu dilay sarkaalkii ugu sarreeyay dhanka amniga ee Iiraan, Cali Larijani, iyo taliye sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka.
Milateriga Israa’iil ayaa dhankooda shaaciyay inay dileen Jeneraal Gholam Reza Soleimani, oo ahaa madaxa ciidamada iskaa-wax-u-qabsooga ah ee loo yaqaan Basij, kuwaas oo hoos yimaada Ilaalada Kacaanka Iiraan.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaan si degdeg ah u xaqiijin dhimashada labadan mas’uul. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in dhowaan la baahin doono fariin ka soo bixi doonta xafiiska Larijani.
Dilalkan ayaa mar kale meesha ka saaraya hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee nidaamka wadaaddada Iiraan, kadib duqeyntii dhacday 28-kii Febraayo ee lagu dilay Hoggaamiyihii Sare ee dalkaas, Aayatullaahi Cali Khamenei, oo ahaa 86 jir.
"Larijani iyo taliyihii Basij xalay ayaa la ciribtiray, waxayna ku biireen Khamenei, oo ahaa madaxii barnaamijka gumaadka, iyo dhammaan kuwii laga ciribtiray isbaheysiga sharta ee ku jira moolka naarta,” ayuu Katz ku yiri bayaan uu soo saaray.
Larijani wuxuu ka soo jeedaa mid ka mid ah qoysaska siyaasadeed ee ugu caansan Iiraan.
Wuxuu horay u soo noqday afhayeenka baarlamaanka iyo la-taliye sare oo dhanka siyaasadda ah, waxaana loo magacaabay inuu la-taliye dhanka istaraatiijiyadda ah u noqdo marxuum Khamenei intii ay socdeen wadahadalladii nukliyeerka ee lala yeeshay maamulka Trump.
Sidoo kale, wuxuu soo noqday xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, oo ah hay’adda ugu sarraysa dhanka amniga ee dalkaas.
Larijani, oo dhashay 3-dii Juun 1958-kii, ayaa bishii Janaayo waxaa cunaqabateyn ku soo rogtay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka, xilli xukuumadda Tehran ay si rabshado wata u cabburisay banaanbaxyo ruxay guud ahaan dalkaas.
Waaxda ayaa ku sifeysay inuu ahaa mas’uulka "qaabilsanaa isku-duwidda jawaabta laga bixinayay banaanbaxyada isagoo ku hadlaya magaca hoggaamiyaha sare ee Iiraan.”
"Larijani wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Iiraan ee ugu horreeyay ee ku baaqa in gacan-ka-hadal lagaga jawaabo dalabaadka sharciga ah ee shacabka Iiraan,” ayay tiri Waaxda Maaliyadda Mareykanka xilligaas.
Banaanbaxyadii dalkaas ka dhacay bishii Janaayo iyo cabburintii dhiigga badani ku daatay ee xigtay ayaa galaaftay nolosha kumannaan qof, halka tobannaan kun oo kalena la xiray.
Larijani wuxuu ahaa shakhsi awood muxaafid ah ku dhex leh nidaamka wadaaddada Iiraan. Wuxuu xilka afhayeenka baarlamaanka hayay intii u dhexaysay 2008 ilaa 2020. Si kastaba ha ahaatee, markii Iiraan ay dareentay cadaadis isa soo taraya oo kaga imanayay dibadda iyo gudahaba, Larijani wuxuu billaabay inuu soo saaro hanjabaado aad u mayal adag.
Walaalkiis, Sadiiq Larijani, ayaa isna horay u soo noqday madaxa waaxda garsoorka ee Iiraan.
Marxuum Khamenei ayaa sanadkii 2021 ka hor istaagay Larijani inuu u tartamo xilka madaxweynenimada, kadib markii uu isku muujiyay inuu yahay murashax xal-doon ah oo taageeri doona in Tehran ay dib ugu laabato heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii 2015 lala galay quwadaha adduunka.
"Waxaan gutay waajibaadkaygii aan ku lahaa Ilaahay iyo qaranka qaaliga ah hortooda, waanan ku qanacsanahay,” ayuu Larijani xilligaas ku soo qoray bartiisii Twitter-ka.
"Waan u mahadcelinayaa dhammaan intii muujisay shukrigooda, waxaana rajeynayaa inaad ka qaybgali doontaan doorashooyinka si loo horumariyo Iiraan oo Islaami ah.”


0 




Israa'iil oo ku dhowaaqday in ay dileen Cali Larijani
.