
Muungaab oo fuliyay amar kasoo baxay Xasan Sheekh + Sawirro
Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isaga oo fulinayay amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ka farxiyay carruurta agoonta ee Dugsiga Wiilasha Kaaraan, isagoo gaarsiiyay Ciid-siin iyo taakuleyn uu ugu talagalay maamulka gobolka. Ugu horreyn Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan barbaarinta iyo xanaaneynta ardeyda agoonta, waxa uu xusay in dowladda hoose ee xamar uu xil ka saaran yahay adeegyada aas-aasiga ah, ay hadana si gaar ah ugu warqabi doonaan dadka baahiyaha gaarka qaba, taasi oo qeyb ka ah fulinta dardaaranka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
"Waxaa fulineynaa dardaaranka iyo jiheynta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in mar walba la garab istaago dadka danyarta ah, kuwa baahiyaha gaarka qabo si ay u helaan garab istaag dhinac kasta leh” ayuu yiri Muungaab.
Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday in maamulka gobolka uu sii wadi doono taageeradiisa, isaga oo ku dhawaaqay in laga bilaabo bisha April uu Dugsiga heli doonno taageero lacageed oo joogto ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u bilaabay taageerida Dugsiga Agoonta Gabdhaha Boondheere, iyadoona Dugsigaan Agoonta Wiilashada Kaaraan uu qeyb ka noqonaayo Dugsiyada taageerida dhaqaale ka helo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Xafiiska Muungaab ayaa tan iyo markii ay bilabatay bishan Ramadaan waday dadaallo uu ku garab istaagayo dadka danyarta ah, wuxuuna u sameeyay afur iyo ciid-siin, si ay farxadda ula qaysbadaan ehalladooda.
Dhanka kale, Maamulka Gobolka ayaa maalmahan ku howlanaa qorshe guud oo lagu hormarinayo Muqdisho, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim u ah shacabka, iyada oo sidoo kale wax laga qabtay nadaafadda caasimada.









XIGASHO:-CAASIMADDA,NET


0 



Muungaab oo fuliyay amar kasoo baxay Xasan Sheekh + Sawirro
.