
Maalqabeen Turki ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad la soo taagay Kenya
Elsek oo ah maalqabeen kasoo baxsadey dalka Turkey ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka dalbaday magangalyo siyaasadeed. Si kastaba, waxaa loo gudbiyay maxkamad ku taalla magaalada Mombasa, halkaas oo dacwad ka dhan ah lagu soo oogay.
Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in bishii Janaayo 2026 uu muuqaal ka duubay saldhig boolis oo ay leeyihiin ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee ku yaalla Mombasa, iyadoo la tuhunsan yahay in muuqaalkaasi loogu talagalay falal argagixiso.
Sidoo kale, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in 12-kii Janaayo 2026 Elsek lagu qabtay deegaanka Majengo Kanamai ee gobolka Kilifi isagoo wata bastoolad nooca Glock ah, taas oo shaki laga muujiyay ujeeddada uu u watay.
Dacwadda waxaa sidoo kale lala xiriiriyay nin kale oo lagu magacaabo Gokmen Sandikci, kaas oo lagu eedeeyay inuu la socday Elsek xilli uu haystay hub sharci darro ah.
Xeer-ilaalinta oo uu hoggaaminayay qareen Barbara Sombo ayaa maxkamadda ka codsatay in labada eedeysane laga qaado baasaboorradooda ilaa inta ay dacwaddu ka dhammaaneyso, isla markaana la diyaariyo taariikh kale oo maxkamadeed si loo soo gudbiyo caddeymo iyo marqaatiyo.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay sii laba-jibaareen dadaallada lagu xakameynayo maalgelinta kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka.


0 



Maalqabeen Turki ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad la soo taagay Kenya
.