
Xildhibaannada Soomaaliya ee ku metelaya ururka EALA oo lagu dhaariyay Arusha
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo East African Community (EAC), Ilyas Ali Hassan, ayaa sheegay in dhaarinta xubnaha Soomaaliya ku matalaya EALA ay tahay tallaabo muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay ururka Bulshada Bariga Afrika, sida uu ku sheegay qoraal uu ku qoray bartiisa Bulshada.
Ilyas Ali Hassan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, isdhexgalka, iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka.
Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud, oo door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka


0 




Xildhibaannada Soomaaliya ee ku metelaya ururka EALA oo lagu dhaariyay Arusha
.