
Shirkadda Duulimaadyada ee Emirates oo hakisay duulimaadyadii Dubai sababo la xidhiidha amniga
Shirkadda duulimaadyada ee Emirates ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaadh ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii imanayay iyo kuwii ka duulayay Garoonka Caalamiga ah ee Dubai, iyadoo rakaabka uga digtay inay u safraan garoonka ilaa ogeysiis kale laga soo saarayo kadib weeraro ay Iran ku qaaday garoonka.
Shirkaddu waxay sheegtay inay la wadaagi doonto rakaabka warar cusub marka macluumaad dheeraad ah la helo, iyadoo uga mahadcelisay macaamiisha dulqaadka iyo fahamka ay muujiyeen. Emirates ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in badbaadada rakaabka iyo shaqaaluhu ay weli tahay mudnaanta koowaad ee shirkadda.
Hakinta duulimaadyadan ayaa timid kaddib dhacdo la xidhiidha diyaarad yar oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ku dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dubai, taas oo saamaysay mid ka mid ah haamaha shidaalka ee garoonka isla markaana sababtay dab.
Masuuliyiinta Dubai ayaa sheegay in dabkaasi si degdeg ah loo xakameeyay, isla markaana aan wax dhaawac ah laga soo sheegin. Si kastaba ha ahaatee, taxaddar awgeed ayaa duulimaadyadii garoonka si ku-meel-gaadh ah loogu joojiyay.
Intii ay socotay hakintaas, qaar ka mid ah duulimaadyada ayaa loo weeciyay Garoonka Caalamiga ah ee Al Maktoum, oo ah garoon kale oo ku yaalla Dubai, si loo yareeyo saamaynta ku timid safarrada caalamiga ah.
Shirkadda Emirates ayaa sidoo kale sheegtay in rakaabkii ay saamaysay joojinta duulimaadyada la siin doono ogeysiisyo ku saabsan joojinta safarradooda iyo fursado kale oo dib loogu qorsheeyo duulimaadyadooda mustaqbalka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli ay jirto xiisad amni oo ka taagan gobolka Bariga Dhexe, kaddib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iran, iyo jawaab celin ka imanaysa Tehran taas oo keentay in shirkado badan oo diyaaradeed ay dib u habeeyaan ama ka fogaadaan hawada gobolka.



0 



Shirkadda Duulimaadyada ee Emirates oo hakisay duulimaadyadii Dubai sababo la xidhiidha amniga
.