Somaliland oo ka jawaabtay warbixin sheegtay in Israa'iil saldhig militari ka heli karto Berbera

0
Sunday March 15, 2026 - 15:27:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ka jawaabtay warbixin sheegtay in Israa'iil saldhig militari ka heli karto Berbera

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa beeniyay warar maalmihii u dambeeyay warbaahinta caalamka ku baahay oo sheegayay in Somaliland ay ogolaatay in Israa'iil saldhig ciidan ka samaysato magaalada xeebeedda Berbera.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC Somali Service ayaa sheegay in wararkaasi ayna waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin wax heshiis militari ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa'iil. "Warbixinnadaasi sax ma aha. Somaliland ma gelin wax heshiis ah oo la xidhiidha saldhig ciidan,” ayuu yidhi wasiirku, isagoo intaas ku daray in hadallo laga soo xigtay mas’uuliyiin xukuumada ka tirsan si khaldan loo fasiray.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ayna gelin heshiisyo qarsoodi ah, isla markaana sheegashada ku saabsan wada-hadallo qarsoon ay yihiin "borobagaando” lagu khaldinayo mowqifka Somaliland. "Somaliland heshiisyo qarsoodi ah ma gasho. Qof kasta oo sheegaya in halkan laga fulinayo weerarro ka dhan ah cid kale ama in saldhig militari la siiyay waa warar aan sal lahayn,” ayuu yidhi.

Wargeyska ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ee Bloomberg ayaa dhawaan sheegay in Israa'iil ay wada-hadallo ku saabsan amniga la yeelatay Somaliland, isla markaana ay suuragal tahay in saldhig laga siiyo Berbera. Warbixintaasi waxay sheegtay in saldhiggaasi haddii la sameeyo uu Israa’iil u sahlayo la socodka ammaanka Badda Cas iyo ka hortagga weerarrada ay kooxaha Xiitiyiintu ka geystaan marin-biyoodkan muhiimka ah.

Hase yeeshee, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in inkastoo Somaliland iyo Israa'iil ay leeyihiin xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo lagu talo jiro, haddana ayna jirin wax heshiisyo militari ah oo labada dhinac dhex maray. "Waxaan yeelan karnaa xidhiidh dhaqaale, waxaan yeelan karnaa xidhiidho kale oo istaraatiiji ah… marka waqtigu yimaado ayaan ka wada hadli doonnaa heshiisyada gaarka ah."

Dhinaca kale, arrintan ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed oo gobolka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan suurtagalnimada in Israa’iil saldhig ka hesho Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera bishii Febraayo ku sheegay in tallaabo noocaas ahi ay dhaawici karto madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya dhawaan ayay markale ka digtay in ciidamada Israa'iil soo dagaan Berbera.

Somaliland oo ka jawaabtay warbixin sheegtay in Israa'iil saldhig militari ka heli karto Berbera




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip