Hoggaamiyaha Mucaaradka Uganda Bobi Wine oo dalka ka baxsaday kadib laba bilood oo uu dhuumaalaysi ku jiray

0
Sunday March 15, 2026 - 21:15:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Uganda Bobi Wine oo dalka ka baxsaday kadib laba bilood oo uu dhuumaalaysi ku jiray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay inuu ka baxsaday dalkiisa kadib laba bilood oo uu dhuumaalaysi ku jiray, isagoo ka baqayay in ay qabtaan ciidamada ammaanka kadib doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay bishii Janaayo.

Bobi Wine, oo magaciisa rasmiga ah yahay Robert Kyagulanyi Ssentamu, ayaa muuqaal shan daqiiqo ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuu u safray dibadda si uu u qabto "kulamo muhiim ah” isla markaana u abaabulo taageerada caalamka ee ka dhanka ah dowladda madaxweyne Yoweri Museveni.

Wine, oo hore u ahaa fannaan caan ah ka hor inta aanu siyaasadda gelin, ayaa mar kale ku celiyay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada, balse natiijada lagu shubtay si uu u guuleysato Museveni, oo talada Uganda hayay tan iyo sanadkii 1986. Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa ku dhawaaqay in Museveni uu helay 72% codadka.

Dhanka kale, dowladda ayaa ku eedeysay mucaaradka inay isku dayayeen inay rabshado ku burburiyaan natiijada doorashada. Wiilka madaxweynaha, Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada Uganda, ayaa hore baraha bulshada ugu qoray farriimo hanjabaad ah oo ka dhan ah Bobi Wine, isagoo sheegay in lagu doonayo "nool ama geeri,” inkastoo fariimahaas markii dambe laga tirtiray akoonkiisa.

Bobi Wine ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay dhowr jeer weerareen guryaha taageerayaashiisa si ay u raadiyaan, islamarkaana ay waddooyin badan ka sameeyeen baro-koontarool. Wuxuu sheegay in gurigiisa ku yaalla caasimadda Kampala weli ay ku hareereysan yihiin ciidamada tan iyo maalintii doorashada la qabtay.

"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadka reer Uganda ee iga caawiyay inay i qariyaan intii ay dowladdu i raadineysay,” ayuu yidhi Wine, isagoo intaas ku daray in "u tartamidda xilka madaxweynaha ayna ahayn dembi.”

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dibadbaxyo ka dhacay dalka kadib doorashada ay ku dhinteen dad ka tirsan xisbiga Bobi Wine, iyadoo Jeneral Muhoozi uu sheegay in ilaa 30 qof oo uu ku tilmaamay "argagixiso” lagu dilay howlgalada amniga.

Booliiska Uganda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu jeediyay hoggaamiyaha mucaaradka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Uganda Bobi Wine oo dalka ka baxsaday kadib laba bilood oo uu dhuumaalaysi ku jiray




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip