Itoobiya oo ku dhawaaqday tallaabooyin ay uga jawaabeyso…

0
Thursday March 12, 2026 - 14:50:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo ku dhawaaqday tallaabooyin ay uga jawaabeyso…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin ay uga jawaabayso dhibaatada ka dhalatay dagaalka Iran, gaar ahaan sahayda shidaalka oo sii yaraanaysa.

 

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Ahmed Shide, ayaa kororka qiimaha shidaalka ku tilmaamay mid aad u culus, isagoo xusay in dowladdu ka shaqeyneyso sidii loo dhimi lahaa isticmaalka shidaalka gudaha dalka.

 

 

Axmed Shide ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay, kaas oo looga hadlayay saameynta colaadda Bariga Dhexe ku yeelatay sahayda shidaalka iyo qiimaha uu dalka ka marayo.

Maalin ka hor, dowladda ayaa ku dhawaaqday koror cusub oo ku yimid qiimaha shidaalka. Sida ku cad qiimaha la shaaciyay Talaadadii, batroolka oo hore loogu iibin jiray 129 birr halkii litir ayaa hadda gaaray 132 birr iyo 18 senti. Diesel-ka cad ayaa isna kor u kacay oo noqday 139 birr iyo 83 senti, halka gaaska caadiga ah lagu kordhiyay 17 birr.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in isbeddelladan ay yihiin kororka ugu yar ee suurtagalka ah marka loo eego sicir-bararka weyn ee ka jira suuqyada shidaalka ee caalamka.

 

 

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka iyo shirkadaha ka shaqeeya shidaalka inay yareeyaan isticmaalka shidaalka, maadaama aan weli la garanayn muddada ay socon doonto carqaladda ku timid sahayda shidaalka ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in Iran ay xirtay Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood ay maraan qiyaastii 20% shidaalka adduunka. Colaadda ayaa sidoo kale sababtay weerarro lagu qaaday kaabayaasha shidaalka ee Iran iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah.

Arrimahan ayaa horseeday koror weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka ee caalamka, kaas oo mar gaaray $120 halkii foosto, heer aan la arag tan iyo sanadkii 2022. Si kastaba ha ahaatee, qiimuhu wuu hoos u dhacay tan iyo markaas, waxaana hadda lagu kala iibsadaa qiyaastii $89 halkii foosto.

 

 

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirku ayuu ku sheegay in qiimaha shidaalka ee caalamka uu gaaray heer aad u sarreeya. Markii la eego qiimaha ay Itoobiya ka hesho dalka Jabuuti, ayuu xusay in batroolka uu gaaray 205 birr iyo 74 senti halkii litir.

Wuxuu sidoo kale sheegay in diesel-ka cad ee suuqa caalamiga ah uu gaaray 238 birr iyo 13 senti halkii litir, halka dowladdu ay weli kabid ka bixineyso 98 birr iyo 29 senti.

"Dowladda Itoobiya weli waxay bixineysaa kabid aad u sarreysa, inkastoo qiimaha shidaalka ee caalamka uu si cabsi leh u kordhayo,” ayuu yiri wasiirka.

 

 

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in shidaalka lagu iibiyo oo keliya marinnada rasmiga ah ee sahayda, isla markaana lagu dhaqmo qiimaha ay dowladdu dejisay.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in dowladdu qaadayso tallaabooyin kala duwan oo lagu yareynayo saameynta ka dhalatay dhibaatada shidaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin keenista sahay degdeg ah iyo isticmaalka kaydka shidaalka si loo daboolo baahida dalka.

Intaa waxaa dheer, ayuu sheegay in dadaallo lagu raadinayo ilo kale oo shidaal si loo dedejiyo soo dejintiisa, loogana gudbo caqabadaha ka dhashay xiritaanka Marinka Hormuz.

 

 

Axmed Shide ayaa xusay in aan la hubin karin inta uu socon doono qalalaasaha ka jira Bariga Dhexe, balse dowladdu ay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa marinnada kale ee sahayda shidaalka.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in loo baahan yahay dadaal ballaaran oo lagu badbaadinayo isticmaalka shidaalka gudaha dalka.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed speaks during an exchange of notes after his meeting with Malaysia's Prime Minister Anwar Ibrahim at Putrajaya, Malaysia October 26, 2024. REUTERS/Hasnoor Hussain/Pool


 
 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip