Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

0
Friday March 13, 2026 - 11:36:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Mas;uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha ee saameeya aragga.

Munaasabaddaan waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah mas’uliyiinta wasaaradda caafimaadka ,dhaqaatiir ka socday cisbitaalada gaarka ah,wakiillo ka shaqeeya caafimaadka indhaha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladdaasi.

Madaxa caafimaadka indhaha ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed C/Raxmaan macalin iyo xubno kale oo ka hadlay munaasabaddaasi waxa ay ka warbixiyeen muhiimadda indhaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la joogteeyo wacyugalinta bulshada ,gaar ahaan ee sidii loola socon lahaa cudurada ku dhaca indhaha ee ay ugu horeeyaan cudurka biyaha indhaha ee saameeya aragga .

Dhammaan xubnihii ka hadlay xafladda loo sameeyay xuska maalinta cudurka indhaha ee saameeya aragga waxa ay soo jeediyeen in lagu dadaallo badqabka indhaha,isla markaana la joogteeyo la kulanka dhaqaatiirta aqoonta u leh daaweynta cudurada ku dhaca indhaha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip