
Soomaalida Mareykanka oo lagu adkeeyey in ay lacago u diraan Soomaaliya
Tan iyo markii uu bilowday howlgalka loogu magac daray "Operation Metro Surge” bishii December ee la soo dhaafay, maamulka madaxweyne Trump ayaa olole dhaqaale iyo cadaadis xooggan ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.
Maamulka ayaa adeegsanaya hanjabaado isugu jira xarig, masaafurin, iyo in dadka lagala laabto sharciga magangalyada ku meel gaarka ah, arrintaas oo cabsi gelisay isla markaana hoos u dhac weyn ku keentay ganacsiyadii mashquulka badnaa ee xarumaha Soomaalida, sida suuqa caanka ah ee Karmel Mall.
Hadda, maamulka ayaa cunaqabateyntan ballaariyay isagoo gaarsiiyay ilaa qaaradda Afrika, wuxuuna shuruudo iyo canshuuro cusub ku rogay lacagaha Mareykanka looga diro Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ayaa in ka badan boqolkiiba 50 waxay ku nool yihiin saboolnimo, iyagoo maalintii hela wax ka yar 2 doolar. Sida lagu xusay xog uu daabacay wargeyska The Interpreter, sanadkii 2023-kii qurba-joogta ayaa dalkooda u diray lacag xawaalad ah oo gaareysa 1.73 bilyan oo doolar. Lacagtan oo ka dhigan boqolkiiba 16.5 wax soo saarka guud ee dalka (GDP) ayaa si weyn uga badan dhammaan deeqaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee la geeyo Soomaaliya.
Dhibaatooyinka cusub ee maamulka Trump uu ku hor-gudbay xawaaladaha ayaa laga cabsi qabaa inay si dadban u sii wiiqaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika, taasoo dhalin karta mowjado tahriib oo horleh.
Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaan dhankeeda ka soo jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay arrintan faahfaahin ka bixiso.
Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in baaritaan lagu sameynayo shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, kadib maqaal aan sal lahayn oo lagu daabacay wargeys garabka midig ah.
Maqaalkaas ayaa ku andacooday in lacago si sharci darro ah lagu helay si ula kac ah loogu diro kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay urur argagixiso.
Xamdi Isxaaq ayaa xustay in eedeymahan xiriirinaya Soomaalida Mareykanka iyo ururada argagixisada ay yihiin kuwo been abuur ah oo dhaawacaya sumcadda bulshada dhexdeeda, iyadoo tiri, "Waxaan nahay dad xoogsato ah, badideenna waxaan u shaqaysannay hantida aan haysanno.”
Sagaalkii bishii Janaayo, laanta dambi baarista maaliyadda ee loo yaqaan FinCEN, ayaa soo saartay amar lagu beegsanayo aagag juquraafiyeed gaar ah. Amarkan ayaa shirkadaha xawaaladaha iyo bankiyada ku yaalla ismaamullada Hennepin iyo Ramsey faraya in ay Waaxda Maaliyadda soo wargeliyaan ciddii Soomaaliya iyo dalal kale u dirta lacag dhan $3,000 ama ka badan.
Sharcigan ayaa dhaqan galay 12-kii Febraayo, wuxuuna socon doonaa ilaa 10-ka Agoosto, in kasta oo xoghayaha maaliyadda uu kordhin karo mudadaas.
In kasta oo ay FinCEN ku andacooneysa in ay baareyso in lacagaha dibadda loo diro ay yihiin kuwo la xiriira khayaanooyinka barnaamijyada taakulaynta dowladda, xaqiiqada ayaa ah in dadka lagu helo dambiyada khayaanada aysan u badnayn inay lacagtooda u diraan waddan nidaamkiisa dowladeed iyo midkiisa dhaqaaleba ay liitaan oo kale.
Xoghaye Bessent ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Waan dabagalnay halka ay lacagtu aaday waana baaraynaa,” inkastoo uusan faahfaahin sida ay waaxdiisu u samayn doonto arrintaas.
Dhinaca kale, sharciga cusub ee arrimaha gudaha ee madaxweyne Trump, ee loo yaqaan ‘One Big Beautiful Bill Act’, ayaa soo kordhiyay canshuur cusub oo dhan boqolkiiba hal (1%) oo la saarayo lacagaha Mareykanka laga diro ee dalka dibaddiisa aada.
Borofisar Paul Vaaler oo wax ka dhiga Kulliyadda Maamulka ee Carlson ee Jaamacadda Minnesota, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid isir-sooc ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo soo-galootiga.
Waxa uu xusay in dad badan oo soogalooti ah ay markii horeba la tacaalayeen caqabado ka hor istaagaya furashada xisaabaad banki, beddelkeedana ay fursadda kaliya ee ay haystaan tahay in ay isticmaalaan xawaaladaha. Waxa uu yiri, "Waan ognahay in sharcigani yahay mid takoor ah sababtoo ah si siman uma khuseeyo dhammaan xawilaadaha caalamiga ah.”
Maamulka Trump ayaa sidoo kale ka fiirsanaya shuruudo cusub oo bankiyada ku qasbaya inay si dhab ah u xaqiijiyaan heerka dhalashada macaamiishooda, arrintaas oo qaar badan oo kamid ah soo-galootiga ku riixi karta in ay isaga baxaan nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo ay maciin bidaan habab dhaqaale oo khatar ah sida goobaha deynta dulsaarka badan, lacagaha dhijitaalka ah, ama ay guryahooda ku keydsadaan lacag caddaan ah.
Abdulaziz Sugule, oo ah guddoomiyaha dallada shirkadaha xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ee (SAMSA), ayaa sheegay in hadallada Bessent ay muujinayaan faham darro weyn oo ku aaddan doorka muhiimka ah ee xawaaladaha.
Waxa uu sheegay in shirkadaha xawaaladuhu ay gaaraan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka yaryar iyo deegaannada miyiga ah ee aysan bankiyada rasmiga ah ka hawlgalin, taasina ay tahay sababta ay halbowle ugu yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa uu intaas raaciyay in xawaaladuhu, sida hay’ad kasta oo maaliyadeed, ay waajib ku tahay inay raacaan xeerarka Waaxda Maaliyadda.
Sida uu sheegay Sugule, dadka intiisa badan ayaa bishii dira kaliya $450 ilaa $500, xaddigaas oo aad uga yar shuruudda $3,000 ee sharciga cusub ku xiran tahay, inkastoo canshuurta boqolkiiba halka ah (1%) ay saameyneyso.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka digay in eedeymaha lala xiriiriyay arrimaha isirka iyo juquraafiga ay bulshada dhexdeeda ka abuuri karaan argagax carqaladeeya dirista lacagaha. Dad yar ayuu sharcigu si toos ah u saameyn doonaa, iyadoo mararka qaar ay jiraan dad u dira $10,000 ilaa $20,000 qoysaskooda si ay ugu abuuraan ganacsiyo yaryar oo isku filnaansho gaarsiiya.
Warbixin uu dhawaan daabacay wargeyskaThe Washington Postayaa iftiimisay in xitaa xubno ka tirsan maamulka Trump laftooda ay saluugsan yihiin beegsigan lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.
Shaqaale ka tirsan Waaxda Maaliyadda ayaa warbixinta lagu xusay in ay xeerarkan u arkaan "kuwo iska hordhac ah oo ah qaab aan hufnayn oo lagu ciribtiro khayaanada, isla markaana u muuqda weerar siyaasadeysan oo lagu qaadayo gobolada taageera xisbiga Dimoqraadiga.”
Julie Siegel oo horey uga tirsanaan jirtay Waaxda Maaliyadda xilligii maamulka Biden, ayaa wargeyska u sheegtay in adeegsiga amaradan lagu beegsanayo xogaha guud ee magaalooyinka Mataanaha (Twin Cities) ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka Mareykanka ay ku qabaan hay’adaha maaliyadda.
Ugu dambeyn, Sofia Ahmed oo kamid ah ganacsatada suuqa Karmel Mall ayaa sheegtay in lacagta ay u dirto ehelkeeda ay ka dhigan tahay arrin badbaado nololeed, gaar ahaan xilligan adag ee maamulka Trump uu laalay dhammaan gargaarkii dowladda Mareykanka ay siin jirtay Soomaaliya.
"Shaqo la’aanta Soomaaliya aad ayay u sarreysaa, dadka badankood ee halkan jooga ayaa qoysaskooda taageera,” ayay tiri Sofia. Xogta Macrotrends ayaa muujineysa in heerka shaqo la’aanta Soomaaliya ay ahayd boqolkiiba 19 ama ka sareysay tan iyo horraantii 1990-meeyadii, xilligaas oo ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
A rapid response community observer watches for federal agents in front of Karmel Mall, an East African shopping center, amid fears of a reported federal operation targeting Somali immigrants, in Minneapolis, Minnesota, U.S. December 4, 2025. REUTERS/Tim Evan


0 




Soomaalida Mareykanka oo lagu adkeeyey in ay lacago u diraan Soomaaliya
.