
Riyadii Dubai oo burburtay iyo qax ballaaran oo ka socda
Magaalada xudunta u ah ganacsiga iyo dalxiiska Khaliijka ee Dubai ayaa wajaheysa khatartii ugu weyneyd ee abid soo marta jiritaankeeda, kadib markii dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu ruxay aasaaskii magaaladaas, taas oo sababtay in kumannaan ajaanib ah iyo dalxiiseyaal ay si xawli ah isaga cararaan dalkaas.
Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay in ka badan saddex-meelood labo ka mid ah gantaallada aargoosiga ah ee ay dhowaan riday xukuumadda Tehran.
Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga ayaa aaminsan in sababta Imaaraadka loo beegsanayo ay tahay xiriirka qotada dheer ee dhanka sirdoonka iyo milateriga ee uu la leeyahay Yahuuda, quwadaha reer Galbeedka, iyo maqaamkiisa caalamiga ah ee xarun ganacsi iyo dalxiis.
"Xaqiiqdii, dhalaalkii magaalada Meesha ayuu ka baxay,” ayuu yiri John Trudinger, oo ah maamule iskuul oo u dhashay Ingiriiska, kuna noolaa Dubai muddo 16 sano ah.
Trudinger oo shaqaaleysiiya in ka badan 100 macallimiin ah ayaa xusay in inta badan shaqaalihiisu ay la kulmeen argagax weyn oo ka dhashay dagaalka lama filaanka ah, taasina ay ku riixday inay dalka isaga baxaan iyagoo aan qorsheynaynin inay dib u soo laabtaan.
Dadkan ayaa qayb ka ah tobannaan kun oo qof oo Dubai isaga qaxay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymaha wadajirka ah ku qaadeen Iiraan ku dhawaad laba toddobaad ka hor.
Maalin kasta, fariimo digniin ah ayaa ku dhaca taleefannada gacanta ee dadka deegaanka, kuwaas oo looga digayo khataro gantaallo oo suurtagal ah, laguna amrayo in ay gabaad raadsadaan kana fogaadaan daaqadaha.
Nidaamyada casriga ah ee difaaca hawada Imaaraadka ayaa ka hortagay in ka badan boqolkiiba 90 ka mid ah 1,700 oo gantaal oo ay Iiraan riday.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah gantaalladaas ayaa dhaafay gaashaanka difaaca, iyagoo ku dhuftay goobo muhiim ah sida saldhigyo milateri, xarumo warshadeed, iyo Madaarka Caalamiga ah ee Dubai, taas oo curyaamisay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan adduunka.
Duqeymo lala beegsaday laba xarun oo kaydiya xogta ayaa in muddo ah sababay in dadku awoodi waayaan inay isticmaalaan taleefannadooda si ay lacagaha u bixiyaan, waana dhabar-jab weyn oo ku dhacay bulsho inta badan aan adeegsan lacagta caddaanka ah.
Saameynta burburka ayaa sidoo kale gaartay goobaha ugu qaalisan ee magaalada. Hoteelka caanka ah ee Fairmont ee ku yaalla jasiiradda macmalka ah ee u eg geedka timirta, oo hoy u ah daaro waaweyn iyo goobo tamashle, ayaa la kulmay duqeyn lixaad leh.
Zain Anwar, oo ah darawal taksi oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa indhihiisa ku arkay gaarigiisa oo lagu burburiyay duqeyntii hoteelka Fairmont xilli uu dhigtay si uu u soo tukado. Wuxuu warbaahinta u sheegay inuu yahay qofka ugu nasiibka badan adduunka maadaama uu badbaaday, balse qoyskiisu ay hadda ugu yeerayaan inuu dalka dib ugu laabto.
Wuxuu ku cawday in ganacsigii uu istaagay, wax dhaqaale ahna aysan soo gelin tan iyo markii dagaalku bilowday, isagoo hadalkiisa kusoo xiray in qof walba uu ogyahay in xilligii Dubai uu dhammaaday.
Cawaaqib-xumada dhaqaale ee ka dhalan karta dagaalkan ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u culus, gaar ahaan Dubai oo dalxiisku uu sanadkii kasoo xareeyo dakhli gaaraya 30 bilyan oo doolar. In ka badan boqolkiiba 90 dadka ku nool Dubai waa ajaanib, waxaana ku jira maalqabeeno badan oo adduunka ah, kuwaas oo ay soo jiidatay canshuur dhaafka dalkaas.
Si ka duwan deriskeeda Abu Dhabi, Dubai ma haysato saliid badan oo ay ku tiirsanaato. Khubarada ayaa ka digaya in khasaaruhu uu noqon doono mid aad u weyn haddii dagaalku daba-dheeraado. Arbacadii, hay’ado maaliyadeed oo waaweyn, sida Citibank iyo Standard Chartered, ayaa daadgureeyay shaqaalahoodii sababo la xiriira khataro amni oo sii kordhaya.
Madaxda dalkaas ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda oo ay muujiyaan in wax walba ay caadi yihiin. Booliska Dubai ayaa ku hanjabay inay xiri doonaan shakhsiyaadka baraha bulshada caanka ka ah ee faafiya muuqaalo muujinaya argagax oo ka hor imaanaya warbixinnada dowladda. Farriimaha rasmiga ah ayaa dadka u xaqiijinaya in jugta weyn ee hawada laga maqlayo ay tahay uun dhawaqa nidaamyada badbaadada dalka.
Qaxan baaxadda leh ee ajaanibta taajiriinta ah ayaa sidoo kale sababay in waddooyinka lagu daadiyo boqolaal xayawaan rabaayad ah, sida eeyo iyo bisado, xaaladdaas oo ay xarumaha xanaanada xayawaanku ku tilmaameen mid laga yaxyaxo.
Halka maalqabeenadu ay dalka isaga baxayaan, malaayiin shaqaale xoogsato ah oo u badan Aasiyaan iyo Afrikaan ayaan haysan waddo ay ku baxsadaan. Shaqaalahan oo u badan kuwa qabta shaqooyinka dhismaha iyo gaadiidka, ayaa bixinaya qiimihii ugu qaalisaa ee dagaalka.
Afarta qof ee ilaa hadda ku dhintay Imaaraadka tan iyo markii duqeymuhu bilowdeen, saddex ka mid ah waxay ahaayeen shaqaale u dhashay Koonfurta Aasiya. Sidoo kale, duqeymo Arbacadii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dubai ayaa dhaawacay shaqaale u dhashay dalalka Ghana, Hindiya iyo Bangladesh.
Dadkan xoogsatada ah qaar ka mid ah ayaa aaminsan in xog la’aanta rasmiga ah ee dowladda ay sababtay geerida eheladooda.
Zakir Hussein, oo walaalkiis Saleh Ahmed lagu dilay haraadiga gantaal ku dhacay goobtiisa shaqada, ayaa sheegay inuu xaaladda dhabta ah fahmay uun markii uu meydka walaalkiis la aaday dalkiisa hooyo ee Bangladesh, kana daawaday wararka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay inuu dib ugu laaban doono Dubai inkastoo ay adag tahay inuu halkaas ku noolaado walaalkiis la’aan, maadaama aysan qoysaskoodu haysan ilo dhaqaale oo kale oo ay ku tiirsanaadaan.


0 




Riyadii Dubai oo burburtay iyo qax ballaaran oo ka socda
.