
DF oo war ka soo saartay saldhigga militari ee Israa'iil ay ka dhiseyso Somaliland
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in dhulkeeda aan loo adeegsan karin meel laga qaado howl-gallo milateri, kadib markii warbixino warbaahineed ay muujiyeen in Israa’iil ay qorsheyneyso inay saldhig ka sameysato gobolka Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya.Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Khamiistii u warramayay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in dhulkeeda lagu soo jiido loolan iyo isku-dhacyo shisheeye, ama loo adeegsado qaab sii wiiqi kara xasilloonida gobolka oo markiisii horeba ahaa mid xasaasi ah.
Digniintan ka soo baxday Muqdisho ayaa imaaneysa xilli warbaahintaBloombergiyo Idaacadda Dowladda Iswiidhan eeEkotay todobaadkan baahiyeen xog ku saabsan qorshe la sheegay in Israa’iil ay saldhig milateri uga furaneyso meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo la hadlayBloomberg, ayaa xusay in Somaliland ay baadi-goobayso "xiriir istaraatiijiyadeed” oo ay la yeelato Israa’iil, kaas oo uu ku tilmaamay mid dhinacyo badan taabanaya.
Wuxuu intaas ku daray in suurta-galnimada saldhig ay Israa’iil yeelato aan weli si dhab ah looga wada hadlin, balse ay tahay arrin la falanqeyn doono waqtiyada soo socda.
Isagoo arrimahaas ka jawaabaya, Wasiir Cali Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee sharci ahaan dalka ku matali karta heshiisyada amniga iyo kuwa milateri ee caalamiga ah.
Wuxuu intaas raaciyay in wadahadal kasta oo ku saabsan saldhigyo shisheeye oo laga hirgeliyo gudaha Soomaaliya, kaas oo hareermarsan dowladda dhexe, uusan lahayn wax sal ah oo sharci ah.
Mas’uuliyiinta Somaliland ilaa hadda ma aysan shaacin waxa rasmiga ah ee lagu heshiiyay markii ay Israa’iil la sameysteen xiriir diblamaasiyadeed oo buuxa bishii December.
Balse wax yar kadib, sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa telefishinka Channel 12 ee Israa’iil u sheegay in arrinta saldhigga ay tahay mid miiska saaran oo laga wada hadlayo. Bishii Febraayo ee xigtay, wasiir Khadar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuusan meesha ka saarayn in Israa’iil loo oggolaado joogitaan milateri.
Hadallada ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay marayso heerkii ugu sarreeyay. Marinka Hormuz, oo ay marto qiyaastii boqolkiiba 20 shidaalka iyo gaaska adduunka, ayaa xanniban kadib markii Iiraan ay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiibta.
Weeraradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xisbullah, oo gacan saar dhow la leh Iiraan, ay gantaalo ku garaacday Israa’iil, iyadoo u aargudaysa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, oo ay si wadajir ah u dileen Mareykanka iyo Israa’iil.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ah xulafo kale oo muhiim u ah Tehran ayaan weli si toos ah u soo gelin dagaalka, balse waxay dhowr jeer sheegeen inay diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan colaadda.
Kooxdan oo maamusha waqooyiga, galbeedka iyo bartamaha Yemen ayaa horey uga digtay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay arrintaas "tallaabo cadowtinimo” iyo mid u fasaxaysa inay beegsadaan oo ay ka dhigtaan "bartilmaameed sharci ah.”
Xilli isha lagu wada hayo waddooyinka ganacsiga badda ee Bariga Dhexe, diiradda ayaa sidoo kale saaran marinka Bab al-Mandeb, oo ah marin-biyood ciriiri ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay marto boqolkiiba 12 ganacsiga adduunka. Xuutiyiinta ayaa horey u xayiray maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee mara aaggaas, tillaabadaas oo ay ku micneeyeen mid ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta Gaza inta lagu guda jiro dagaalka gumaadka ah ee Israa’iil.
Cabsida laga qabo in dagaalku uu ku fido gobolka ayaa keentay in Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ay todobaadkan mar kale uga digto muwaadiniinteeda inay u dhawaadaan xerada Camp Lemmonier, oo ah saldhigga milateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika.
Wuxuu intaas ku daray in xilliyada ay xiisaduhu koraan ay dadka rayidka ah yihiin kuwa ugu nugul ee dhibaatadu gaarto, isagoo caddeeyay in tallaabo kasta oo bulshada Soomaaliyeed u horseedi karta khatar aan loo baahnayn ama gelin karta loolan juquraafiyadeed aysan dan u ahayn dalka iyo dadkaba.



0 



DF oo war ka soo saartay saldhigga militari ee Israa'iil ay ka dhiseyso Somaliland
.