
Mucaaradka oo digniin culus kasoo saaray xaaladda dalka
Xubnaha Golaha Samatabixinta ee Mucaaradka ayaa haatan ka digay ku dhaqanka dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo in dib looga dhaco waqtiga doorashada, xilli haatan dowladda ay ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah, sida uu dhawaan goob fagaare ah ka sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Eng Maxamed Maxamuud Beyle oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa xusay in marnaba aysan ogolaan doonin dastuurka la ansixiyay ee uu ugu dambeyn shalay saxiixay madaxweynuhu, wuxuuna ku tilmaamay inuu la doonayo kaliya muddo kororsi.
Beyle ayaa sidoo kale sheegay in ay ka digayaan in dalku galo xaalad hubanti la’aan ah iyo qalalaase, haddii la gaaro 15-ka bisha May, isla markaana ay dhici weyso doorasho guud oo heshiis lagu yahay.
"Waxaan ka digeynaa xaaladda hubanti la’aanta ah ee uu dalku sii galayo iyadoo Soomaaliya maanta ka taagan yihiin abaaro, iyadoo Soomaaliya qayb kamid dalkeeda lagu soo duulay” ayuu yiri Afhayeenka Madasha Samatabixinta.
Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray "Dowladda muddo xileedkeeda waxaa aaminsanahay inuu yahay 4 sano, waxayna ku eegtahay 15-ka May 2026, Baarlamaankuna hadeer ayuu dhacayaa waqtigiisana waxaa ka haran waxaan dhammeyn bil”. Ayuu mar kale yiri Eng. Maxamed Maxamuud Beyle.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in dhibaato kasta oo dhacda uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama isaga loo doortay dalkan, loona dhaariyay hoggaaminta qaranka.
"Dalka waxaa ka dhici kara qalalaase iyo fowde oo ay dowladdu mas’uuliyaddoodu qaadeyso haddii 5-ka May dhici weyso doorasho heshiis lagu yahay”. ayuu sii raaciyay afhayeenka.
Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.


0 




Mucaaradka oo digniin culus kasoo saaray xaaladda dalka
.