Imaaraadka oo si kulul u beeniyey war ay faafisay Israel oo ku saabsan dagaalka

0
Monday March 09, 2026 - 20:56:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka oo si kulul u beeniyey war ay faafisay Israel oo ku saabsan dagaalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in xukuumadda bu Dhabi ay qayb ka ahayd duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday warshad sifeysa biyaha badda oo ku taalla gudaha dalka Iiraan.

 Qoraal rasmi ah oo Axaddii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu caddeeyay in dalku uu ku jiro "xaalad is-difaacid” si uu uga falceliyo weerarada kaga imanaya Iiraan, balse aysan marnaba doonayn in xukuumaddooda lagu soo jiido colaado cusub ama xiisad sii hurta.

Bayaankan ayaa daba socday kadib markii dhowr hay’adood oo ka tirsan warbaahinta Israa’iil, kuwaas oo soo xiganaya ilo qariyay magacyadooda, ay tabiyeen in Imaaraadku uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday xarunta sifeynta biyaha ee Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Sabtidii sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen warshaddan oo ku taalla Jasiiradda Qeshm ee ku dhex-taalla Marinka Hormuz, arrintaas oo gabi ahaanba goysay biyihii nadiifka ahaa ee ay cabayeen dadka ku nool ilaa 30 tuulo. Mareykanka iyo Israa’iil labaduba way beeniyeen inay fuliyeen weerarkan.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa durba jawaab kulul ka bixiyay eedeymahan markii ay soo baxeen. Dr. Cali Rashiid Al Nuaimi, oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Imaaraadka, ahna guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, ayaa bartiisa X ku tilmaamay wararkan kuwa "been abuur ah.” Wuxuu intaas raaciyay: "Marka aan tallaabo qaadno, waxaan leenahay geesinimada aan ku shaacinno.”

Sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka ayaa u sheegay wargeyskaThe Jerusalem Post, oo ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee tabisay sheegashadan, in xukuumadda Abu Dhabi ay ku dhibtoonayso inay fahamto dabeecadda Israa’iil iyo nooca warbixinnada marin-habaabinta ah ee ay baahinayaan.

Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay ilaha Israa’iil inay iyagu dusiyay wararkan, isagoo yiri: "Ma ahan wax habboon in shakhsi lagu sifeeyay ‘sarkaal sare oo Israa’iili ah’ uu ku hadlo magaceena ama uu faafiyo xan ku saabsan tallaabooyinka ay qaadayso dowlad kale oo madax-bannaan.”

Dacaayadda warbaahinta Israa’iil

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee la faafiyo xog noocan ah. Dhowr warbaahin oo Israa’iili ah ayaa baahiyay warar la mid ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan asbuucii hore, kuwaas oo dhammaantood markii dambe la ogaaday inay been yihiin.

Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Qatar ay duqeymo ka fulisay gudaha Iiraan, taas oo ay xukuumadda Doxa si degdeg ah u beenisay. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa dhowr jeer si is-daba-joog ah u tabisay in waddamada Khaliijka, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ay isku diyaarinayaan inay waqti dhow duqeeyaan Iiraan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku dhawaad maalin kasta garaacaysa goobo ay ku tilmaantay saldhigyo iyo hanti uu Mareykanku ku leeyahay Khaliijka, tan iyo markii uu asbuucii hore bilowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

 

 

Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradaas, iyagoo ku sifeeyay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanidooda qaranka, waxayna si cad uga digeen inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan oo ay jawaab bixiyaan.

Duqeynta la sheegay in lagu bartilmaameedsaday warshadda Iiraan ayaa abuurtay walaac weyn oo caalami ah oo ku aaddan halista soo wajihi karta kaabayaasha biyaha ee gobolka Khaliijka oo idil.

In ka badan 400 oo warshadood oo sifeeya biyaha badda ayaa ku teedsan gacanka, kuwaas oo daboola qiyaastii boqolkiiba 60% baahida sifeynta biyaha ee adduunka oo dhan. Dalka Imaaraadka, qiyaastii boqolkiiba 90% biyaha la cabo waxay ka yimaadaan warshadahan. Tiradan ayaa sidoo kale gaaraysa boqolkiiba 90% dalka Kuweyt, 86% dalka Cumaan, iyo ilaa 70% gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Weerarkan lagu xusay xarunta Iiraan ayaa kusoo beegmay isla maalintii ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil duqeeyeen xarumo waaweyn oo lagu keydiyo shidaalka oo ku yaalla caasimadda Tehran. Arrintan ayaa dhalisay dab lixaad leh, waxayna abuurtay cabsi laga qabo in la bartilmaameedsado kaabayaasha muhiimka ah xilli ay xiisadda milateri ee gobolku kasii dareyso.

President of the United Arab Emirates Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan meets with Armenian Prime Minister Nikol Pashinyan at Al Shati Palace, in

 Abu Dhabi, United Arab Emirates July 09, 2025. Abdulla Al Bedwawi/UAE Presidential Court/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY




 

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip