Daawo: Jawaahir Baarqab oo jawaab kulul siisay Farmaajo

0
Monday March 09, 2026 - 08:16:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Jawaahir Baarqab oo jawaab kulul siisay Farmaajo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka ee siddeeda Maarso ayaa jawaab kulul siisay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) oo dhawaan weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Farmaajo oo dhawaan shir jaraa’iid la qabtay xildhibaano kasoo jeeda Puntland ayaa tusaale usoo qaatay wixii ku dhacay xukunkiisii hore, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in muddo-xileedkiisu ka dhamaado iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada dalka.

 

 

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan yahay "libaax”, balse inta uusan u noqon "bisad”, oo ula jeedo inta sharciyada ka dhamaan uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hanaanka doorashada.

"Madaxweynoow (Xasan) libaax baad tahay hadda, inta aadan bisad noqon oo waqtigu kaa dhammaan doorasho qabo. Anigaa soo arkay tan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay Marwo Jawaahir Baarqab oo si weyn u difaacday Xasan Sheekh, waxayna tilmaamtay in uu sii ahaan doono libaax, dalkuna uu ka dhigay nabad.

 

 

"Waxaan arkaayay madaxweynihii hore oo dhahaayo madaxweyne Xasanow libaax ayaa hadda tahay, hadhowna bisad ayaa noqon doontaa, waxaan leeyahay wax bisad la dhaho ma jiraan madaxweynuhu waa libaax, wuuna ahaan doonaa annagu nabad ayaan rabnaa waana haysanaa” ayay tiri Jawaahir.

Waxaa kale oo ay carrabka ku dhufatay in dhibaato aysan dhici doonin haddii la gaaro 15-ka May, isla markaana hanjabaadda mucaaradka ay tahay mid ku eeg afka baarkiisa, sida ay hadaka u dhigtay.

"Dad badan ayaa waxay leeyihiin 15-ka May marka la gaaro maxaa dhaci doona, horta wixii Ilaah qoro ayaa dhacaayo, Insha Allah mana jiraan wax dhib ah oo dhacaayo” ayay kusii dartay Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir.

 

 

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Soomaaliya ay taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip