
Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka (World Bank).
Kulankan oo ay ka qeyb galeen hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo horumarinta ayaa lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sida abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ay u saameeyeen nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo wax soo saarka beeraha.
Warbixinta la soo bandhigay ayaa iftiimisay baahida loo qabo qorsheyaal waara oo lagu xoojinayo awoodda bulshada si ay ula qabsato xaaladaha cimilada ee isbeddelaya. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamay in iskaashi dhexmara dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada uu door muhiim ah ka qaadan karo yareynta saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada.
Daahfurka warbixintan ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada lagu xoojinayo qorsheyaasha horumarineed ee la jaanqaadaya ilaalinta deegaanka iyo kobcinta dhaqaalaha, si Soomaaliya ay uga gudubto caqabadaha cimilada isla markaana u gaarto horumar waara.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socday hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cumar Maxamed, ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan karo in Soomaaliya hesho maalgelin iyo taageero caalami ah oo lagu horumarinayo mashaariic la xiriira ilaalinta deegaanka, tamarta nadiifta ah iyo kobcinta dhaqaalaha.










0 




Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
.