Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Farmaajo iyo Shariif

0
Sunday March 08, 2026 - 10:51:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Farmaajo iyo Shariif

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay gudaha magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Farmaajo iyo Shariif ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee uu dalku galay, iyo sidii xal loogu heli lahaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, maadaama ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka gudaha ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in kulanka labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadday dowladda iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, kuwaas oo abuuray xaalad kale oo siyaasadeed.

 

 

Waxaa kale oo ay ka tashadeen sida loo wajihi karo arrintan loona aadi lahaa doorasho guud oo waqtigeeda ku dhacda, marka la gaaro 15-ka May.

Is aragga labada madaxweyne ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli Arbacadii lasoo dhaafay labada Gole ee Baarlamaanka ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka dalka, iyada oo kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu ku darsaday muddo-kororsi hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

 

 

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka,

 waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalkeenna.



XIGASHO:-CAASIMADD ,NET

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip