Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka muranka dhaliyay ee uu ansixiyay BF

0
Sunday March 08, 2026 - 13:38:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka muranka dhaliyay ee uu ansixiyay BF

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow saxiixay dastuurka dalka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, kaasi oo muran xooggan ka taagan yahay.

 

Madaxweynaha oo garbihiis ay taagan yihiin guddoonka labada gole ayaa qalinka ku duugay dastuurka cusub, si uu u noqdo dhaqan-gal, iyadoo tallaabadan ay kusoo aadeyso xilli ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si weyn u riixayay dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tallaabada maanta u arkaa mid uga adkaaday mucaaradka kasoo horjeeda.

"Dhameystirka dastuurka waa tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo dhawaan kulan afur ah ku maamuusay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay dastuurka.

Sidoo kale wuxuu adkeeyey in dastuurka la dhammaystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

 

 

Waxaa kale oo xigtay in isla habeenkaas uu guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in uu dhaqan-gal yahay dastuurka, isla markaana baarlamaanka uu ku darsaday muddo hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

 

 

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip