
Iran oo dooratay hogaamiye bedelaya Ayatullah Khamenei
Golaha khubarada ee Iiraan u qaabilsan soo xulista hoggaamiyaha cusub ayaa doortay hoggaamiyaha beddelaya Aayatullah Cali Khamenei, oo Sabtidii la soo dhaafay lagu dilay duqeyn ka dhacday Tehran.
Inkasta oo si rasmi ah loo shaacin magaca hoggaamiyaha sare ee la doortay, haddana waxaa la xaqiijiyay in guddiga uu maanta hab codeyn ah ku doortay.
"Musharraxii ugu habboonaa, oo ay ansixiyeen aqlabiyadda Golaha Khubarada, ayaa la go’aamiyay,” ayuu yiri Mohsen Heydari, oo ka tirsan guddiga xulashada oo u waramay wakaaladda wararka Iiraan ee ISNA.
Mohammad Mehdi Mirbagheri oo isna ka tirsan guddiga ayaa muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka Fars ee dalkaas ku xaqiijiyay in "la gaaray go’aan rasmi ah oo ka tarjumaya aragtida aqlabiyadda.”
Aayatullah Mohsen Heidari Alekasir ayaa isna tilmaamay in shakhsiga loo doortay inuu beddelo hoggaamiyaha sare uu u badan yahay mid ay si weyn uga soo horjeeddo Washington.
Wuxuu sheegay in "sheydaanka weyn,” oo ah eraybixin ay Iiraan u adeegsato Mareykanka, uu si aan ku talagal ahayn guddiga ugu sameeyay "fursad abaal-marin ah” markii uu si furan u naqdiyay musharraxiin gaar ah.
Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo tixraacaya faallooyin uu bixiyay Donald Trump, kaas oo sheegay inaan la aqbali doonin in wadaadadu ay doortaan wiilka uu dhalay Khamenei, ee Mojtaba, inuu noqdo beddelkiisa.
Si kastaba, xubnaha golaha ayaa weli isku maandhaafsan qaabka loo shaacinayo hoggaamiyaha cusub; xubnaha qaar ayaa rumeysan in markiiba la shaacin karo, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in loo baahan yahay kalfadhi kale ka hor inta aan si rasmi ah bannaanka loo soo dhigin magaciisa.
Israa’iil ayaa ka digtay inay beegsan doonto shakhsi kasta oo loo doorto inuu beddelo Cali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil maalintii ugu horreysay ee dagaalka lala galay Iiraan.
Milatariga Israa’iil ayaa dhankooda ka digay inay sii wadi doonaan dabagalka iyo beegsiga ciddii beddesha hoggaamiyihii sare ee geeriyooday. Qoraal ku qornaa afka Faarisiga oo lagu baahiyay barta X, ayay milatariga Israa’iil sidoo kale ku sheegeen inay raad-goobayaan qof kasta oo isku daya inuu beddel u magacaabo Khamenei.
Caqabadaha ku xeeran Mojtaba Khamenei
Maalmihii u dambeeyay, Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa soo ifbaxay inuu yahay ninka ugu cadcad tartankan.
Magacaabistiisa ayaan ahayn mid hubaal ah, iyadoo dadka naqdiya nidaamka ay u arkaan in tallaabadani ay sii adkeyn doonto maamul ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen inuu dilay ugu yaraan 7,000 oo qof bilihii lasoo dhaafay.
Intaas waxaa dheer, in dhaxalka aabe-iyo-wiilka ah uu yahay arrin laga dheehan karo weji-gabax dhexdiisa aasaaska culimada Shiicada ah ee Iiraan, gaar ahaan jamhuuriyad ka dhalatay afgembigii lagu riday nidaamkii boqortooyada sanadkii 1979-kii.
Sida uu qabo dastuurka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 xubnood ayaa mas’uul ka ah xulashada hoggaamiyaha sare ee dalka. Khamenei, oo Iiraan xukumayay 37 sano, ayaa 28-kii Febraayo lagu dilay duqeyn ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen caasimadda Tehran.
Xiisadda iyo khilaafka gudaha Iiraan
Kulanka ay wadaadadu ku magacaabayaan hoggaamiyaha cusub ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan uu si aad ah u xoogeystay dhammaadkii toddobaadka.
Duqeymo ay fulisay Iiraan ayaa lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee guud ahaan Khaliijka, halka weerarada Israa’iil ay beegsadeen xarumaha keydka shidaalka ee gudaha Iiraan.
Mowjado cusub oo duqeymo Iiraani ah ayaa Axaddii ku dhuftay Khaliijka, iyadoo waddamo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxreyn, iyo Kuweyt ay dhammaantood soo sheegeen weeraro.
Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen 15 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), halka duqeymo ka dhacay Baxreyn ay "khasaare hantiyeed” gaarsiiyeen warshad muhiim ah oo sifeysa biyaha badda.
Sida ay ku warramayaan Washington Post, Fox News, iyo hay’ado kale oo warbaahineed oo Mareykan ah, Ruushka ayaa Iiraan siinayay xogo sirdoon oo ka caawin kara beegsiga saldhigyada milatari ee Mareykanka ee gobolka.
Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday waddamada Khaliijka ayaa u muuqda kuwa iftiiminaya khilaaf ka dhex jira madaxda Iiraan, arrintaas oo ka hor imaanaysa hadallo uu Sabtidii jeediyay madaxweyne Masoud Pezeshkian.
Madaxweynaha ayaa raalligelin siiyay waddamada Gacanka Carabta isla markaana soo jeediyay in duqeymaha ka dhanka ah la soo afjari doono, haddii aan hawadooda iyo saldhigyada Mareykanka loo isticmaalin weerarada liddi ku ah Iiraan.
Sida ay qabaan dadka lafagura arrimaha siyaasadda, ballanqaadka Pezeshkian ee ah inaan la duqeynin dalalka Khaliijka ayaa bannaanka soo dhigay khilaaf dhif ah oo ka dhex taagan madaxda sare ee dalka, iyadoo mas’uuliyiinta nidaamku ay ku mashquuleen sidii ay u sharxi lahaayeen una fasiri lahaayeen hadallada madaxweynaha, kuwaas oo u muuqday kuwo ka careysiiyay garabyada mayalka adag ee Iiraan.
Ballaarinta weerarada Mareykanka iyo Israa’iil
Habeennimadii xalay, duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ku dhuftay shan xarumood oo shidaal oo ku yaalla agagaarka Tehran, sida uu sheegay mas’uul Iiraani ah.
Wuxuu xusay in goobahaasi ay waxyeelo soo gaartay balse dabkii ka dhashay si dhaqso ah loo xakameeyay.
Qaraxyo ka dhacay magaalada Karaj ee u dhow caasimadda ayaa laga maqlay gobolka oo dhan, waxayna deegaanka kaga tageen uuro madow.
Keydadka shidaalka ee duleedka Tehran ayaa sidoo kale dab qabsaday aroornimadii hore ee Axadda, iyadoo ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay ballaariyeen olohooda ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Axios ayaa werisay in Mareykanka iyo Israa’iil ay ka wada hadleen in ciidamo gaar ah (special forces) loo diro gudaha Iiraan si loo sugo ammaanka keydka yuraaniyaamka (uranium) ee tayeysan, marka la gaaro wejiyada dambe ee dagaalka, sida ay xaqiijiyeen afar ilo wareed.
Maalintii oo dhan, Iiraan ayaa si joogto ah gantaallada ballistic-ga ugu garaacday Tel Aviv iyo bartamaha Israa’iil.
Ugu yaraan hal qof ayaa si xun u dhaawacmay ka dib markii la duqeeyay dhisme la deggan yahay, sida ay sheegtay Magen David Adom, oo ah adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil.
Inta badan gantaallada ayaa waxaa fashiliyay difaaca cirka ee Israa’iil, mana jirin khasaare nafeed oo intaas dhaafsiisan.
Dagaalka Lubnaan
Dhanka kale, dagaalka Israa’iil ee wejiyada badan ayaa sii socday, iyadoo Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay duqeymo xooggan ku qaadeen Lubnaan, halkaas oo ay saldhig ku leedahay kooxda hubeysan ee ay Iiraan taageerto, ee Xisbullah (Hezbollah).
Duullaanka Israa’iil ee Lubnaan ayaa sababay dhimashada afar qof oo ku dhintay qarax ka dhacay hotel ku yaalla Beirut iyo dhimashada 12 kale oo ku dhintay duqeymo lala beegsaday deegaannada koonfureed ee dalka.
Israa’iil ayaa sheegtay inay beegsanaysay "taliyeyaal muhiim ah” oo ka tirsan guutada Quds ee milatariga Iiraan.
Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 339 qof lagu dilay colaadda, halka Golaha Qaxootiga Norway ay sheegeen in qiyaastii 300,000 oo qof ay ka qaxeen guryahooda.


0 




Iran oo dooratay hogaamiye bedelaya Ayatullah Khamenei
.