Jeneraal Khaalid oo Isbitaalka Xoogga ku booqday carruur ay Al-Shabaab ku dhaawaceen G/Sh/Hoose

0
Friday March 06, 2026 - 11:27:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Khaalid oo Isbitaalka Xoogga ku booqday carruur ay Al-Shabaab ku dhaawaceen G/Sh/Hoose

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas oo lagu dabiibayo dad shacab ah oo ay Khawaarijtu ku dhibaateeyeen deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka la keenay isbitaalka oo u badan carruur iyo haween ayaa waxaa soo gaaray khasaare ka dhashay falalka arxan darrada ah ee Khawaarijta, iyadoo ay ku dhinteen 6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa mid mid u booqday dadka dhaawaca ah, isagoo u muujiyay garab istaag iyo dhiirrigelin, sidoo kalena Alle uga baryay caafimaad degdeg ah.

 

Sidoo kale, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha, dhakhaatiirta iyo guud ahaan bahda caafimaadka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida ay heeganka ugu yihiin u adeegidda shacabka iyo ciidankaba, isla markaana ay si isku mid ah ugu dadaalayaan badbaadinta nolosha dadka dhaawaca ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip