Trump oo xilka ka qaaday Kristi Neom kadib markii ay kashiftay arrin xasaasi ah

0
Friday March 06, 2026 - 09:35:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo xilka ka qaaday Kristi Neom kadib markii ay kashiftay arrin xasaasi ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii shaqada ka ceyriyay Xoghayihii waaxda Amniga Gudaha (DHS), Kristi Noem, kadib markii ay soo wajahday dhaliil xooggan oo ku aaddan qaabka ay u maamushay waaxdaas, gaar ahaan tallaabooyinkii adkaa ee xukuumadda ee ka dhanka ahaa soo-galootiga iyo ka-jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah.

 

Madaxweyne Trump, oo go’aankan xasaasiga ah ku shaaciyay baraha bulshada, ayaa sheegay inuu xilkaas u magacaabi doono Senator Markwayne Mullin oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto gobolka Oklahoma.

Dhanka kale, Trump ayaa xusay in Noem loo magacaabi doono "Ergeyga Gaarka ah ee Gaashaanka Qaaradaha Ameerika” (Special Envoy for The Shield of the Americas), oo ah hindise amni oo cusub oo uu sheegay inuu diiradda saari doono dalalka dhaca galbeedka adduunka.

 

 

Tallaabadan xil-ka-qaadista ah ayaa timid laba maalin un kadib markii Noem ay su’aalo adag iyo weydiin adag kala kulantay xubnaha sare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee fadhiya Aqalka Koongareeska.

Daqiiqado kadib markii Trump uu baahiyay warka xil-ka-qaadisteeda, Noem ayaa khudbad ka jeedisay madal ay lahayd waaxda Amniga Gudaha, iyadoo aan soo hadal-qaadin shaqo ka ceyrinteeda. Beddelkeeda, waxay akhrisay khudbad horay loo sii diyaariyay oo ay ku xoojinaysay farriimihii Trump uu ka jeediyay khudbaddii xaaladda qaranka ee bishii hore.

Kristi Noem ayaa noqonaysa xubintii ugu horreysay ee ka tirsan gollaha wasiirada oo xilka laga qaado inta lagu guda jiro muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Trump. Bixitaankeeda ayaa soo afjaraysa muddo-xileed ay hareeyeen qalalaase iyo dibadbaxyo la xiriira hab-dhaqankeeda adag ee ku wajahan fulinta shuruucda socdaalka, taas oo dhalisay dacwado sharciyeed oo is-daba-joog ah.

 

 

Xil-haynta Noem ayaa u muuqatay mid gabaabsi ah kadib dhageysigii guddiyada Koongareeska ee toddobaadkan, halkaas oo ay kala kulantay dhaliilo naadir ah balse kulul oo uga yimid xitaa sharci-dejiyayaasha xisbigeeda Jamhuuriga.

Qodobada ugu weyn ee sida weyn loogu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahaa olole xayeysiis ah oo ku kacay 220 milyan oo doolar, kaas oo ay ka dhex muuqatay Noem, ujeedkiisuna ahaa in lagu dhiirigaliyo dadka sida sharci-darrada ah dalka ku jooga inay si iskood ah dalka uga baxaan.

Noem ayaa u kashiftay sharci-dejiyayaasha in Trump uu horay uga warqabay ololahan, balse Madaxweynaha ayaa si adag u beeniyay arrintaas wareysi uu Khamiistii siiyay wakaaladda wararka eeReuters, isagoo xaqiijiyay in uusan marnaba saxiixin oggolaanshaha olole xayeysiiseedkaas, waxaana la sheegay in uu aad ugu carrooday.

 

 

Dhanka kale, waaxda Amniga Gudaha ee DHS ayaa u xirneyd muddo 20 maalmood ah sababo la xiriira miisaaniyad la’aan ka dhalatay is-mari-waa siyaasadeed, inkastoo shaqaale badan oo waaxdaasi ka tirsan ay wali shaqeynayaan iyagoo aan wax mushaar ah qaadan.

Barasaabkii hore ee gobolka South Dakota ayaa sidoo kale la kulantay mowjado cambaareyn ah oo ku aaddan ololaheeda adag ee ka dhanka ah soogalootiga, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ciidamada fulinta socdaalka ay toogasho ku dileen labo qof oo banaanbaxayaal ah magaalada Minneapolis.

Waxaa u dheer in lagu dhaliilay qaabka ay waaxdeedu u maamushay balaayiin doolar oo uu Koongareesku u qoondeeyay in wax looga qabto xaaladaha deg-degga ah.

 

 

Burburka siyaasadeed ee Noem ayaa sidoo kale salka ku haya gaabis ku yimid bixinta dhaqaalaha gurmadka degdegga ah ee la sii mariyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Federaalka (FEMA).

Hab-maamulkeedii daciifka ahaa ee ka-jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ku dhuftay ayaa sababay in xubnaha Jamhuuriga dhexdiisa ay ka dhashaan shaki iyo dhaliilo waaweyn oo dedejiyay in meesha laga saaro.

Ugu dambeyn, Senator Markwayne Mullin ayaa u baahan doona in Senate-ka ay si rasmi ah u meel-mariyaan magacaabistiisa. Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo sharciga federaalka ee maamulaya jagooyinka banaan ee laanta fulinta, waxaa loo oggolaan doonaa inuu si kumeel-gaar ah u sii hayo xilka Xoghayaha waaxda Amniga Gudaha inta laga sugayo in magacaabistiisa ay ansixiyaan senate-ka.

Homeland Security Secretary Kristi Noem testifies during a House Committee on the Judiciary oversight hearing of the Department of Homeland Security on Capitol Hill, Wednesday, March 4, 2026, in Washington. (AP Photo/Mariam Zuhaib)



 
 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip