Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go'aanka labada aqal ee ansixinta dastuurka dalka

0
Thursday March 05, 2026 - 14:29:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go'aanka labada aqal ee ansixinta dastuurka dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, isla markaana hambalyo loogu diray go’aanka taariikhiga ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka dalka 04/03/2026, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri"Tallaabadaan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, una horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran. Hirshabeelle waxay u aragtaa ansixinta Dastuurka mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo adkeynta midnimada qaranka”.

war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Maamulka Hirshabeelle uu bogaadinayo shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowladda oo muujiyay dadaal, dulqaad iyo go’aan geesinimo leh oo lagu xaqiijiyey guushan u soo hoyatay qaranka.

Ugu dambayn, Hirshabeelle waxay caddeysay inay markale garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, laguna ilaalinayo sharafka, karaamada iyo wadajirka qaranka.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip