HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 5-MARCH-2026

0
Thursday March 05, 2026 - 07:05:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 5-MARCH-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Baarlamaanka JFS oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamatstirka Dastuurka dalka

Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kul an wadajir ah oo yeesheen ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka dalka,

Kulan ay sida wadajirka ah u yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa lagu meel mariyey Dastuurka kaddib cod aqlabiyad ah.

Wadar ahaan 222 xubnood oo ka kala tirsan labada Aqal ayaa ka qeyb qaatay codbixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah,Xubna haasi ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey ansixinta Dastuurka dalka.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in Dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya si sharci ah loo ansixiyey, isla markaana uu ka dhaqan geli doono dalka.

Ansixinta Dastuurkan ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhameys tirka hannaanka dowlad dhisidda, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo adkeynta nidaamka federaalka ee dalka.

Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeela Agoonta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loogu sameeyay carruurta Agoonta ah ee Qaranka, kaas oo kusoo beegmay munaasabadda Xuska Maalinta Agoonta Caalamka oo sannad walba la xuso shalay oo kale.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Agoonta ah ay tahay waajib Qaran oo saaran dowladda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddu ay sii xooji nayso barnaamijyada taageerada iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada ee quseeya agoonta.

"In badan ubadkeenna kamid ah ma helaan waxbarasho ku filan oo laga yaabo in waalidkood noolyahay balse uusan waxba u qaban karin, dalkeennu waxa uu soo maray duruufo adag, carruurta Soomaaliyeed waa ubax usoo baxaya dalkeenna waxaanna loo baahanyahay in la garab istaago oo loo hiiliyo”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyey carruurta agoonta ah, ayaa ku boorriyay in ay xoojiyaan rejadooda ayna yeeshaan himilo fog, kana faa’iideystaan waxbarashada iyo fursadaha la heli karo si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in isku filnaanshaha amniga iyo dhaqaalaja lagu gaari karo dhismaha qaran xooggan oo bulshadiisa afaca oo daryeela ubadkiisa iyo agoontiisa, taasi oo u baahan in dhammaan loo istaago mucaarad iyo muxaafadba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka dowladnimada taasi oo ay ugu horayso dhamaystirka dastuurka dalka oo muddo dheer Ku-meelgaar ahaa.

shalay waxa aynu taagnay tiir adag oo dalkeenna muhiim u ah, waxa aynu dhamaystirnay dastuurkii dalkeenna oo muddo dheer lasoo waday, kaasi oo aysan hirgalintiisa qeyb ka noqon dhaqaale iyo gacmo shisheeye, waa tiir wayn oo ka mid ah kuwa ay bulshadu heshiiska ku tahay, waxaanna inoo hartay in aynu dhamaystirno wada-hadallada iyo in afti dadweyne loo qaado”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.

Dowladds Soomaaliya ayaa bixisay malaayiin dollar oo ah caymiska xoollaha iyadoo gaarsiisay qoysaska abaaruhu saameeyeen

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoola ha,Lacagtan waxaa si toos ah loo gaars iiyay xoolo dhaqatada dalka ee ka faa’iid aystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.

Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).

Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul daaqsimeedka gobollo badan, Xoolo dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka.

Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada. Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduu nka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyad eed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirf -adaha.

 

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo si adag u diiday wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday wax-ka-beddelka Dastuur ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya, iyagoo sheegay in habka lagu fuliyey uu jebiyey shuruucda dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba mee lood laba (2/3) ee labada Aqal.

Golahu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, laguna beddeli karin rabitaan siyaas adeed oo cid gaar ah ama koox yar leedahay.

Wax-ka-beddel kasta waa in lagu samee yaa hab sharci oo cad, heshiis siyaas adeed oo loo dhan yahay, wadatashi dadweyne, iyo u hoggaansanaan buux da oo la siiyo habraacyada dastuurka ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay goor dhow kasoo saareen magaalada Muqdisho saacado kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyay Dastuurka cusub.

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale ka horyimid wax-ka-beddelkan, halka in ka badan 50 xildhibaan laga hor istaagay inay ka qayb-qaataan doodaha Baarlamaanka. Siyaasiyiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan madax hore iyo hoggaamiyeyaal saamayn leh, ayaa iyaguna si cad u diiday hannaankan.

Goluhu wuxuu carabka ku adkeeyay in dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush, ama habraac ka leexsan sharciga aanu noqon karin dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo.

War saxaafadeedka Golaha kasoo baxay ayaa la raaciyay in Mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hormuud ka ah hannaanka lagu beddelayo dastuurka si xoog iyo laaluush ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu sheegay in dalka u baahan yahay midnimo qaran, wadajir siyaasadeed, iyo hoggaan mideeya shacabka, isla markaana hannaanka sharci-darrada ah uu halis gelinayo Midnimada qaranka iyo wadajirka bulshada, Isku-duwidda dadaallada la-dagaallanka argagixisada, Suurtagalnimada heshiis doorasho oo loo dhan yahay, Guulihii nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada

Ugu dambeyn Golaha ayaa ugu baaqay Dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka, sidoo kale Hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah, iyo qurbo-joogta inay ka dhiidhiyaan jebinta dastuurka, iyadoo aamusnaanta waqtigan loo arki karo oggolaansho dadban ayna Beesha caalamka si cad oo fagaare ah ugu muujiyaan in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inuu aqoonsan yahay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, kaasoo ah saldhigga midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka Baarlamaaniga, iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, loona maro heshiis qaran oo dhab ah.

Ra’iisulwasaare kuxigeenka XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta hawlaha hortebinta u leh Caasimadda

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuum adda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay caasimadda, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta hawlaha hor-tebinta u leh caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, nabadgelyada, midnimada iyo daadejinta adeegyo bulsho oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer gobol, si loo xaqiijiyo yoolalka qaran loona xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo soo dhowaysay Ansixinta Baarlaamaanka ee dhamaystirka Dastuurka

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si weyn u soo dhawe ysay ansixinta rasmiga ah ee Dastuurka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah shalay ku meel mariyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasa aradda ayey ku sheegtay in ansixinta Dastuurka ay tahay guul taariikhi ah oo soo gabagabeynaysa geeddi socod dib u eegis ah oo socday in ka badan 13 sano.

Mudadaas ayaa la tilmaamay in ay ka soo qayb qaateen hay’adaha dowliga ah, dowlad goboleedyada, khubaro sharci iyo dastuur, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadcelisay Labada Aqal ee Baarlamaanka, guddiyadii dastuurka, hay’adaha fulinta, dowlad goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed doorkii ay ku lahaayeen geeddi socodkan muhiimka ah.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay bogaadisay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo hoggaamin muuqata ka qaatay dardargelinta iyo dhammaystirka Dastuurka, iyadoo ku tilshalayy tallaabadan mid xoojinaysa dimuqraadiyadda, midnimada qaranka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo sharci ku dhisan.

 

Guddiga Olympicada Qaranka Soomaaliyeed oo Wasiirka Ciyaaraha ku eedeeyay carqaladeynta horumarinta isboortiga

Guddiga Olympicada Qaranka Sooma aliyeed, oo ah hay’adda u qaabilsan maamulka iyo horumarinta isboortiga dalka, ayaa Wasiirka Ciyaaraha ku eedeeyay inuu abaabulayo xiriirro been abuur ah si uu u carqaladeeyo hawlaha isboortiga dalka.

War saxaafadeed ay soo saareen Guddi ga, oo ka mid ah guddiyada isboortiga ee caalamiga ah ee matala Soomaaliya, ayaa sheegtay in maamulka hadda jooga ee Wasiirka Ciyaaraha uu ku guuldareystay inuu taageero siyaasadda iyo maalgelinta horumarinta isboortiga.

Sida ay guddigu sheegtay, Wasiirku wuxuu xiray garoomadii loogu talagalay tartamada iyo tababarada dhalinyarada, wuxuuna warqado u diray hay’ado caalami ah, taasoo guddigu ku tilmaame en mid ceeb ku ah qaranimada dalka.

War waxa ay sidoo kale Guddigu ku sheegeen in Wasiirku shalay uu abaa bulay "xiriirro been abuur ah” oo ujeedad oodu tahay in lagu carqaladeeyo hawl aha Guddiga Olympicada Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii uu ula wareegi lahaa xarunta guddiga, halkaasoo Guddiga Olombikada ay si sharci ah ugu shaqeyso.

Guddigu wuxuu ugu baaqay madaxda qaranka Soomaaliyeed inay arrintan wax ka qabtaan, si aysan u dhicin xaalad ah in la sameeyo hay’ado madax bannaan oo laiska garab dhiso taasoo khatar ku noqon karta horumarinta isboortiga dalka.

Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go’aanka 2-da aqal ee ansixinta dastuurka dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, isla markaana hambalyo loogu diray go’aanka taariikhiga ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka dalka 04/03/2026, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri"Tal laabadaan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, una horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran. Hirshabeelle waxay u aragtaa ansixinta Dastuurka mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo adkeynta midnimada qaranka”.

war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Maamulka Hirshabeelle uu bogaadinayo shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowladda oo muujiyay dadaal, dulqaad iyo go’aan geesinimo leh oo lagu xaqiijiyey guushan u soo hoyatay qaranka.

Ugu dambayn, Hirshabeelle waxay caddeysay inay markale garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, laguna ilaalinayo sharafka, karaamada iyo wadajirka qaranka.

Jubaland oo sheegtay in aysan qeyb ka ahayn wax kabadalka Dastuurka

Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac ku aaddan hanaanka wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka, iyadoo sheegtay in arrintan loo baahan yahay wadatashi iyo is-afgarad ballaaran.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubaland, kuwaas oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay matalaadda shacabka iyo difaaca nidaamka federaalka. Jubaland waxay carrabka ku adkeysay in isbeddel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka uu noqdo mid waafaqsan heshiisyadii hore iyo rabitaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in dowlad-goboleedyada dalka ay leeyihiin door muhiim ah oo ku aaddan arrimaha dastuurka, maadaama ay qayb ka yihiin nidaamka federaalka. Waxay tilshalayy in go’aanno waaweyn oo saameyn ku leh mustaqbalka dalka aan lagu gaari karin si deg-deg ah ama si gaar ah, balse loo baahan yahay wadahadal iyo heshiis siyaasadeed.

Maamulka ayaa intaas ku daray in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqon karo mid sharci ahaan sax ah oo keliya marka la helo is-afgarad qaran oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday xildhibaanada ka soo jeeda deegaannadeeda, iyo kuwa kale ee ku jira Baarlamaanka Jubaland, in ay si feejigan uga fiirsadaan tallaabo kasta oo la xiriirta dastuurka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen la-taliye sare oo ka tirsan Madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga.

Tallaabadan ayaa si degdeg ah u dhalisay caro iyo cambaareyn xooggan oo ka timid maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku sifeeyay "afduub sharci-darro ah” oo dhacay xilli habeenimo ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu caddeeyay in la xiray Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada. Booliska ayaa sheegay in mas’uulkan uu ku howlanaa falal lid ku ah amniga, isla markaana uu hadda ku socdo baaritaan rasmi ah.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga liddi ku ah, waxaana ku socda baaris,” ayaa lagu yiri qoraalka uu taliska boolisku ku baahiyay barta Facebook, kaas oo uu la socday sawirka Hurre.

Jabuuti Afar Carruur ah oo Lagu Dilay Weerar Ay Fulisay Diyaarad Daroon ah

Afar carruur ah ayaa ku naf waayay qa rax ka dhacay koonfurta dalka Jabuuti, oo masuuliyiinta dowladu ay sheegeen in la tuhunsanyahay in ay fulisay diya arad aan duuliye lahayn, sida ay warisay Addis Standard oo xiganaya AFP.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Xasan Maxamed Xasan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaraxu ka dhacay gobolka Dikhil ee dhulka Canfarta. Wuxuu xusay in arrintu tahay musiibo naxdin leh, isla markaana la diray guddi baadha si ay u soo ogaadaan sababta rasmiga ah ee qaraxa.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti ayaa dhankiisa war-saxaafadeed ku sheegay in laba carruur ah, oo da’doodu kala ahayd lix iyo toddoba sano, gabadh iyo wiil ay isla goobta ku dhinteen, halka laba kale ay u geeriyoodeen dhaawac yadii soo gaadhay, kaddib markii ay waayeen gurmad degdeg ah iyo daryeel caafimaad oo ku filan.

Sida uu ururku sheegay, carruurtu xilliga ay waxyeelladu dhacaysay waxay ku mashquulsanaayeen ilaalinta xoolahoo da. Waxa kale oo la xaqiijiyay in lix carruur ah oo kale ay ku dhaawacmeen, midkoodna xaaladdiisu culus tahay.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti waxay tilshalayy in tani ay noqonayso weerarkii lixaad ee daroon loo adeegsado ee gobolkaasi ka dhaca muddo lix bilood gudahood, iyada oo la sheegay in weerarradaasi ay si gaar ah u beegsanayeen bulshooyinka reer guur aaga ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli hore, bishii February ee sannadkii tegay, ay masuuliyiintu sheegeen inay weerar daroon ah ka fuliyeen meel u dhow xadka Itoobiya, kaas oo lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsanaa koox fallaago ah iyo tiro rayid ah oo aan la cayimin.

Hadaba, dowlada Jabuuti may sheegin cida qaaday weerarka loo adeegsaday diyaarada aan duuliyaha lahayn.

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah kuwaas oo ku wajahnaa koonfurta caasimadda Riyadh, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) la qabtay.

Mas’uuliyiinta Sacudi Carabiya ma aysan sheegin halka laga soo tuuray gantaallada iyo diyaaradahaas.

Canada iyo Australia oo ku baaqay dejinta xiisadda gobolka Bariga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo dhiggiisa Canada Mark Ca rney ayaa ku baaqay in xiisadda Bariga Dhexe la dejiyo, iyagoo sheegay in xabb ad-joojin aan la gaari karin ilaa Iiraan laga hor istaago inay samaysato hub nukliyeer ah.

"Adduunku wuxuu rabaa in la arko dej inta xiisadda… Waxaan aragnaa dalal ka tirsan Gacanka oo aan colaadda ku lug lahayn oo la weeraray, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday goobaha rayidka iyo meelaha dalxiiska. Waxaan sidoo kale rabnaa in la gaaro ujeed dooyinka la dejiyay,” ayuu Albanese u sheegay wariyeyaasha shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu kula qabtay Canberra hoggaamiyaha Canada ee booqashada ku yimid.

Carney ayaa ku celiyay baaqa ra’iisul wasaaraha Australia ee ku aaddan dejinta xiisadda.

"Hadda waxa socda fiditaanka colaadda. Taasi waan aqoonsannahay. Ka hor inta aan halkaas la gaarin, waa in la joojiyaa beegsiga rayidka iyo kaabayaasha rayidka. Kuwani waa shuruudo lama huraan ah ka hor inta aan xabbad-joojin jiri karin.”

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale muujiyay taageeradooda weerarrada Israa’iil iyo Maraykanka ku qaadeen Iiraan ee bilaabmay Sabtidii.

Markii la weydiiyay in uu meesha ka saaray suurtagalnimada in Canada ay ku biirto weerarrada Iiraan, Carney wuxuu sheegay inuusan "waligiis si buuxda u diidi karin ka qaybgalka,” isagoo kala saaray ficillada weerarka iyo kuwa difaaca.

"Mar walba waan difaaci doonnaa mu waadiniinta Canada. Mar walba waan garab istaagi doonnaa oo difaaci doon naa xulafadeenna marka naloo baahdo,” ayuu yiri.

Ukraine oo khibradeeda la dagaalanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku caawin doonta dalalka Khaliijka

Madaxweynaha Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay qorsheynayso inay khuba ro u diro wadamada Khaliijka si ay uga caawiyaan xulafada difaaca dalalkooda ka dhan ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iiraan.

Wuxuu sheegay inuu shalay la hadlay dhiggiisa Imaaraadka iyo Qatar, shalay na uu la hadlay Jordan iyo Baxreyn.

Ka dib markii uu ka wada hadleen khilaafka Bariga Dhexe wasiirrada iyo taliyeyaasha, wuxuu ka codsaday inay soo saaraan ikhtiyaarro ay xulafada uga caawin karaan iyada oo aan la daciifin difaaca Ukraine laftigiisa.

War qoraal ah oo uu ku daabacay barta X, Madaxweynaha Zelensky ayuu ku yidhi: "Ukraine waxay ka caawin kartaa ilaalinta nolosha iyo xasilinta xaaladda…”

Wuxuu intaa ku daray: "Ciidamadeennu waxay leeyihiin awoodaha lagama maarmaanka ah. Khubarada Ukraine waxay ka shaqeyn doonaan goobta, kooxuhuna horey ayay isugu diyaariyeen. Waxaan diyaar u nahay inaan ka caawinno ilaalinta nolosha, badbaadinta rayidka, iyo taageerida dadaallada dhabta ah ee lagu xasilinayo xaaladda iyo dib u soo celinta maraakiibta ammaan ee gobolka.”


Iiraan Soomaaliya ma u weerari kartaa Mareykanka dartii?


Waddamada Khaliijka ayaa arkay ayagoo dhexda ka taagan safka hore ee dagaalka ka curtay Bariga Dhexe, arrintaasna caro ayey galisay.

Iiraan ayaa aargoosi kaga jawaabtay duqaymaha cirka ee Mar aykanka iyo Israa'iil iyadoo ku ridday boqollaal gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay ku garaacday deriskeeda Carabta, waxaana aybar tilmaa meedsatay saldhigyada millatariga Maraykanka ee gobolka iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo tamarta.

Waxay bartilmaameedsanaysaa sawirka Khaliijka laga haysto oo ah goob bedqab leh, oo ku fiican socdaalka, dalxiiska iyo dhaqaalaha, sido kale waxay ku dhaqaaqday khalkhal gelinta warshadaha saliidda iyo gaasta dabiiciga ah.

Inta badan gantaalada Iiraan ayaa lagu qabtaa hawada guud ahaan gobolka, laakiin burburka soo dhacaya ayuu dab ka dhashaa kuwaasoo ay dad ku dhinteen. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida fudud uga gudbi kara difaacyada hawada ayaa inta badan sababa qasaaraha ugu yar balse sidaasoo ay tahay waxay abuuraan qalalaase carqaladeeya ganacsiga iyo socdaalka.

Kadib weerarradaas ay Iiraan ku qaadday bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku yaalla Bariga Dhexe, waxaa soo baxaya su'aalo iyo walaac ah in saldhigyada Mareykanka iyo joogitaankooda ka baxsan gobolkaas, gaar ahaan gudaha Soomaaliya, ay halis ku jiraan.

Saldhigga Balidoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose qiyaastiina 90km waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, waa xarun milatari oo ay ka hawlgalaan ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka.

Saldhiggan ayaa muhiim u ah howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha iyo kormeerka lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaa sidoo kale lagu tababaraa cutubyada Danab ee militariga Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee Marines-ka oo ka tirsan Cutubka 15aad ee Hawlgalka Ciidamada Badda, oo ku sugan Balidoogle, 2020.Xigashada Sawirka,U.S. Marine Corps

Balidoogle waxaa si joogto ah uga hawlgala ciidamo Mareykan ah oo ay ku jiraan cutubyo khaas ah, iyo tababarayaal. Saldhiggan waxaa lagu xoojiyaa kaabayaasha diyaaradaha, guryaha ciidamada, iyo xarumo tababar, taasoo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo qeyb ka ah hawlgallada Mareykanka ee Geeska Afrika.

Warbixinno madax-bannaan iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa marar badan tilmaamay in saldhigga uu yahay xarun ay Mareykanku u isticmaalaan si joogto ah, oo ay ku jiraan howlgalada tababarka iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Marka la eego masaafo ahaan, Soomaaliya aad ayay uga fog tahay Iiraan.

Caasimadda Tehran waxay Muqdisho u jirtaa in ka badan 3,000 kiiloomitir. Saldhiga Balidoogle, maaddaama uu ku yaallo gudaha dalka, wuxuu ka sii fogaanayaa masaafo intaas ka badan.

Awoodda gantaallada Iiraan ee la ogyahay ayaa inta badan ku kooban riddo gaaban iyo mid dhexe.

Gantaallada nooca Fateh ayaa inta badan gaari kara wax ka yar 1,500km, halka gantaalka Shahab-3 uu gaari karo masaafa qiyaastii ku dhow 2,000km.

Safiirka Iiraan ee Kenya ayaa sheegay in aanu jirin saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Bariga Afrika oo istiraatiiji ahaan mudan in la weeraro, wuxuuna intaa ku daray in gantaallada dalkiisu aysan farsamo ahaan gaari karin gobolkaas.

Marka la isku geeyo masaafada juqraafiyeed iyo awoodda gantaallada ee la xaqiijiyay, Balidoogle waa xarun milatari oo ay Mareykanku si firfircoon uga hawlgalaan, laakiin Soomaaliya waxay ka baxsan tahay masaafada gantaallada Iiraan ee la xaqiijiyay.

Xiisadaha gobolka ayaa weli taagan, balse dhinaca farsamada, ma jiraan gantaallo Iiraan ah oo si toos ah u gaari kara goobaha ay ka joogaan Mareykanku Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip