HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 4-MARCH-2026

0
Wednesday March 04, 2026 - 07:04:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 4-MARCH-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Muda ne Mustafa Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qar amada Midoobay u qaabilsan Soomaal iya ahna Madaxa UNSOS, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Agaasime Mustaf Dhuxulow ayaa la wa daagay wafdiga horumarradii ugu dam beeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriy eynta adeegyada danabaysan ee hay’ adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta.

Agaasimaha ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.

James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale uu bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.

Sidoo kale, Ergayga ayaa la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.

Wasiir Fiqi: Bisha Ramadaan waxay noo tahay bil aan ku laba jibbaareyno dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa guul weyn ku tilmaamay qabashada deegaanada Mubaarak iyo Daarisalaam oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kadib hawlgal saddex maalmood socday oo loogu magac daray "Hawlg alka Badr”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheeg ay dib u xoraynta degaanadan in ay qeyb ka tahay dadaalada lagu xorey nayo deegaannada ay gacanta ku ha yaan Alshabaab. Wuxuu sheegay in bisha Ramadaan sanadkan ay ciidamada dowladda u arkaan xilli lagu dardargelinayo gulufka militari ee ka dhanka ah Alshabaab, halkii ay ka ahaan lahayd waqti hawlgalladu yaraadaan.

"Bisha Ramadaan sanadkan ma ahan bil nasasho u ah argagixisada, waa bil aan ku laba jibbaareyno dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, si aan shacabka uga dulqaadno dhibaatada ay ku hayaan,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in ujeeddada hawlgalku uu yahay in Alshabaab laga saaro xarumo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen gobolka, lana burburiyo goobihii ay ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo xarumihii ay ka abaabuli jireen ururinta waxa uu ku tilmaamay canshuuro sharci darro ah.

Sida uu sheegay, degaanka Mubaarak waxay ahayd saldhig muhiim u ah dhaqdhaqaaqa Alshabaab, gaar ahaan abaabulka weerarrada lagu beegsado Muqdisho iyo isu-socodka maleeshiyaadka u kala gudba gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ku dhawaad 50 dagaalame, oo ay ku jiraan horjoogayaal, lagu dilay intii uu socday hawlgalku, isagoo xusay in khasaaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika uu ahaa mid kooban.

Fiqi wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida, isagoo adkeeyay in dowladdu ay sii wadi doonto hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab ilaa laga xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu fariin u diray xubnaha ka tirsan Alshabaab, isagoo ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska iyo dib-u-heshiisiinta ee ay dowladdu sheegtay inay u fidineyso kuwa ka soo goosta kooxda Alshabaab.

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA), oo kaasha naya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Alshabaab ee godka Jilacow, sidoo kalana ahaa mas kaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagi xiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

Horjoogaha la dilay, oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali, wuxuu ahaa hagaha shaba kaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025). Waxa uuna si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.

Howlgalka xalay ayaa ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiisha iyo ciidamada ku naf waay ay weerarradii argagixiso, waxaana dab a-galka dhagarqabahan ay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyada oo si gaar ah loo ilaalinayay badqabka shaca bka, maadaama uu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaar ey iyo Gendershe, ee Gobolka Shabeell aha Hoose.

Beegsiga lagu burburinayo shabakada ha argagixisada iyo horjoogeyaashooda waa ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah.

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turki ga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ku booqday hoygiisa magaalada Muqdisho..

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaal adda siyaasadda iyo amniga dalka, iyo xoojinta kobcinta maalgashiga.

Farmaajo ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee ay Turkiga la garab taa gan tahay Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli xub naha Beesha Caalamka ay wadaan dad aalo xooggan oo lagu xalinayo xiisada ka taagan Arrimaha Dastuurka iyo doora shooyinka.

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah oo ay yeesheen Puntland iyo xildhib aannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soo maaliya.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta madax tooyada Garowe waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee Federa alka oo ku sugan magaalada Muqdisho uga qayb galeen habka fogaan aragga.

Shirka wadatashiga ayaa Puntland iyo xildhibaannada Federaalka waxay ka soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka dastuur ka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

"Dowladda Puntland waxay aqoonsant ahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012, wax kasta oo laga bedelo oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay maalgashiga shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soom aaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa ka halday kulan heegay in dowladda Feder aalka ay kulan kula qaadatay mas’uul iyiin ka socday dowladda Maraykanka iyo maalgashadayaal daneynaya shidaa lka iyo macdanta dalka, si loo xoojiyo iskaashi ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdi sho, ayaa waxaa dhinaca Maraykanka ka matalayay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay kusimaha safiirka, Justin Devil, sida uu wasiirku sheegay.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray dhiirigelinta maalgashadayaasha Maray kanka si ay u maalgashadaan Soo maaliya, gaar ahaan qeybaha shidaalka iyo macdanta. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isku afgarteen in la kordhiyo wada shaqeynta farsamo (technical cooperation) si loo sahlo gudbinta fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

"Waxaan ka wada hadalnay sidii si wada jir ah looga faa’iideysan lahaa kheyraa dka dalka, loona abuuri lahaa jawi dhiirigelinaya maalgashi Maraykan ah oo ka dhaca Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray in la isla gartay in la qabto kulamo kale oo farsamo oo ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo guddi farsamo oo ka socda safaaradda Maraykanka.

Sida uu sheegay wasiirku, kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka qabsooma Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay mid dhiirigelin u ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku soo jiidato maalgashi shisheeye.

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigtay heerka ay marayaan siyaasadaha la xiriira maareynta kheyraadka, iyo diyaar garowga wejiga labaad ee horumarinta macdanta iyo shidaalka dalka.

Dhankiisa, ku simaha safiirka Maraykan ka Justin Devil ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, inkasta oo shirkadaha Maraykanku ay si madax-bannaan u gaaraan go’aannada ku saabsan maal gashiga ay sameynayaan.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dam beeyay dadaal ugu jirtay inay soo jiidato maalgashi caalami ah, iyadoo sheeg aysa in horumar laga sameeyay dhinac yada sharciyeynta iyo dejinta siyaasa daha kheyraadka dabiiciga ah.

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, laguna afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, si nabad ah loo soo badbaadiyay 2-da Maarso.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Shiina ha ayaa lagu sheegay in markabka iyo shaqaalihiisuba ay bad qabaan, kadib dadaallo ay sameeyeen dhinacyada kala duwan ee arrinta ku lugta lahaa.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay falka afduubka ah, isagoo ku tilmaamay mid khatar geliyay amniga shaqaalaha iyo badqabka maraakiibta caalamiga ah.

Sidoo kale, dowladda Shiinaha waxay sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda iyo shirkadaha dibadda ka howlgala.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doora shooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay degmada Jalalaqsi ee gobol ka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Ban naan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Jala laqsi ayaa si rasmi ah daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada.

Ciidamada Dowladda oo Dilay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ah kuna eedeysnaa Weerarro ka dhaca Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyay weera rro argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2025.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ninka la dilay uu watay magacyo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen Kamaludin Yoonis Maxamed, Salim Nur Sheekh Cabd iraxiin, Caraale, iyo Cabdullaahi Xasan Cali.

Sida lagu sheegay warka, sarkaalkan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday xabsiga Godka Jilacow 4-tii Oktoobar 2025.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay inuu ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Akadeemiyadda Jaalle Siyaad 9-kii Luulyo 2025, iyo weerarkii lagu qaaday Dugsiga Tababarka Jeneraal Dhega-Badan (Xero Nacnac) 10-kii Diseembar 2025.

Hay’addu waxay xustay inuu si toos ah u maamulayay unugyo fulin jiray weerarr adan.

Howlgalka lagu dilay sarkaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib howlgal ballaaran oo ay qaadeen Ciid anka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya ciidamo ka socda Uganda oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale Howlgalka lagu bartilmaam eedsaday fariisimo Al-Shabaab ku lahayd gobolka.

NISA waxay sheegtay in dabagalka sarkaalkan uu socday in ka badan shan bilood, isla markaana uu marar badan ka dhuumanayay goobo ay dad rayid ahi degan yihiin sida Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaar ey iyo Gendershe.

Hay’addu waxay sheegtay in inta howlg alka socday si gaar ah loo ilaalinayay badbaadada shacabka.

Dowladdu waxay tilshalayy in howlgal kaasi uu ahaa mid looga aar-gudayay dhiigga dad rayid ah, askar iyo saraakiil ku dhintay weerarradii uu hoggaamina yay ninkan.

Ugu dambeyn, NISA waxay sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah, iyadoo shacabka looga baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Somaliland oo Ka Digtay Warar Been Abuur ah oo Lagu Sheegay in ay Kaga Hadashay Dagaalka Iran

Somaliland ayaa bulshada, warbaahinta, iyo bulshada caalamka uga digtay baro bulsho oo lagu faafinayo warar been abuur ah oo loo ekaysiiyay kuwa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwaas oo lagu faafinayo warar la xidhiidha dagaalka Israa’iil iyo Iran.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu yidhi: "Dowladda Jamhuuriyadda Somalil and waxay bulshada, warbaahinta, saaxi ibbada diblomaasiyadeed, iyo bulshada caalamka uga digaysa isku dayo qorsheysan oo lagu been abuurayo bar aha bulshada rasmiga ah ee dowladda kuwaas oo lagu faafinayo warar been abuur ah."

Wararka been abuurka ah ee lagu faafi yay baraha bulshada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Cabdira xmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, isagoo tacsiyeysay weerarada Iran la beegsatay UAE, isla markaana ay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda gobolka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay wara rkan been abuurka ah in Madaxweynaha Somaliland uu si gaar ah uga hadlay xaaladda dagaalka Madaxweynaha Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay taageero buuxda u muujinayso shacabka Israa’iil, isla markaana ay si adag u cambaareynayso weerarada Iran ee ka dhanka ah Israa’iil.

Dhinaca kale, waxaa jira dadka luuqado kala duwan dowlada Iran kaga codsanaya in ay Somaliland ku darto goobaha ay beegsanayso, maadaama Hargeysa iyo Tel Aviv ay leeyihiin xidhiidh dhow. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Somaliland ayna martigalin wax saldhig ciidan oo ay leeyihiin Israa’iil ama Maraykanka.

Warbaahinta caalamka qaarkeed ayaa sidoo kale warinaysa in xulufada Iran ee gobolka, iyo dowladda Iran lafteeduba, ay beegsan karaan Somaliland, iyadoo la tixgelinayo in dowladda Iran ay bilowday inay beegsato waddamada leh xidhiidhka Israa’iil ama Maraykanka.

Somaliland waxay dhawaan cambaar aysaay duqeymaha ay Iran la beegsatay waddamada Carabta, lakiin wax intaa dhaafsiisan kamay odhan dagaalka ka socda Bariga Dhexe.


Yaa burburiyay saddexdii diyaaradood ee dagaalka Maraykanka, sideese loo burburiyay?

Hir cusub oo xiisad daran ah ayaa ka bilaabatay Bariga Dhexe Sabtidii, markii Maraykanka iyo Israa'iil ay ku dhawaa qeen inay weerarro ku qaadeen Iiraan.

Weeraradaas jawaabtooda, Iiraan ma aha oo kaliya inay weerartay Israa'iil, balse sidoo kale waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay dhowr ka mid ah xulafada Maraykanka ee Bariga Dhexe.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Kuweet, Baxrayn iyo dalal kale oo gobolka ka tirsan ayaa cambaareynaya weerarrada Iiraan, waxayna uga digayaan Tehraan inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan.

Dalal badan oo ka mid ah kuwaas waxaa ku yaala ama ku sugan saldhigyo milatari ama askar Maraykan ah. Sidaas darteed, Isniintii ayaa warar soo baxay oo sheegaya in saddex diyaaradood oo Maraykan ah lagu burburiyay Kuweet.

Jawiga dagaalka awgiis, dadku waxay u qaateen in diyaaradahaasi lagu burburiyay weerar Iiraan ah, balse arrintu sidaas ma aha. Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in saddexdiisa diyaaradood ee F-15E ay ku burbureen Kuweet "shil rasaas saaxiibtinimo" ah (friendly fire).

Faahfaahinta sida ay arrintu u dhacday way iman doontaa, balse marka hore waa muhiim in la ogaado waxa ay Kuwayt ka tiri arrintan.

Bayaankaas ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa diyaaradaha aanay waxyeello soo gaarin, loona gudbiyay isbitaal si baaritaan caafimaad loogu sameeyo. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay inay la shaqaynayso xulafadeeda Maraykanka si loo ogaado sababaha keenay burburka diyaaradaha.

Waxaase muuqata in baaritaannada la soo gabagabeeyay, iyadoo CENTCOM ay soo saartay bayaan faahfaahsan.

Maxay CENTCOM sheegtay?

CENTCOM waxay sheegtay in saddexdeeda diyaaradood ee F-15E Strike Eagle, kuwaas oo ka qayb qaadanayay hawlgal la xiriira howlgalka Cadhadad Darran "Epic Fury" ee Iiraan, ay ku burbureen Kuweet kadib shil rasaas saaxiibtinimo ah.

Bayaanka CENTCOM ayaa lagu sheegay in "intii lagu jiray dagaalka, oo ay ku jireen iska horimaadyo lala galay diyaarado Iiraani ah, gantaallo baalistig ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, nidaamka difaaca cirka ee Kuweet uu si khalad ah u soo riday diyaaradaha Maraykanka."

Sida ay CENTCOM sheegtay, lix ka mid ah shaqaalihii diyaaradaha saarnaa way badbaadeen, xaaladdooduna waa deggan tahay.

CENTCOM waxay sidoo kale uga mahadcelisay ciidamada difaaca Kuweet taageerada ay ka geysteen hawlgallada socda.

Maxay yihiin sifooyinka diyaaradda F-15 Strike Eagle?

Sida ku cad bogga Ciidamada Cirka ee Maraykanka, F-15 Strike Eagle waa diyaarad dagaal oo awood u leh hawlgallo cirka-ka-cirka ah iyo cirka-ka-dhulka ah.

Waxay duuli kartaa joog hoose, waxayna fulin kartaa hawlgallo habeen iyo maalinba, xilli kasta oo cimilo ah. Macluumaadka lagu daabacay bogga Ciidamada Cirka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaraddu awood u leedahay inay beegsato cadowga masaafo dheer, kuna qalabeysan tahay nidaamka raadaarka APG-70 oo awood u leh inuu meel fog ka ogaado bartilmaameedyada dhulka yaalla.

Dagaalka Iran, Mareykanka iyo Israa'iil oo Sii Fidaya; Tehran oo Diiday Wadahadal

Mas’uul sare oo ka tirsan Iran oo lagu magacaabo Cali Lariijaani, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu "aanu la xaajoon doonin Mareykanka,” xilli dagaalka u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israa'iil uu sii xoogeysanayo. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Lariijaani ku eedeeyay Madaxweyne Donald Trump inuu gobolka ku riday qalalaase, isaga oo sheegay in Iran ayna bilaabin gardarrada balse ay is-difaacayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cab baas Caraqchi, ayaa sheegay in Mare ykanku uu ka laabto waxa uu ku tilmaamay "dalabyo xad-dhaaf ah” si wada-hadallada nukliyeerka ay u miro dhalaan. Isagoo ka hadlayay dadaallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Washington, ayuu xusay in guusha wada-xaajoodyadu ay ku xidhnaan doonto "daacadnimo iyo xaqiiqo-ogaalnimo” laga muujiyo dhinaca kale, isla markaana laga fogaado khaladaad xisaabeed iyo shuruudo adag oo carqaladeyn kara heshiis la gaadho.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo duqeymo culus ay ka socdaan gudaha Iran, kuwaas oo sababay qaraxyo waaweyn oo ruxay daaqadaha guryaha Tehran. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iran, in ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay weerarrada tan iyo markii ay bilaabmeen duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa'iil.

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa badhtilmaameedsaday xarumaha gantaallada ballistic-ga, saldhigyada ciidanka cirka iyo maraakiibta dagaalka Iran. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha qarsoon ee B-2 ay ku garaaceen goobo muhiim ah bambooyin culus oo 2,000 rodol ah. Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa ku faanay in sagaal markab oo Iran leedahay la quusiyay, xaruntii ciidanka baddana si weyn loo burburiyay.

Dagaalka ayaa si degdeg ah uga gudbay xuduudaha Iran iyo Israa'iil, isagoo gaadhay dalal kale oo gobolka ah. Iran ayaa gantaallo ku weerartay Israa'iil iyo dalal Carbeed, taasoo sababtay dhimashada saddex askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Kuwayt — kuwaas oo noqday khasaaraha ugu horreeya ee Mareykanka ka soo gaadh colaaddan. Israa'iil ayaa sheegtay in weerarro lagu qaaday Qudus iyo magaalooyin kale ay ku dhinteen 11 qof.

Dhanka Khaliijka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Kuwayt ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaarado daroon ah oo Iran ka yimid ay ku dhaceen goobo rayid ah. Sidoo kale, Qubrus ayaa xaqiijisay in daroon lagu weeraray saldhig British ah kadib markii Britain ogolaatay in Mareykanku ka faa’iideysto saldhigyad eeda.

Ururada hubeysan ee taageersan Iran ee Ciraaq iyo Lubnaan ayaa iyaguna ku biiray dagaalka. Maleeshiyada Shiicada ee Ciraaq qaarkood ayaa sheegtay inay weerareen saldhig Mareykan ku leeyahay Baqdaad, halka Xisbullah ay gantaallo ku garaacday Israa'iil, taasoo keentay duqeymo cusub oo Israa'iil ka fulisay Beirut. Dowladda Lubnaan ayaa ka digtay in dalku mar kale ku laabto dagaal baahsan.

Trump oo ku hanjabay jawaab degdeg ah kadib weerar lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ayaa aroornimadii Talaadada lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacu udiga, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga. Weerarkaasi ayaa sababay dab iyo burbur soo gaadhay safaarada.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuu diga ayaa sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in laba diyaaradood ay si toos ah u beegsadeen safaaradda, balse ciidamada difaaca cirka ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro kale oo lala damacsanaa xaafadda diblomaasiyiinta ee Riyadh.

Madaxweynaha Mareykanka, , ayaa si kulul uga hadlay weerarka, isaga oo u sheegay warbaahinta in Mareykanku "si dhakhso ah” uga jawaabi doono. "Waxaad ogaan doontaan dhawaan,” ayuu yidhi Trump, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca tallaabada la qaadi doono.

Wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in dab-damisyo lagu arkay hareeraha safaaradda, isla marka ana la xakameeyay dabkii ka kacay goobta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn isla markaana ay arkeen qiiq ka baxaya dhismaha safaaradda, oo ku yaalla xaafadda ay degan yihiin safaaradaha shisheeye.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Sacuudigu ay ka hortageen afar diyaarad kale oo ku wajahnaa xaafadda diblomaasiyiinta. Saacado kadib, wasaaradda difaaca ayaa shaacisay in siddeed diyaaradood lagu soo riday meel u dhow Riyadh iyo magaalada Al-Kharj.

Weerarradan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad militari ay ka taagan tahay dalalka Khaliijka, iyadoo Iiraan la sheegay in ay waddo weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhan ah dalal ku yaalla gobolka. Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay la tacaaleyso gantaallo ballistik ah oo kaga imaanaya dhinaca Iiraan, halka Qatar ay iyaduna sheegtay in ay qabatay laba gantaal oo ballistik ah aroornimadii Talaadada.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in safaaradda Mareykanka ee Kuwayt ay sidoo kale soo gaadhay waxyeello kagata timid weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha halkaas ka dhashay.

Kadib weerarka Riyadh, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, iyadoo ku amartay in ay hoygooda ku nagaadaan, isla markaana la xaddiday safarrada aan daruuriga ahayn ee ku wajahan xarumaha militari ee gobolka.

Weerarradan is-daba-joogga ah ayaa sare u sii qaadaya xiisadda amni ee ka taagan gobolka Khaliijka, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto sida uu Mareykanku uga falcelin doono weerarka lagu qaaday safaaraddiisa Riyadh.

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad.

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhan ka Israa’iil, sida ay sheegeen ciidanka difaaca Israa’iil.

Difaaca cirka ayaa hadda howlgalaya si ay u joojiyaan khatarta soo socota. Dadka ku nool ayaa waxaa loo diray digniino taleefan oo ku wargelinaya in ay galaan meelaha gabaadka ah ah ilaa amar dambe la siiyo.

Ciidamada Israa’iil waxay ku dhawaaq een in xooggooda cirka uu "duqeyn ku sameeyay oo burburiyay” xarunta Warfaafinta Iiraan, taasoo qayb ka ah olole socda oo ka dhan ah Jamhuuri yadda Islaamiga ah.

War-saxaafadeed, waxaa lagu sheegay: "Hawlgalada ka dhacay Xarunta Warbaahinta iyo Faafinta waxaa fuliyay oo maamulay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan. Sanado badan, Ururka Baahinta iyo Telefishanka Iiraan wuxuu ku baaqayay burburinta Dowladda Israa’iil iyo isticmaalka hubka nukliyeer ka.”

War cusub oo ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (Cent com) ayaa sheegaya in lix askari oo Maraykan ah lagu dilay dagaal ilaa 16:00 galabnimo waqtiga bariga Isniintii.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada Maraykanku soo heleen maydadka laba askari oo hore loo la’aa, kuwaas oo ku sugnaa xarun lagu dhuftay weerarradii hore ee Iiraan ka bilowday gobolka.

Hawlgalada waaweyn ee dagaalka ayaa weli socda, ayay warbixintu ku dartay.

Markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha oo laga sii daayay xeebaha Puntland

Markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, isla markaana ay ku qabsadeen rag hubeysan meel ka baxsan xeebaha Puntland, ayaa la sii daayay 2-da Maarso, iyadoo ay la socdeen dhammaan shaqaalaheedii, kaddib dadaallo isku dubbaridan oo ay ka qeyb qaateen dowladda Shiinaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Sida ay Talaadadii sheegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, sii deynta markabka ayaa ka dhalatay wada-tashiyo iyo iskaashi dhow oo dhex maray hoggaanka federaalka Soomaaliya iyo Madaxtooyada Puntland, iyadoo la xaqiijiyay in howlgalka lagu soo afjaray xaaladda si nabad ah.

Safaaraddu waxay si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday markabka, waxayna sheegtay in uu haystay oggolaansho rasmi ah oo uu kaga howlgalo biyaha Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale ballanqaadday inay qaadi doonto tallaabooyin lagu xoojinayo badbaadada muwaadiniinteeda iyo maraakiibteeda, isla markaana ay sii adkeyn doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda in madax-furasho laga bixiyay sii deynta markabka iyo in kale. Horey, kooxaha burcad-badeedda ah ee qabsaday markabkan ayaa la sheegay inay dalbadeen lacago madax-furasho oo gaaraya dhowr milyan oo doollar.

Dhanka kale, warbixino soo baxay sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan 2025 illaa 2026, ayaa muujinaya in qaar ka mid ah maraakiibta jiriifka ee Shiinaha ay si weyn u xaalufinayaan kheyraadka badda Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin kalluumeysi sharci-darro ah oo saameyn ku yeeshay nolol-maalmeedka kalluumeysatada maxalliga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip