HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 2-MARCH-2026

0
Monday March 02, 2026 - 07:00:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 2-MARCH-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Axmed Cabdalla Maxamed, oo caawa ku geeriyooday gobolka Minnesota ee dalka Maraykan ka.

Danjire Axmed wuxuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo si sharaf iyo hufnaan leh ugu adeegay Jamhuuriyadda Soo maaliya, isagoo xilal diblomaasiyadeed ka soo qabtay dalalka Tunisia, Aljeeriya, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan muddadii uu ka howlgalayay magaalada Riyadh. Intii uu ku jiray waayihiisa shaqo, wuxuu door muuqda ka qaatay xoojinta joogitaanka diblomaa siyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta xiriirrada laba geesoodka ah ee dalkee nna la leeyahay waddamadaas.

Waxaa si weyn loogu xusuusan doonaa daacadnimadiisa, xikmaddiisa, iyo u heellanaantiisa adeegga dadweynaha.

Ka hor intii uusan ku biirin mihnadda diblomaasiyadda, wuxuu ahaa bare soo saaray jiilal badan oo Soomaaliyeed, si doo kalena wuxuu ahaa suxufi xirfad diisa ka bilaabay Qeybta Afka Carabiga ee Radio Muqdisho. Noloshiisa waxay astaan u ahayd u adeegidda aqoonta, qarannimada, iyo bulshada.

Geeridiisu waxay reebtay raad muuqda oo ka mid noqon doona taariikhda diblo maasiyadda Soomaaliyeed. Wuxuu ka tegay qoys ku suntan adeegga qaranka, oo uu ka mid yahay wiilkiisa Towfiiq Axmed Cabdalla, oo ka tirsanaa shaqaa laha qaranka Soomaaliyeed ee ka how lgalay Masar. Geeridiisa waxaa si qoto dheer uga tiiraanyoonaya bahda diblom aasiyadda, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba, iyo dhammaan intii la soo shaqeysay ama garanaysay.

Wasaaraddu waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku xilligan adag.

Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdawsana haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan intii ka tiiraanyeysan geeridiisa.

Ciidamada Xoogga Dalka oo la faray in ay ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliyeed Gen. Ibraahim Maxamed Max amuud ayaa faray dhammaan cutubya da kala duwan ee Ciidanka XDS in ay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka iyo taakuleynta shacabka ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxa -med Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Sa faaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooji nta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaani ga uga mahadceliyay taageerada joog tada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababar ka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Dif aaca ee Safaaradda Talyaaniga, Cap tain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an ta hay sii wadidda taageerada iyo iskaa shiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka ku matala dowlad goboleed yada Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Deni ayaa kulan wadata shi ah oo la sheegay in looga hadli doo no xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka dowladda Federaalka Soom aaliya ku casumay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka, kaas oo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha Maarso ka dhacaya Garowe.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoo be ayaa warqad uu u diray xildhibaa nada labada aqal ku matala Jubaland ku sheegay in ay ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo looga hadlayo xaala dda siyaasadeed ee dalka, kaas oo berri ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid xildhibaanada labada aqal ku matala Puntland iyo Jubaland ayaa shalay Muqdisho ka baxay, kuwaas oo u kala safray magaalooiynka Garowe iyo Kismaayo, waxaana ku jiray mudana yaal muxaafid ahaa oo hadda ku biiray mucaaradka.

Sidoo kale madaxweyne Deni oo dorraad dib ugu soo noqday xunta Puntland ee Garowe, waxaa la socday tiro xildhi baano ah oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arri maha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-He shiisiinta Mudane Cabdulqaadir Cali ayaa kormeer iyo la socodka heerka sha qada ku tagay dhismaha cusub ee xaru nta dhexe Wasaaradda Arrimaha Guda ha Federalka ah ee Degmada Boondhee re, kaasi oo ay soo gaba-gabagabowday dib u dhiskeeda.

Intii uu booqashada ku guda jiray Agaasi maha Guud waxuu warbixin faahfaah san ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya howsha dhamaystirka kuwaas oo si joogto ah ula socda heerka dhisma ha, baahiyada ay tahay in laga jawaabo si ugu dambeyn loogu guuro, Agaaai maha Guud ayaa ku bogaadiyey shaqa da socota isaga oo adkeeyey ahmiyad da in si degdeg lagu dhameystiro, loona qalabeeyo waxaa kale uu u mahadceli yey saxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay, weliba sii wada hirgelinta dhismahan.

Xarunta cusub ee Wasaaradda Arrima ha Gudaha Soomaaliya oo 35 sano burbursaneyd ayaa dib u howlgalinteeda waxay door weyn ka qaadan doontaa dardargelinta iyo tayeynta hawlaha Wasaaradda iyada oo fududeyn doonta isku-duwidda shaqada, kor u qaadi doonta hufnaanta maamulka, kana caawin doonta wasaaradda hirgelinta himilooyinkeeda iyo ujeeddooyinkeeda istiraatiijiyadeed, si adeegyo hufan oo wax ku ool ah loogu gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga Dalka oo oo daahfuray howlgalka cusub ee ” Howlgalka Hillaac”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray hawlgal cusub oo loogu magac daray "Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda deegaanno ka tirsan gobol ka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka, oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM ee Uganda iyo saaxiibbada caalamka, ayaa fulinaya hawlgallo lagu burburinayo saldhigyada muhiimka u ah Khawaarijta, laguna jarayo marinnada ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqya dooda gurracan, si loo wiiqo awooddoo da isla markaana loo sifeeyo haraadiga Khawaarijta ee dhagarta ka soo malee ga deegaannadaas, iyadoo la xaqiijinayo nabadda shacabka iyo amniga goobaha wax-soo-saarka muhiimka u ah dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurka Ciidanka Qaranka, kuwaas oo iyagoo gudanaya waajibka soonka go’aa nsaday in ay sii wadaan dadaalkooda lagu xoraynayo dalka argagixisada.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in "Hawlgalka Hillaac” uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro Khawaarijta caqabadda ku ah nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaa liya.

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israaiil ku qaadeen dalka Iiraan

Soomaaliya ayaa ka hadashay xaalad da degdegga ah ee Bariga Dhexe intii uu socday kulan gaar ah oo ay yee sheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya oo ku hadlaysay magaca saddexda dal ee loo yaqaan A3, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Dimuq raadiga ah ee Congo, Liberia iyo Soo maaliya, ayaa cambaaraysay weerarra da ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuli yeen gudaha Iiraan iyo jawaabta ka dam beysay ee Tehran ay ka dhigan yihiin koror halis ah oo colaadeed, taasoo khatar ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamka.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen Soomaaliya iyo labadan dal waxay ka digeen in xaaladdu isu beddesho rabsha do iyo aargoosi sababi karta xasillooni darro baahsan.

Sidoo kale, waxay cambaareeyeen weer arrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan lagu eede eyay inay ku qaaday dhulalka madax-bannaan ee Baxrayn, Kuwait, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraad ka Carabta, kuwaas oo geystay wax yeelo.

Waxay ku celiyeen in dhammaan dowla daha xubnaha ka ah Qaramada Midoo bay ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo mamnuu caya hanjabaadda ama adeegsiga xoog ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dal kale.

Soomaaliya iyo labada dal ee kale ee Afrika ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, loona ilaaliyo nabad da iyo xasilloonida, iyagoo adkeeyay inay weli ka go’an tahay ilaalinta mabaa di’da aasaasiga ah ee sharciga caalami ga ah iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka.

Muxuu Guddoomiyaha SoDMA ku soo arkay Cadaado?

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Maca lin Cabdulle, oo ay weheliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, isla markaana safar shaqo oo la xiriira gurmadka abaa raha ku maraya deegaannada Galmud ug, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Hay’adda waxuu kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Degmada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabs an xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada, wuxuuna ballan qaaday in Hay’addu sii xoojin doonto taageerada loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale, wafdiga uu hoggaaminayo Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u gudbay degmada Baxdo, hal kaas oo uu Guddiga Abaaraha Baxdo ku wareejiyay 100 Booyadood oo biyo ah si loo gaarsiiyo qoysaska nugul ee ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaa da.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo ku guda jira safarkiisa shaqo, ayaa qiimeyn iyo u kuurgalid ku sameeyay heerka ay abaartu u saameysay dadka xoolo-dhaqatada ah, si loo xoojiyo qorsheynta iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Xildhibaannada Jubaland ugu Baaqay Kulan Wadatashi ah oo ka Dhacaya Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Jubaland inay ka soo qeyb ga laan kulan wadatashi ah oo ka dhici doo na magaalada Kismaayo.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafii ska Madaxweynaha Jubaland, kuna taa riikheysan 1-ka Maarso 2026, ayaa lagu caddeeyay in kulankaasi diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira doorashoo yinka la filayo inay qabsoomaan sanad ka 2026.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo ismaan dhaafyo ku saabsan hannaanka doora shooyinka, iyadoo ay soo baxayaan walaacyo la xiriira suurtagalnimada in ay abuurmaan maamullo ama hannaan siyaasadeed oo isbarbar socda.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xildhi baannada ku boorriyay inay ka qeyb qaa taan dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo isku-duwidda, isla mark aana la isku waafajiyo mowqifyada ku aaddan masiirka siyaasadeed ee dalka iyo horumarinta Jubaland.

Kulanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid muhiim u ah mideynta aragtida mas’uu liyiinta ka soo jeeda Jubaland, si loo he lo talo mideysan oo ku wajahan mar xaladda siyaasadeed ee soo socota.

Safiirka aan deganeyn ee Botswana oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Danjiraha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa shalay warqadaha aqoonsiga Safiirni mo ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana Dr. Phenyo Butale.

Danjire Maxamed Sheekh ayaa Wasiirka Guddoonsiiyay nuqul kamid ah warqad aha aqoonsiga Safiirnimo ee Dalka Botswana, halkaas oo uu ka noqon doono Safiir aan daganeyn.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana ayuu Danjire Maxa -med Isaaq ku guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Dalkaas nuqul kamid ah Warqadaha Safiirnimo, Waxaana sidoo kale uu gaarsiiyay Wasiirka salaan uu ka waday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay.

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay wee rarradii Sabtidii lagu qaaday dalkaas.

Kuwaas waxaa ka mid ah:

Ayatollah Ali Khamenei, oo ahaa hoggaa miyaha sare ee Iiraan, kaas oo lagu dilay subaxnimadii Sabtida xafiiskiisa.

Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa werisay in madaxii ciidanka qalabka sida, Abdolrahim Mousavi, lagu dilay duqay mo xagga cirka ah.

Tehran ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada taliyaha Ilaalada Kacaanka, General Mohammad Pakpour.

Warbaahinta dawladda ayaa sidoo kale sheegtay in gabadhii Khamenei, wiil uu dhalay iyo wiil ay awoowe u tahay lagu dilay weerarkaas.

Ilo xog-ogaal ah oo xagga sirdoonka iyo milatariga ah ayaa u sheegay CBS News in guud ahaan qiyaastii 40 mas’ uul oo Iiraaniyiin ah lagu dilay weerarra daas

Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Dowladda Uganda ayaa Lt Col Nathan Akankunda u magacowday taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ku waas oo ku dhex yaala xerada Xalane ee Muqdisho, isagoo beddelay Col Peter Barigye oo xilka hayay.

Taliyaha cusub ayaa xilka kula wareeg -ay munaasabad ka dhacday Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu wareejiyay taliska cutubka United Nations Guard Unit (UNGU XI), isla markaana loo dhaariyay xilkiisa.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in cutubka baxay ay door muuqata ka qaateen sugidda amniga xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Mi doobay ee Muqdisho, taasoo sahashay in hay’addu si nabdoon ugu gudato waaj ibaadkeeda.

Zenenga ayaa xusay in muddadii ay shaqeynayeen aysan dhicin dhacdooyin amni oo waaweyn oo saameeyay xera da Qaramada Midoobay ee Xalane.

Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa feejignaanta iyo wada shaqe ynta ay la lahaayeen ciidamada howlga lka (AUSSOM).

Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Lt Gen Sam Kavuma, ayaa sheegay in cutubkii baxayay ay si buuxda u guteen waajibaadkooda, islamarkaana ay si sharaf leh u mataleen dalka Uganda.

Lt Col Barigye ayaa isaguna sheegay in ciidankiisu ay ku dadaaleen fulinta howlaha loo igmaday intii ay joogeen Soomaaliya.

Dhankiisa, taliyaha cusub Lt Col Akan -kunda ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono sugidda amniga xarumaha Qaramada Midoobay, isla markaana uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhex eysa taliska AUSSOM iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka.

 

Mareykanka iyo Israa’iil oo Duqeymo Kale ku Qaaday Iran Kadib Dilkii Khamenei

Xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay mar kale duqeymo culus ku qaadeen gudaha Iran, saacado un kadib markii la xaqiijiyay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in howlgalka militari uu ahaa mid lagu "baabi’inayo halista nidaam xagjir ah oo khatar ku ah amniga Mareykanka.” Wuxuu intaas ku daray in duqeymaha "culculus oo badhtilmaameed ah” ay sii socon doonaan toddobaadka oo dhan ama inta loo arko inay lagama maarmaan tahay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in weerarradii Sabtidii lagu dilay ku dhowaad 40 sarkaal oo sare oo Iraniyiin ah, oo uu ku jiro Khamenei. Subaxnimadii Axadda, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay markii ugu horreysay tan iyo bilowga duqeymaha ay beegsadeen badhtamaha Tehran, iyagoo ku tilmaamay howlgal ballaadjan oo lagu xaqiijinayo "gacan-sareynta hawada” iyo furista waddada caasimadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ku tilmaamay dilka Khamenei "ku dhawaaqis dagaal ka dhan ah Muslimiinta, gaar ahaan Shiicada caalamka.” Wuxuu sheegay in Iran ay u aragto aargoosi iyo raadinta caddaaladda inay tahay "waajib iyo xaq sharci ah,” isla markaana ay adeegsan doonto awooddeeda oo dhan si ay uga jawaabto weerarradaas.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen 27 saldhig oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ku kala yaalla Bariga Dhexe, iyo sidoo kale xarumo milatari oo Israa’iil ku leedahay Tel Aviv. Qaraxyo ayaa laga maqlay dalal ay ka mid yihiin Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarro lagu beegsaday dekedda ganacsiga ee Duqm ee dalka Cumaan iyo markab shidaal oo ku sugnaa xeebaha Cumaan, iyadoo ku tilshalayy tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanida Cumaan iyo kor u kac halis ah oo colaadeed.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa abuurtay cabsi laga qabo dagaal ballaadhan oo ku fida gobolka, iyadoo indhaha caalamka ay hadda ku jeedaan tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Tehran, Washington iyo Tel Aviv. Gobolka oo horeyba ugu jiray xaalad kacsan ayaa wajahaya marxalad cusub oo khatar ah kadib dilka hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa Iran.

Ugu Yaraan 9 Qof Oo Ku Geeriyooday Rabshado Lagaga Soo Horjeedo Weerarka Iran oo Pakistan ka dhacay

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriy ooday rabshado culus oo ka dhacay meel u dhow Qunsuliyadda Maraykanka ee ma gaalada Karachi ee Pakistan, kaddib mud aharaadyo xooggan oo ka dhashay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.

Sida ay baahisay Al Jazeera, boqolaal qof oo taageerayaal u ahaa Iran ayaa saa cadihii hore ee Axaddii isugu soo baxay afaafka hore ee qunsuliyadda, iyagoo isku dayay inay gudaha u galaan xarunta. Ciidamada ammaanka ayaa rasaas furay si ay u kala eryaan dadkii mudaharaa dayay, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan sagaal qof iyo dhaawaca tiro kale.

Dhakhtar ka tirsan isbitaalka rayidka ee Karachi ayaa xaqiijiyay in sagaalka meyd ah la keenay xarunta caafimaadka, halka dhaawacyada qaar lagu daweynayo xaala do kala duwan. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad dhaawac ah oo ay qaadeen shacab goob ta ku sugnaa, iyo kooxo isku dayaya inay jebiyaan albaabbada amniga ee qunsuli yadda ku taalla waddada Mai Kolachi.

Rabshaduhu kuma ekaan Karachi oo keli ya. Magaalada Skardu ee gobolka Gilgit-Baltistan, oo ay ku badan yihiin Shiicadu, mudaharaadayaal ayaa dab qabadsiiyay xafiis ay leedahay Qaramada Midoobay. Mas’uul u hadlay maamulka deegaanka ayaa sheegay in dhismaha la gubay, balse lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sidoo kale, magaalada Lahore, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bannaanka qunsuliyadda Maraykanka. Inkasta oo qaar ka mid ah mudaharaadayaashu isku dayeen inay waxyeelleeyaan albaabka amniga, haddana boolisku waxay ku guuleysteen inay kala diraan iyaga oo aan adeegsan xoog.

Mudaharaadyo la xidhiidha dilka Khame nei ayaa sidoo kale laga soo sheegay dal al kale sida Ciraaq, Morocco iyo Kashmir-ta Hindiya maamusho. Magaalada Baqda ad, taageerayaal Iran u janjeedha ayaa isugu soo baxay agagaarka Aagga Cagaa ran halkaas oo ay ku taallo safaaradda Maraykanka.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad weyn ay ka taagan tahay gobo lka, kaddib weerarro wadajir ah oo Marayk anka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran, kuwaas oo sababay dilka hoggaamiyihii sare ee dalkaas. Xaaladda Pakistan ayaa weli kac san, iyadoo la filayo dibadbaxyo kale inay ka dhacaan caasimadda Islamabad saaca daha soo socda.

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay, waa kuma?.

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda Iran.

Wararka rasmiga ah ee laga baahiyay The -ran ayaa sheegay in weerarka lagu beeg saday xarunta uu deganaa hoggaamiyuhu, isla markaana ay ku geeriyoodeen xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan gabar uu dhalay, wiil uu soddog u ahaa iyo gabar uu awoowe u ahaa.

Khamenei, oo 86 sano jir ahaa, wuxuu hoggaanka Iran hayay tan iyo 1989-kii kadib geeridii Ayatollah Ruhollah Khomeini. Kahor intii uusan noqon hoggaa miyaha ugu sarreeya, wuxuu soo noqday madaxweynaha Iran xilligii dagaalkii dhiigga badnaa ee Iran iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii.

Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoo geerida hoggaamiyaha ay dhalisay mur ugo iyo caro ballaaran.

Kadib weerarka, Iran ayaa bilaawday jaw aab militari oo xooggan, iyadoo gantaallo ku garaacaysa bartilmaameedyo ku yaalla dalalka Khaliijka Carabta. Wararka ayaa sheegaya in gantaallo lagu beegsaday goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo magaalooyin ay ka mid yihiin Abu Dhabi iyo Dubai, inkastoo qaar la qabtay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda.

Dalalka Khaliijka ayaa adkeeyay heegan ka amni, waxayna qaarkood xireen hawa dooda si ay uga hortagaan khataraha amni.

Xiisad gobolka ka sii daraysa Falanqeeya yaasha siyaasadda ayaa ka digaya in dilka Khamenei uu sii hurin karo colaadda Bariga Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo dagaal ballaaran oo ku fida gobolka. Inkastoo Iran aysan ku dhawaaqin joojinta dagaalka, jawaabaha militari ee degdegga ah ayaa muujinaya xaalad aad u kacsan.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee siyaasade ed ee gobolka sanadkan, iyadoo dunida oo dhan ay si dhow ula socoto xaaladda sii murugsan ee Bariga Dhexe.


Iiraan oo Xaqiijisay Geerida Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Cali Khamenei


Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geeri da Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Cali Khamenei, kadib markii warar hore oo ka yimid Maraykanka iyo Israa’iil ay she egeen in la dilay. Bayaan lagu baahiyay baraha rasmiga ah ee Khamenei ayaa la gu muujiyay in gudaha Iiraan laga aqba lay geeridiisa kadib dafiraadii hore.

Wararka xaqiijinaya dhimashada Khame nei ayaa hore uga soo baxay Israa'iil iyo Maraykanka iyada oo masuuliyiinta Iiraan ay markii hore beeniyeen sheega shooyinka geeridiisa, iyaga oo ku tilmaamay "dagaal nafsi ah” oo ka dhan ah Iiraan. Hase yeeshee, bayaan rasmi ah ayay hadda ku caddeeyeen in hog gaanka dalka uu aqoonsaday in Khamenei dhintay.

Khamenei ayaa talada Iiraan hayay tan iyo 1989, isaga oo ahaa hoggaamiye sare oo siyaasadeed iyo diimeed. Waxa uu kaalin muhiim ah ka qaatay go’aanada siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Iiraan, isaga oo ahaa qof udub dhexaad u ah hoggaanka dalka.

Geeridiisa ayaa la filayaa inay saamayn weyn ku yeelato qaab-dhismeedka hoggaanka Iiraan iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in arrintani ay keento isbeddelo siyaasadeed oo gudaha dalka ah iyo tartan ka dhex dhasha kuwa dhaxli doona hoggaanka.

Dastuurka Iiraan ayaa dhigaya in guddi ku meel gaadh ah oo ka kooban madaxweynaha, madaxa garsoorka iyo xubin ka tirsan Golaha Ilaalada Dastuurka uu la wareego awoodaha muhiimka ah ilaa la magacaabo hoggaamiye rasmi ah. Tani waxay noqon doontaa tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sidoo kale lagu badhtilmaameedsaday xarumo difaac iyo gantaallo oo ay Iiraan leedahay. Iiraan ayaa qaadday tallaabooyin rogaal celis ah, taasoo kordhinaysa khatarta dagaal ka dhex qarxi kara gobolka.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran oo isbeddelaysa, iyadoo caalamku si dhow ula socdo jawaabaha ka iman kara Tehran iyo Maraykanka. HOL waxa ay sii wadi doontaa in ay si joogto ah u soo tabiso wararka ugu dambeeyay iyo saameynta geeridan ku yeelan karto Bariga Dhexe.


Maraykanka oo shaaciyey in Iiraan dishay saddex askari oo ka tirsanaa ciidankiisa


Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan ayaa si weyn u sii xoogeysatay, kaddib weerarro isdaba joog ah oo labada dhinac shalay isku qaadeen, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana cabsi ka muujiyey amniga guud ee Bariga Dhexe.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyey in saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerarro Iiraan ka fulisay meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah, halka shan kale ay si daran u dhaawacmeen. Weerarradan ayaa daba socda hawlgallo ay si wadajir ah u qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lagu badhtilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, isla markaana lagu dilay Hoggaamiyihii Sare, Ayotullah Cali Khemanie.

Dhanka Israa’iil, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay gantaal Iiraan ku garaacday magaalada Beit Shemesh, taas oo noqotay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii dagaalku qarxay. Raiisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqeymaha ka socda Tehran aan weli la gaadhin awooddoodii ugu sarreysay, isaga oo ballanqaaday in maalmaha soo socda la sii xoojin doono.

Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay "si xoog leh u garaacayaan wadnaha Tehran”, isla markaana hawlgalku sii socon doono ilaa laga gaadhayo yoolalka milatari ee la dejiyey. Wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada Iiraan, isaga oo ku tilmaamay maalmahan kuwo "xanuun badan” oo ay Israa’iil ku jirto.

Gudaha Iiraan, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta cutub ilaalo xuduudeed ah oo joogay magaalada Mehran, oo ku dhow xadka Ciraaq. Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa ku eedeysay Maraykanka iyo waxa ay ugu yeedhay "maamulka Sahyuuniyadda” inay ka dambeeyaan weerarkaas.

Dhanka kale, shirkadda maraakiibta ee MSC ayaa ku dhawaaqday inay maraakiibteeda ka hawlgasha Gacanka Carabta ku amartay inay u gudbaan meelaha badbaadada, isla markaana ay hakisay dhammaan dalabyadii xamuulka ee ku wajahnaa Bariga Dhexe, iyada oo sabab uga dhigtay xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

Madaxda dalalka gobolka ayaa bilaabay wada-hadallo degdeg ah oo ku saabsan dajinta xaaladda. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa khadka telefoonka kaga wada hadlay saameynta colaaddan, iyaga oo carrabka ku adkeeyey in xal diblomaasiyadeed la raadiyo si looga hortago fiditaanka dagaalka.

Colaaddan cusub ayaa si toos ah u taabanaysa amniga caalamka iyo isu socodka ganacsiga badda, iyadoo khubaradu ka digayaan in haddii aan si degdeg ah loo dejin xiisadda, ay keeni karto qalalaase ballaadhan oo dhaqaale iyo mid amni




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip