
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 1-MARCH-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaan ka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka dooras hooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan dooras hooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.
Dhankooda, Madaxda Ururrada siyaasa dda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qayb galay, Ra’iisulwasaare Kuxigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane C/xakiim Maxamed Yuusuf.
Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Weerarrada Iiraan Ku Qaadday Dalalka Khaliijka
Somaliland ayaa si kulul u cambaara ysay weerarrada ay Iiraan ku qaadday dalal ka tirsan Khaliijka Carabta iyo Bariga Dhexe, iyada oo ku tilshalayy tallaabo gardarro ah oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Qoraal rasmi ah oo ay Wasaaradda Arri maha Dibedda Somaliland ku baahisay barta X - oo hore loogu aqoon jiray Twitter - ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda ula garab taagan tahay waddamada la beegsaday, isla markaana ay cambaaraynayso duqeymaha iyo gantaallada lagu weer aray.
Somaliland waxay si gaar ah u magacawday dalalka ay weerarradu saameeyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwayt, Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo Urdun.
"Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, waxayna si cad u diiddan tahay gardarradan aan sababta lahayn ee halista ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka" ayaa lagu yidhi qoraalka.
Iiraan ayaa la sheegay inay weerarro ku qaadday badi dalalka Carabta ee Khaliijka, kadib weerarkii shalay lagu beegsaday gudaha dalkeeda. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in tallaabooyinkaas ay ahaayeen jawaab ay kaga falcelinayso duqeymo lagu qaaday, taasoo si weyn u sii hurisay xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Dalalka la beegsaday ayaa dhankooda kordhiyey heeganka amni, iyaga oo qaarkood sheegay in nidaamyadooda difaaca gantaalladu hawada ku qabteen gantaallo la soo tuuray. Tallaabooyinkan is-daba-joogga ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaaddaasi ku fido guud ahaan gobolka, isla markaana ay khatar geliso nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyay adeegyada taargooyinka
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa si cad u beenisay wararka been abuurka ah ee maalmahan ku baahaya baraha bulshada iyo warbaahinta kale, kuwaas oo si khaldan ula xiriiray shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu siiso muwaa diniinta.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay in adeeg yada taargo-bixinta ay u socdaan si habsami leh, isla markaana aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid howlahaas.
asaaraddu waxay caddeysay in wararkan been abuurka ah ay yihiin kuwo si ula kac ah loo faafinayo, ujeeddadooduna tahay in lagu carqaladeeyo amarradii ka soo baxay Hay’adaha Amniga ee ku saabsanaa qaadashada iyo isticmaalka taargooyinka rasmiga ah ee gaadiidka.
Waxaa la sheegay in shakhsiyaad gaar ah lagu dhiirrigeliyo inay lacag ku faafiyaan wararkan, iyagoo u adeegaya danaha cadowga ummadda Sooma aliyeed, islamarkaana isku dayaya inay wiiqaan kalsoonida shacabka iyo fulinta awaamiirta sharciyeysan.
Wasaaradda ayaa war saxaafadee dkeedi ku xustay in xirashada taargooyin ka rasmiga ah ay muhiimad weyn u leedahay muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay kor u qaaddo amniga guud, fududeyso la socodka gaadiidka, isla markaana ka hortagto falalka amni-darro ee waxyeellada u geysan kara shacabka.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa caddey say inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka taagan gudaha Wasaaradda, isla markaana howlaha shaqo ay u socdaan si nidaamsan oo waafaqsan sharciga dalka.
"Wararka sheegaya khilaaf gudaha ah waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna doonayo in lagu jahawareeriyo bulshada" ayaa lagu sheegay warka wasaaradda kasoo baxay.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa ku baaqday in Hay’adaha Amniga ay si degdeg ah u baaraan shakhsiyaadka ku lugta leh faafinta wararkan been abuurka ah, isla markaana cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga iyo danaha qaranka loo horkeeno sharciga.
Geelle oo shaaciyay arrin xasaasi oo Mareykanka uusan kala tashan DF Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanka ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, isagoo ka digay in hawlgalada milateri ee la qaado iyadoo aan lagala tashan dalalka gobolka ay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah, isla markaana ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.
Dhaliishan oo ah mid dhif iyo naadir ah oo uu madaxweynuhu fagaare uga jeediyo xulafadiisa milateri ee ugu weyn, ayuu si gaar ah bartilmaameed uga dhigtay ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee Washington ee adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay joornaalka caanka ah ee qaaradda Afrika ka faallooda eeJeune Afrique, kaas oo la filayo in la daabaco bisha Maarso, ayuu hoggaamiyaha ruug-caddaaga ah ku eedeeyay Mareykanka inuu ku tiirsan yahay xog sirdoon oo khaldan iyo go’aanno laga soo minguuriyay meel ka baxsan gobolka.
Wuxuu xusay in ciidamada Mareykanku ay isticmaalaan xog-bixiyeyaal la siiyo lacag kuwaas oo sheega kaliya waxa ay doonayaan inay maqlaan, beddelkii ay la tashan lahaayeen dowladaha gobolka ee xog-ogaalka u ah xaaladda dhabta ah ee dhulka.
Sida ku cad qaybo ka mid ah wareys igaas, Madaxweyne Geelle ayaa yiri, Mareykanku ma fahamsana in fulinta duqeymo iyadoo aan lala tashan ama aan lagu wargelin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ee ay khuseyso, sida Jabuuti, ay tahay mid aan faa’iido lahayn.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay ololehan dhinaca cirka ah ee uu Mareykanku dardargeliyay. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu joornaalka u sheegay in gantaallo la rido iyadoo indhaha la isku qabanayo oo aan loo meel dayayn khasaaraha dhinaca rayidka ah ee ka dhalan kara, aysan marnaba xal ahayn.
Hadalladan kasoo yeeray madaxweyna ha ayaa Jabuuti ka dhigaya mid ka hor-imanaysa farriimaha rasmiga ah ee Washington. Taliska Milateriga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa inta badan sheega in hawlgaladooda ay ku fuliyaan wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan Dowladda Federaalka
Dhanka kale, dowladda Muqdisho ayaa hawlgaladan inta badan ku tilshalay kuwo iskaashi ah, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan 2026, mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanku lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, laguna bur-buriyay shixnado hub ah.
Dhaliishan kasoo yeertay Geelle ayaa ah mid xasaasiyad siyaasadeed leh marka la eego doorka laba-geesoodka ah ee Jabuuti ay ku leedahay amniga gobolka iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay reer Galbeedka.
Dalkan dhaca afaafka hore ee Badda Cas ayaa martigeliya xerada Camp Lemonnier, taas oo Ciidamada Badda Mareykanku ay ku tilmaamaan saldhigga kaliya ee rasmiga ah ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika, ahna xudun muhiim u ah taageeridda hawlgalada gobolka oo dhan.
Sidoo kale, Jabuuti ayaa si weyn uga dhex muuqata hawlgalada nabad-ilaalinta gobolka, iyadoo ciidamo ku darsata Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u beddelay hawlgalkii ATMIS kowdii bishii Janaayo.
Inkastoo Geelle uu ku doodayo in ciidamada gobolku ay ka xog-ogaalsan yihiin Mareykanka dhanka dhulka, falanqeeyayaasha milateriga ayaa farta ku fiiqaya is-khilaaf ka muuqda hab-dhaqanka Jabuuti. Milateriga Jabuuti ayaa tan iyo sanadkii 2022 adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo lagu farsameeyo dalka Turkiga.
In kasta oo Jabuuti ay nidaamkan u adeegsatay gudaha dalkeeda, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee kasoo jeeda qowmiyadda Canfarta (Afar) intii lagu jiray hawlgalo gudaha ah oo ka dhacay waqooyiga dalkaas, haddana way ka gaabsatay inay diyaaradahaas u adeegsato duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhaca xadka dalka deriska ah ee Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda, taliska AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya midna kama soo saarin jawaab degdeg ah oo ku aaddan hadalladan uu wareysiga ku bixiyay Madaxweyne Geelle.
Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu hawlgallo dagaal oo waaweyn uu ku qaaday Iiraan ,iyadoo Israa’iil ay sidoo kale sheegtay inay weerarro gantaallo ah la beegsatay dalkaas.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bilaabeen mowjaddii ugu horreeyay oo gantaallo aargoosi ah ku tuuray gudaha Israel iyo dalal kamid ah gobol ka sida Baxreyn ,Qadar ,Jordan ,Kuwai ,Imaaraadka Carabtat iyo Sacuudi carabiya.
Ciidanka Mareykanka ee jooga gobolka barigga Dhexe ayaa la galiyay heegan,halka shaqaalaha Safaaradda ee gobolka la geeyay goobo ammaan ah, iyadoo lagula taliyay in dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ay raadsadaan meelo gabbaad ah ilaa amar dambe.
Wakaaladaha wararka ayaa ku waramay in duqeyn lala beegsaday caasimadda Iran,halka sidoo kale duqeymo lagu fuliyay Woqooyiga Israel.
Weeraradaan ayaa imaanaya xilli ay socdeen wadahadal u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran,inkasto wadaxaajoodyadaasi ay barbar socdeen hanjabaado ku aadan in la weerari doono Dalka Iran
Dalka Sacuudiga,Qadar iyo kuwo kale ayaa cambaareeyay weerarada gantaalada ee Iran ku qaaday dalalka gobolka
Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha kala duwan, kuwaas oo si khaldan ula xiriiriyay shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.Gaar ahaan, wararka la xiriira bixinta taargooyinka gaadiidka, Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan adeeggaas. Adeegyada taargo-bixinta waxay u socdaan si habsami leh, mana jiraan wax hakad ah oo ku yimid.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in wararkan been abuurka ahi ay yihiin kuwo si ula kac ah loo faafinayo, ujeeddadooduna tahay in lagu carqaladeeyo amarkii ka soo baxay Hay’adaha Amniga ee ku saabsanaa qaadashada iyo ku xirnaanshaha taargooyinka rasmiga ah ee gaadiidka.
Waxaa xusid mudan in ay jiraan shakhsiyaad si gaar ah lacago loogu siinayo si ay u faafiyaan wararkan, iyagoo u adeegaya cadowga ummadda Soomaaliyeed isla markaana isku dayaya inay wiiqaan kalsoonida dadweynaha iyo fulinta awaamiirta sharciyeysan.
Wasaaraddu waxay sidoo kale caddey neysaa in xirashada taargada rasmiga ah ay dan weyn ugu jirto dhammaan mu waadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay xoojinayso amniga guud, fududey nayso la socodka gaadiidka, kana hortagayso falalka amni-darro ee lagu waxyeelleyn karo shacabka. Taargadu waa astaan sharciyeysan oo kaalin muhiim ah ka qaadata badqabka iyo ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta.
Intaa waxaa dheer, heer, Wasa Wasaar addu waxay si cad u shaacinaysaa inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka taagan gudaha Wasaaradda, islamarkaana how laha shaqo ay u socdaan si mideysan, nidaamsan, oo waafaqsan sharciga dalka. Wararka sheegaya khilaaf gudaha ah waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna doonayo in lagu jahawareeriyo bulshada.
Wasaaraddu waxay faraysaa Hay’adaha Amniga inay si degdeg ah dabagal ugu sameeyaan shakhsiyaadka ku lugta leh arrintan, isla markaana la horkeeno sharciga cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga iyo danaha qaranka.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin, ayna xogaha saxda ah ka qaataan warbaahinta rasmiga ah ee Wasaaradda
General Cabdullaahi Cali Caanood oo ku soo laabtay shaqada Militariga Somaliya
General Cabdullaahi Cali Caanood oo muddo dheer ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan shaqada ku soo laabtay, ka dib markii uu u yeeray Taliyaha Militariga Somaliya, General Ibraahim Maxamed Maxamuud.
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Arbacadii ka soo muuqday kulan uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Hoggaanka Hawlgelinta qaarkood.
Warbaahinta ayaa fahamsan in kulankan uu yahay kiisii ugu heerka sarreyay ee General Cabdullaahi Cali Caanood uu ka soo muuqdo, tan iyo bartamihii sanadkii 2024.
General Caanood oo markii ugu dambeysay ahaa Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xilkaasi laga qaaday 8-dii bishii May ee sanadkii 2024, markaas oo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu ku soo bedelay Abuukar Macalin Maxamuud, kaasoo illaa iyo hadda ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhi ga.
Ma cadda in Taliyaha Militariga Somal iya uu qorsheynayo in uu jego cusub u soo magacaabo General Caanood, ha yeeshee waxaa la ogyahay in Taliyuhu uu sarkaalkaasi ku ixtiraamo shaqadii uu qaranka u soo qabtay, isla-markaana uu la socdo in uu khibrad badan u leeyahay dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab, uuna ka mid yahay saraakiishii ugu horreysay ee militariga ee hoggaaminayay dagaaladii adkaa ee maleeshiyada Al Shabaab lagu la galay Gobolada Banaadir, Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, intii u dhaxeysay sanadihii 2010 illaa 2012.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in jananka xukuma Militariga Somaliya uu General Caanood u arko mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku wanaagsan qorista dhallinyarada loo qaadanayo in ay ku biiraan Ciidamada Qalabka Sida.
General Caanood ayaa ka soo hoos shaqeeyay janaraadii soo maamulay Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalada ugu adag la galay Al Shabaab, kuwaas oo laga xusi karo General Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon), General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), General Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa lagu tilmaamaa nin ay Soomaalinimada iyo dal jaceylku uu ku weyn yahay.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan macno la’aan shaqada ugu soo celin General Caanood, waxaase loo maleynaya in uu doonayo in khibraddiisa ciidan looga faa’iideeyo qaranka, maadaama uu weli dalku ku jiro dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta dowladnimada.
Tani ayaa imaneysa, xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay meel adag mareyso, isla-markaana ay Dowladda Federaalka qorsheynayso inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod.
Xigasho; Dhacdo
Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigeli say Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afu rka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Safaaradda.
Afurkan qiimaha badan ayaa waxaa ka soo qaybgalay danjireyaal kala duwan, masuuliyiin ka socday Dowladda Kenya, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo bangiyada, culumaa’udiin, aqoonyahan no, xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaali yeed ee Kenya, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahda warbaahinta.
Munaasabaddan afurka oo ku beegnayd Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ahayd mid lagu muujinayay wadajir, is-ixtiraam iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya, iyo sidoo kale bulshooyinka walaalaha ah ee labada dal.
Bisha Ramadaan, oo ah xilli lagu xoojiyo cibaadada, is milicsiga, naxariista iyo is garab istaagga bulshada, waxay xasuusinaysaa muhiimadda ay leedahay wadajirku. Wadajir u afuristu waa astaan muujinaysa midnimo iyo xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya dalalka iyo bulshada, gaar ahaan xilliyada barakeysan.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga mahadcelineysaa dhammaan martidii sharafta lahayd ee ka soo qayb gashay munaasabaddan, isla markaana nala wadaagtay fiidkan qiimaha badan. Safaaraddu waxay rajaynaysaa in bishan barakeysan ay sii xoojiso nabadda, isfahamka, deeqsinimada iyo wadajirka bulshada, ayna horseeddo iskaashi iyo xiriir sii kobca oo ka dhexeeya labada dal.
Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cab baas Araghchi ayaa sheegay in wadda nku uu isticmaali doono dhammaan awooddiisa ciidan ee uu xaqa u leeyahay inuu is difaaco.
War qoraal ah ayaa lagu sheegay in Araghchi uu taleefoon kula xiriiray dhiggiisa dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar, Kuwait, Baxreyn iyo Ciraaq, isagoo u sheegay in Iran ay adeegsan doonto "dhammaan awoodaheeda difaac iyo mid militari oo hoos imaanaya xuquuqda sharciga ah ee is-difaaca” si loo ilaaliyo sharafta Iran.
Araghchi wuxuu sidoo kale "xusuusina yaa” waddamadan "mas’uuliyadda ka saaran inay ka hortagaan si xun u istic maalka xarumahooda iyo dhulalkooda” ee Maraykanka iyo Israa’iil si ay u weeraraan, sida lagu sheegay bayaanka.
Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan
Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood ay la yeeshaan Pakistan, kadib markii iska horimaadyada xadka ay gaareen heer ay diyaaradaha dagaalka Pakistan duqeeyaan Kabul iyo Kandahar.
Afhayeenka dowladda Afghanistan (Zabihullah Mujahid) ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Taalibaan ay diyaar u yihiin wada-hadal si loo soo afjaro rabshadaha.
Jimcihii, wasiirka gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa ku dhawaaqay dagaal furan oo ka dhan ah Afghanistan. Labada dhinacba waxay sheegeen inay dileen tobannaan askari oo ka tirsanaa dhanka ale.
(Taalibaan ayaa beenisay eedeymaha sheegaya inay hooy siiyaan maleeshiyaad weerarro ka fuliya gudaha Pakistan, kuwaas oo bartilmaameedsada rayidka iyo askarta.)
Trump oo sheegay in hoggaamiyahii sare ee Iiraan la dilay, Xiisadda Bariga Dhexe oo meel halis ah gaartay
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in Hoggaamiya hii Sare ee Iiraan, Ayatullah Cali Khamenei, lagu dilay weerarro culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil.
Trump ayaa sheegay in duqeymahaasi sii socon doonaan toddobaadka oo dhan, isaga oo xusay in ujeeddada howlgalka milatari ay tahay in la afgambiyo xukuumadda Tehran. Dhanka Iiraan ayaa iyaduna sheegtay in hoggaankeeda sare ay "ammaan iyo nabad ku sugan yihiin.”
Wararka laga helayo gudaha Iiraan ayaa tilmaamaya in in ka badan 200 qof ay ku dhinteen weerarrada, sida ay baahiyeen warbaahinta dawladda. Isla waqtigaas, Iiraan ayaa qaaday weerarro aargoosi ah oo ku wajahan saldhigyada Marayka nka, Israa’iil iyo badhtilmaameedyo kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, taasoo gilgishay magaalooyin dadku ku badan yihiin, isla markaana hakad gelisay duulimaadyadii iyo dhoofinta shidaalka.
Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin wax askar Maraykan ah oo ku dhintay dagaalka ilaa hadda, hase yeeshee hay’adaha ammaanka sida Federal Bureau of Investigation ayaa sare u qaaday heeganka. Wasaaradda Arrimaha Diba dda ayaa muwaadiniinta Maraykanka ku wargelisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meel kasta oo ay joogaan.
Dhanka kale, dibadbaxyo ayaa ka dhacay bannaanka Aqalka Cad, halkaas oo dad badan ay ku cambaareeyeen weerarrada, iyaga oo ka digay in Maraykanku galo dagaal cusub. Haweenay asalkeedu Iiraani yahay oo u dhalatay Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegtay inay ka murugaysan tahay khasaaraha rayidka, gaar ahaan arday la sheegay inay ku dhinteen duqeyn lagu qaaday dugsi gabdho dhigtaan oo ku yaalla Tehran.
Xiisaddan cusub ayaa gobolka gelisay marxalad xasaasi ah, iyadoo hoggaamiyeyaasha caalamku ka cabsi qabaan in colaaddan ay isu beddesho dagaal baaxad leh oo saameeya guud ahaan Bariga Dhexe.
Madax sare oo ka tirsan Iran oo loo badinayo inay dagaalka ku dhinteen + Magacyada
Macluumaadka isa soo taraya ee laga helayo weerarka culus ee shalay lagu qaa day Iiraan ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha gaaray Tehran, waxaana la soo warinayaa in la la’yahay madax sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loo badinayo in ay dhinteen.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goordhow tebisay in la la’yahay Wasiirkii Difaaca Iiraan, Amir Nasirzadeh, iyo Taliyihii Ilaalada Kacaanka, Mohammad Pakpour, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dagaalka.
Dhanka kale, Iiraan ilaa iyo hadda ma sheegin war rasmi ah oo ku saabsan labada mas’uul ee ka midka ah madaxda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbaas Araghchi, oo goordhow la hadlay NBC News, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in ay nool yihiin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian.
"Ayatollah Cali Khamenei iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian way nool yihiin, inta aan ogahay. Dhammaan mas’uuliyiinta sare way nool yihiin, wax walbana waa hagaagsan yihiin,” ayuu yiri wasiirku.
Warar aan weli madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la beegsaday Cali Shamkhani, oo ah la-taliye sare oo dhanka amniga u qaabilsan Khamenei, waxaana ilo wareedyo ku dhow nidaamka Tehran ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo mas’uuliyiin siyaasadeed.
Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee Tasnim ayaa dhankeeda xaqiijisay in la duqeeyay goobo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha uu deggan yahay Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyuhu uusan ku sugnayn Tehran xilligii weerarku dhacayay, isla markaana horay loogu daadgureeyay goob ammaan ah.
Goor sii horreysay, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha ay ka fuliyeen Tehran ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah, isla markaana uu jiro khasaare ba’an oo gaaray Iiraan.
Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa hadda qiimeynaya natiijada weerarka, maadaama uu qaatay saacado badan lana beegsaday xarumo muhiim ah.
Si kastaba ha ahaatee, xogta dhabta ah waxa la ogaan karaa marka dagaalku dhammaado ama dhinacyadu qirtaan, waxaana weli sii soconaya duqeymaha labada dhinac, iyadoo dagaalkuna uu ku sii fidayo dalalka gobolka
Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalalka Pakistan, Afghanistan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan iska horimaadyadii hubeysnaa ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan askar iyo dad rayid ah.
Khamiistii, Afghanistan ayaa weerarro ka fulisay xadka Pakistan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jawaab u tahay duqeymo ay Ciidanka Cirka Pakistan ka fuliyeen gudaha Afghanistan Axaddii, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan. Islamabad ayaa sheegtay inay dishay 70 "argagixiso,” halka mas’uuliyiinta Afghanistan iyo Qaramada Midoobay ay soo sheegeen khasaarooyin rayid, arrintaas oo Pakistan ay beenisay.
Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah, Fidan ayaa la xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Afghanistan Amir Khan Muttaqi, Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Faisal bin Farhan, si loo dejiyo xaaladda.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Pakistan iyo Afghanistan.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay maleeshiyaad inay ka howlgalaan gudaha dhulka Afghanistan, arrintaas oo Kabul ay beenisay.
Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, markii ciidamada Afghanistan ay weerareen saldhigyo xuduudeed oo Pakistan leedahay, maalmo uun kadib markii Ciidanka Cirka Pakistan ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Afghanistan.
Türkiye iyo Qatar ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaatay dejinta xiisadda iyo gaarista xabbad-joojin u dhexeysa labada dal.
30-kii Oktoobar, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu sheegay in kulan lagu qabtay magaalada Istanbul ay ka qeybgaleen Türkiye, Qatar, Afghanistan iyo Pakistan, si loo xoojiyo xabbad-joojintii hore loogu gaaray magaalada Doha, taas oo ku timid dhexdhexaadinta Türkiye iyo Qatar.
Xigasho: anadolu agency.
Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya. February 28, 2026 Share
Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan ku gaaray in dhammaan ciidamadooda Uganda People’s Defence Force (UPDF) laga saaro Somalia muddo sanad gudihiis ah, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin caqabadaha soo noqnoqday ee haysta hawlgalka, gaar ahaan gabaabsiga dhaqaale.
Sida uu baahiyay wargeyska The Kampala Post oo soo xiganaya ilo sare oo milatari, go’aankan ayaa lagu gaaray kulan 24-kii Febraayo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe. Ilo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in haddii daneeyayaasha hawlgalka ay wax ka qaban waayaan caqabadaha dhaqaale iyo taageero la’aanta, ciidamada UPDF ay si buuxda uga baxayaan Soomaaliya.
Golaha Taliska Sare ee UPDF, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee dejisa istaraatiijiyadda iyo amniga milatariga, waxaa guddoomiya Madaxweynaha Uganda iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Yoweri Kaguta Museveni. Golaha waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha guud ee ciidamada Gen. Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiisha sare ee hoggaamiya qaybaha kala duwan ee ciidanka.
Uganda waxay door muhiim ah ka ciyaareysay nabadeynta Soomaaliya tan iyo markii ay ciidamadeeda ugu horreeya soo dirtay sanadkii 2007, xilli dalka uu wajahayay xaalad amni darro oo daran. Howlgalkii ay hormuudka ka noqotay Uganda ayaa markii dambe noqday African Union Mission in Somalia (AMISOM), kaas oo markii dambe isu beddelay African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) kadibna loo wareejiyay African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).
Mudadii ay joogeen Soomaaliya, ciidamada UPDF waxaa lagu amaanay doorkooda ku aaddan xasilinta dalka, dib u qabsashada magaalooyin muhiim ah oo ay ku jirto caasimadda Mogadishu, ilaalinta hay’adaha dowladda, tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.
Haddii go’aankan la dhaqan geliyo, wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa xaaladda amni iyo howlgalada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 1-MARCH-2026
.