HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 28-FEB-2026

0
Saturday February 28, 2026 - 07:00:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 28-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xasan oo shir xasaasi ah la yeeshay Shariif iyo siyaasiyiin kale

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada shir kula yeeshay koox siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur oo dhammaantood ah musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha, kana sooo jeeda Hawiye.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka ka taganarrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka, maadaama ay ka heshiin waayeen dowladda iyo mucaaradka.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa is-dhaafsadayaragtiyo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa hannaankaiyo waqtiga doorashada, iyadoo la raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ay gaaraan madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, saddexda musharrax oo isku beel yihiin madaxweynaha ayaa si hoose ‘ugu caqli celiyay’ wuxuuna kulankooda ubadnaa waano iyo wax isku sheegis, iyaga oo siiyay talooyin ku aadan xaaladda dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay, xilli ay todobaadkan ay fashilmeen wada-hadalladii u socday Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, ee a xiriiraygeeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka kadib doodo hareeyay shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Geelle oo si xun u bahdilay Cirro kadib aqoonsiga Israel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Jabuuti oo si weyn hoos ugu dhacay kadib aqoonsigii ay Israa’iil sheegtay inay siisay maamulkan.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay wargeyska Jeune Afrique ayaa ka digay khatarta ku duugan dhawaaqan, isaga oo sheegay in Israa’iil saldhig milatari laga siiyo Berbera ay halis ku tahay xasilloonida gobolka.

Geelle ayaa sheegay in xiriirka labada dhinac ee Jabuuti iyo Somaliland uu haatan yahay mid qabow, taas oo uu ula jeedo inuu xumaaday. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqsiyan uu diiday la hadalka Madaxweynaha Somaliland, oo marar dhowr ah soo wacay, isla markaana uusan rabin inuu la kulmo ama wax xiriir ah la yeesho haatan.

"Jabuuti ayaa diiday inay la kulanto ama telefoonka ka qabato Cabdiraxmaan Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duullimaadyadii u dhexeeyay Hargeysa iyo Jabuuti waa la hakiyay,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa dhaliilay aragtida hoggaanka Somaliland muddadii 34-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, taas oo uu ku tilmaamay mid ku qotonta in aqoonsi la helo qiime kasta ha ku kacdee.

Geelle ayaa ku dooday in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana ay haatan aragtidaasi dalka ku hoggaamisay dhinaca Israa’iil.

Si kastaba, dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka si adag uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyada oo arrintaas ku tilshalayy mid ka hor imanaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, qawaaniinta Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.

Jabuuti ayaa si naf-hurnimo leh arrintan ugala dagaal gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo sababtay in la waayo dal kale oo ku dhiirran xadgudub kan lamid ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka warbixiyay kulan u dhexeeyay Turkiga iyo dalalka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaasi looga arrinsaday guulaha laga gaaray xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Turkiga iyo wadamada Afrila oo ay ku jirto Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in kulankaasi si gaar ah looga hadlay siii ambaqaaididda howlaha lagu xoojinaayo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin dhinacyadaasi.

Mudane Daa’uud Aweys waxa uu caddeeyay in la isku afgartay dardargalinta nidaamka wadashaqeyneed ee lagama maarmaanka u ah xagga dibolomasiyadda iyo jiritaanka dalalka Afrika iyo Turkiga.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in si gaar ah looga hadlay Xirirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo kaalinta dalkaasi uu ka qaatay dowlad dhiska Somaaliya iyo samotabixinta dadka iyo dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac waxa uu isagoo ka faa’ideysanaaya kulankaasi dhexmarat Afrika iyo Turkiga uu ka mahadceliyay waxqabadka dowladda Turkiga ee ku asdan Soomaaliya,wuxuuna intaa raaciyay in shacabka dalkaasi iyo dowladdiisa ay u hayaan abaal weyn oo aan la iloobi doonin.

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo lagu soo dhoweeyay Jiddah

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa gaaray Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya,halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka qeybgali doona kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC,kaas oo looga hadlaayo qodobbo dhowr ah oo ay ku jiraan arrimaha Falastiin iyo kuw kale oo khuseeya danaha ururkaasi.

Mudane Cali Balcad waxaa Magaalada Jiddah ku soo dhoweeyay Qunsulka Soomaaliya ee Jiddah Dr.C/Weli Xirsi C/lle,Sii hayaha ergayga joogtada ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka C/Raxiin Cismaan Cilmi iyo xubno kale oo ka tirsan qunsuliyadda.

Turkiga oo saddex qodob kala hadlay madaxweynaha Puntland

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Muqdisho ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Maaamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay hoteelka uu Deni ka dagan yahay xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Bani’aadantinimada Soomaaliya.

Sidoo kale, kulankan oo ka qayb-galeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulkaas ayaa waxaa lagu soo qaaday xiisadda ka taagan hannaanka doorashooyinka, si xal loogu helo.

Saciid Deni ayaa haatan wada kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka, isaga oo xalay ay is arkeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo isna booqasho ugu tegay

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.

Waxaa kale oo kasii horreeyay kulan kaleoo Arbacadii dhex-maray Saciid Deni iyo Maxamed Farmaajo, kaas oo isna ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu jira Madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’u-diinka Somaliland, Waxa uu culimada ku ammaanay doorkii ay ka qaateen aqoonsigii ay Somaliland ka heshay Israa’iil

"Waxaan culimada uga mahad-naqayaa intii ictiraafka la helay kaalintii ay ku lahaayeen iyo sida ay uga jawaabeen dadkii diinta ku soo dhuumanayay ee sida khaldan u turjumayay,” ayaa uu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale baaq u diray dad ku dagaallamaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag.

Waxa kale oo uu culimada ugu baaqay in ay qayb ka qaataan gurmadka abaarta oo sida uu sheegay aan lagu fiirsan karin xukkumadda oo keliya.

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay gogol lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in toban bisha Abril uu fidin doono gogol ay ku sheegeen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, kaddib markii ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, isla markaana muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil, ay 10-ka Abril.

Warkan ayay Golaha Mustaqbalku ku sheegeen war -murtiyeed ka soo baxay shir ay ku qabsadeen Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo waxgarad ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

War murtiyeedka shirka ayaa lagu sheegay in warbixinno iyo caddeymo la horgeeyay ka qaybgalayaasha shirka ay muujinayaan habraac aan waafaqsanayn qodobka 134-aad ee Dastuurka, kaas oo qeexaya nidaamka wax-ka-beddelka dastuurka.

Goluhu wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.

Waxay sheegeen sidoo kale la sheegeen in in ka badan 50 xildhibaan si sharci-darro ah looga hor istaagay ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira mowqifkooda ku aaddan geeddi-socodka wax-ka-beddelka.

Golaha Mustaqbalka wuxuu sidoo kale ka hadlay muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda, taas oo ay sheegeen in ay caqabad ku tahay in dalka si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.

Golaha wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo dastuuradooda iyo mabaadi’da kala-soocidda awoodaha ee Dastuurka Federaalka.

Madaxweyne Deni: Golaha Wadatashigu waa in ay qabtaan doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaran in ay qabtaan doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay labo bilood iyo maalmo, in uusan diyaar u ahayn in dalka loo jiheeyo doorasho la isku raacsan yahay.

Deni ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo arrimo horseedi kara in mar dambe aanan la isku imaanin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo ka dalbaday in ay qaataan doorka badbaadinta dalka, ayna ka fogaadaan waqti lumis dambe.

"Haddii doorasho la galo, rajo ayaa la fishaa. Ilaahey waxaan ka baryayaa in uusan ummadda ku soo celin Xasan oo kale. In dowladnimada la naco ayaa halis loogu jiraa. Wax aan ummadda u sheegno ma garanayno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Deni wuxuu sheegay in labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ku howlan yihiin arrimo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka, isagoo xusay in arrimahaas aysan miro-dhal noqon doonin.

Wuxuu intaa ku daray in dowlad-goboleedyada ay wajahaan duruufo u baahan in si qoto dheer loo eego, isla markaana wuxuu sheegay in ay la kulmayaan cadaadis siyaasadeed oo ay Dowldda Federaalku ku hayso.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalladan ka jeediyay shirka Golaha Mustaqbalka oo shalay ka qabsoomay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu fashilmay wada-xaajood u dhexeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Jordan oo diiday in hawadooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran

Boqorka Jordan, Abdullah II ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in hawadooda lagaga duulo dalkaasi Iran, iyadoo ay meel adag mareyso xiisadda dagaal ee u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran.

Mareykanka ayaa si weyn ugu diyaargaroobay fara-gelin militari, oo ay suurtagal tahay in ciidamadiisu ay ku sameeyaan Iran, iyadoona uu Gobolka Bariga Dhexe ku soo daabulay ciidamadii iyo hubkii ugu badnaa, ka dib duulaankii Ciraaq.

Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan ayaa sheegay in dhulka iyo hawada dalkiisa aan loo isticmaali karin in laga furo fal kasta oo militari oo ka dhan ah Iran, isla-markaana ay qaadaan Mareykanka iyo Israel.

Wakaaladda Wararka Jordan ee Petra ayaa Arbacadii ku warantay in kulan uu Boqorku uu Ururka Saxafiyiinta Jordan kula yeeshay Magaalada Amman uu ka sheegay in Urdun aysan ogolaan doonin in lagu xadgudbo hawadeeda, isla-markaana aanay noqon doonin goob loo isticmaalo dagaal goboleed.

Hadalka Boqorka ayaa imanaya, ka dib markii Wargeyska The New York Times uu daabacay in ugu yaraan 60 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah uu Mareykanku geeyay saldhig ku yaala Bartamaha Jordan.

Wargeyska ayaa Jimcihii sheegay in in ka badan 60 diyaaradaha dagaalka oo Mareykanka leeyahay la geeyay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Muwaffaq Salti ee Gobolka Zarqa, isla-markaana ay Jordan xudun u noqon karto qorshaha Mareykanka ee duulaanka Iran.

Jordan iyo Mareykanka ayaa leh iskaashi difaac oo Ciidamada Mareykanka u ogolanaya in ay joogi karaan dalkaasi, inkastoo tani macnaheedu uusan ahayn in laga weerari karo Iran.

Trump oo u hanjabay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump oo qoraal ku shaaciyay bartiisa Truth Social ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah labada Xildhibaan ee sida wayn uga soo horjeedo Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, kadib dhacdadii qabsatay Golaha Congress-ka.

Trump ayaa labadaasi Xildhibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu xun ee golaha, isla markaana kharribaya Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku xadgubbeen sharciga, sidaas daraadeena ay dib ugu celinayaan dalalkii ay ka yimaadeen.

"Markaad eegto Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, oo xalay si aan la xakameyn karin ugu qaylinayay munaasabaddii quruxda badnayd ee State of the Union, iyadoo la ogyahay inay yihiin siyaasiyiin kharriban oo dalkeenna u xun, waa inaan dib ugu celinnaa halkii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Arbacadii hadallo deelqaaf ah si gaar ah ula beegsaday Ilhan Omar iyo bulshada Soomaalida xilli uu khudbad uu jeedinay Golaha Congress-ka, wuxuuna sheegay in ‘burcadbadeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka Minnesota, kadibna ay ka dhaceen 19 bilyan oo doolar.

Intaas kadib waxaa tallaabo geesinimo leh qaaday Ilhaan Cumar oo kulanka fadhisay, waxayna si deg-deg ah uga jawaabtay gefka uu Trump u gaystay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka, iyada oo ku qeylisay inuu beenaale madaxweynaha.

Arrintaas ayaa keentay in jawiga kulanka uu isbeddalo, isla markaana uu buuq ka dhashay meesha, kadib qaylada Ilhaan ee ka dhanka ah Trump oo isagu weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota.

HorayXildhibaan Ilhaan Cumar ayaa u sheegtay in hadallada kulul ee madaxweyne Trump la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in tallaabadan uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Inkastoo hadallada madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

Wasiirada Cadalada iyo ganacsiga XFS oo ka hadlay ilaalinta nidaamka sharci ee ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro laba dhinac ah oo ka socda wasaaradahaasi ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo aas-aas u noqda arrimaha ganacsiga dalka.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dejinta hannaan sharci oo ku aaddan xallinta murannada iyo khilaafaadka ganacsi iyo sameynta maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga.

Waxaa hoosta laga xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda qaadato doorka dhismaha maxkamadahaas iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono, halka Wasaaradda Ganacsiguna ay soo dhameystiri doonto xeerarka lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo ilaalintiisa.

Labada wasiir, waxa ay isla garteen in la magacaabo guddi howleed farsamo oo ka kooban labada Wasaaradood, si ay u diyaariyaan hanaankii lagu hirgelin lahaa arrimahaas.

Maraykanka oo Shaqaalaha Safaaraddiisa Israa’iil ku Wargeliyay in ay Degdeg u Baxaan, xilli la filayo in uu weeraro Iraan

Dowladda Maraykanka ayaa Jimcaha shalay si rasmi ah ugu wargelisay qaar ka mid ah shaqaalaha safaaraddeeda ku sugan Israa’iil in loo oggolaaday inay dalka ka baxaan, isla markaana cid kasta oo doonaysa inay dhoofto lagu adkeeyay inay sida ugu dhakhsaha badan u baxdo, iyadoo laga cabsi qabo in xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran isu beddesho iska horimaad millatari.

Farriintan ayaa ku timid email uu diray Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, kaas oo lagu sheegay in shaqaalaha doonaya inay baxaan ay "shalay” diyaariyaan safarkooda. Qoraalkaas ayaa lagu xusay in tallaabadan loo qaaday taxaddar dheeraad ah, kadib wada-xidhiidho iyo qiimeyn amni oo habeenkii oo dhan socotay oo lala yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

In kasta oo lagu celceliyay in aanay jirin sabab argagax loo sameeyo, haddana shaqaalaha ayaa lagu boorriyay inay qorshahooda safar hore u diyaarsadaan, maadaama la filayo in duulimaadyadu mashquul noqdaan haddii dad badani isku mar baxaan.

Go’aankan ayaa imanaya xilli uu fashil ku soo dhammaaday wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ee barnaamijka nukliyeerka Tehran. Wada-hadalladaas oo ka dhacay Geneva ayaan keenin wax heshiis muuqda ah, inkasta oo labada dhinac ay muujiyeen rajo taxaddar leh.

Madaxweyne Donald Trump ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kormeerayay diyaargarow ciidan oo ballaadhan oo Maraykanku ka wado Bariga Dhexe, taas oo noqotay tii ugu weynayd muddo tobannaan sano ah. Iiraan ayaa dhankeeda ku hanjabtay in haddii la soo weeraro ay beegsan doonto saldhigyada Maraykanka ee gobolka, arrintaas oo sii hurin karta colaad ka baxda xadka labada dal.

Safaaradda Maraykanka ee Qudus ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in shaqaalaha qaarkood iyo qoysaskooda loo oggolaaday inay si ikhtiyaari ah uga baxaan Israa’iil, iyadoo lagu sababeeyay "halis amni oo sii kordhaysa.” Tallaabadan weli ma gaadhin heer amar khasab ah oo lagu daadgureynayo dhammaan shaqaalaha, sida midkii laga fuliyay safaaradda Maraykanka ee Beirut toddobaadkan.

Dhanka kale, dalal kale ayaa iyaguna bilaabay inay kala baxaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe. Shiinaha ayaa muwaadiniintiisa uga digay anay u safaraan Iiraan, isla markaana ku boorriyay kuwa halkaas ku sugan inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.

Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ayaa durba bilaabay inay dib u eegaan duulimaadyadii ka bixi jiray Tel Aviv, taas oo muujinaysa heerka walaaca amni ee jira. Inkasta oo wareeggii saddexaad ee wada-hadallada lagu tilmaamay mid "wanaagsan” dhinaca diblomaasiyadda, haddana lama shaacin wax faahfaahin ah oo muujinaysa in la gaadhay heshiis wax ka beddeli kara xaaladda cakiran.

Waxaa la filayaa in wada-hadallada dib loo bilaabo toddobaadyada soo socda, kadib marka la tashiyo ka dhacaan caasimadaha labada dal, iyadoo kulammo farsamo lagu qaban doono Vienna. Xiisaddan sii xoogeysanaysa ayaa indhaha caalamka ku jeedisay Washington iyo Tehran, iyadoo laga war sugayo tallaabada xigta ee labada dhinac qaadi doonaan, taas oo go’aamin karta jihada amni ee Bariga Dhexe maalmaha soo socda.

Mareykanka oo ka digay xaaladda Israel, amarna ku bixiyay daadgureyn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa amartay in si degdeg ah loo soo daadgureeyo shaqaalaha dowladda Mareykanka, diblumaasiyiinta iyo qoysaskooda ee ku sugan Israa’iil, sababo la xiriira khataro amni oo isa soo taraya.

Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in xaaladda amni ay mar kasta ka sii dari karto, isla markaana si kedis ah loo xaddidi karo ama loo mamnuuci karo safarrada lagu tagayo qaybo ka mid ah Israa’iil, oo ay ku jirto magaalada qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Israa’iil ayaa si gaar ah loogu boorriyay inay dalka ka baxaan inta ay weli shaqeynayaan duullimaadyada ganacsiga, maadaama ay suurtagal tahay in xaaladdu si lama filaan ah isu beddesho.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujineyso cabsi laga qabo suurtagalnimada iska horimaad militari oo ka qarxa gobolka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin wax duullaan ah.

Iiraan ayaa dhankeeda hore u sheegtay inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo kaga timaadda Mareykanka, iyadoo ku hanjabtay inay beegsan doonto danaha Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka haddii la weeraro.

Si kastaba, tani waxay ka dhigan tahay in daqiiqad kasta uu bilaaban karo dagaal uu Mareykanku ku qaado Iiraan, iyadoo Washington hore uga digtay inay weerari doonto Tehran haddii wada-hadallada lala yeelanayo ay fashilmaan.


Imaaraadka Carabta oo isbeddel qarsoon ku sameeyey wejiga hoggaanka dalka


 


Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si dadban isbeddel ugu sameyneysa wejiyada hoggaanka ee kasoo muuqda saaxadda caalamka, iyadoo sare u qaadeysa muuqaalka madaxweyne ku-xigeenka dalkaas.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid looga gol-leeyahay in lagu weeciyo ama lagu yareeyo carada gobolka ee ka dhalatay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaas oo noqotay mid aad u dagaal badan, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Sheekh Maxamed bin Saayid, oo muddo dheer ahaa maskaxda ka dambeysa faragelinta milatari ee Imaaraadku ku leeyahay dalka dibaddiisa, ayaa bilihii u dambeeyay si weyn uga yaraaday fagaarayaasha iyo warbaahinta.

Beddelkiisa, Madaxweyne ku-xigeenka Sheekh Mansuur bin Saayid ayaa si joogto ah oo aan caadi ahayn uga soo muuqanaya warbaahinta dowladda, isagoo muujinaya shakhsiyad deggan oo diiradda saarta arrimaha gudaha.

Is-diidmada danaha Imaaraadka iyo Sacuudiga

Tallaabadan si farsameysan loo agaasimay ayaa imaneysa xilli Imaaraadku uu wajahayo is-maandhaaf iyo xiisad aan hore loo arag oo kala dhexeysa dalka ay deriska yihiin ee Sacuudi Carabiya. Khilaafkan ayaa salka ku haya is-diidmo dhanka danaha ah oo ku saabsan dalalka Yemen, Soomaaliya, Suudaan, iyo marinka istaraatiijiga ah ee Badda Cas.

Sida lagu xusay qiimeyn ay sameysay hay’adda sirdoonka iyo falanqaynta eeDark Box:

"Kala-duwanaanshiyahan waa mid si farsamaysan loo hindisay si tartiib-tartiib ah dib loogu qaabeeyo aragtida laga qabo Imaaraadka, gudaha iyo dibaddaba.”

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in istaraatiijiyaddan ay ujeedadeedu tahay in lagu qaboojiyo carada sii kordheysa ee Sacuudiga iyo dhaliilaha beesha caalamka, iyadoo aan wax isbeddel aasaasi ah lagu sameyneyn siyaasadaha xudunta u ah Abu Dhabi.

Xiriirka Abu Dhabi iyo Riyaad ayaa si weyn u qaboobay muddooyinkii dambe. Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ayaa si xooggan u riixaya xasiloonida gobolka si uu u xaqiijiyo mashaariicdiisa dhaqaale ee waawayn, waana aragti si weyn uga hor-imaanaysa taageerada Imaaraadku siiyo xoogagga wakiilada ah ee meelaha qaar:

Soomaaliya:Imaaraadka Carabta ayaa taageero xooggan siiya maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, wuxuuna soo agaasimay aqoonsigii ay Israa’iil siisay maamulkaas, taasi oo si weyn uga careysiisay Riyadh.

Suudaan:Imaaraadku waxa uu wajahayaa dhaliilo caalami ah oo ku aaddan inuu taageero milatari siiyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye, taasoo isku dhac ku ah dadaallada diblamaasiyadeed ee Riyaad ay ku baadi-goobeyso xal nabadeed.

Yemen:Labadan quwadood ee Khaliijka ayaa taageera garabyo isku haya awoodda. Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo uu taageero Imaaraadku ayaa inta badan carqaladeeya dowladda la aqoonsan yahay ee uu Sacuudigu taageero.

Hoos u gurashada xeeladeysan ee shaqsi da’ ah

In ka badan toban sano, Sheekh Maxamed ayaa ahaa wejiga aan muranka ka taagnayn ee awoodda Imaaraadka. Laga soo bilaabo 2014-kii isagoo ahaa hoggaamiyaha aan rasmiga aheyn ka hor inta uusan si rasmi ah xilka madaxweynaha ula wareegin 2022-kii, wuxuu horseeday siyaasad dibadeed oo horseedday in Imaaraadku faragelin ku sameeyo colaado ka socda Liibiya ilaa Yemen.

Si loo maareeyo cadaadiska ka dhashay siyaasadahaas, warbaahinta dowladda ayaa baraha bulshada ku daadisay muuqaallada Sheekh Mansuur. Madaxweyne ku-xigeenkan—oo caalami ahaan si weyn loogu yaqaano in uu yahay milkiilaha kooxda kubadda cagta ee Manchester City, balse ahaa shakhsi ka aamusan siyaasadda gudaha—ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2023-kii.

Wararka dhowaan la baahiyay ayaa muujinaya isagoo ku guda jira hawlmaalmeedka dowladda, ka qayb-galaya fadhiyada Golaha Qaranka, iyo martigelinta kulamada bulshada.

Dark Boxayaa ku tilshalayy Sheekh Mansuur inuu yahay "shakhsi difaac ah oo loogu talagalay inuu nuugo cadaadiska diblomaasiyadeed iyo inuu muujiyo sawir xasilooni ah. Tani waa isku day la doonayo in dalka lagu yeesho waji dabacsan oo la gaari karo, si loo yareeyo xiisadda Riyaad.

Siyaasadda dhabta ah vs aragtida la dhisayo

Inkastoo wajiyada fagaaraha isbeddeleen, khubarada ayaa tilmaamaya in aysan jirin xil-wareejin rasmi ah oo dhacday. Awoodda go’aan-qaadashada ee udub-dhexaadka ah ee Imaaraadka ayaa weli si adag ugu jirta gacanta Sheekh Maxamed bin Saayid.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in istaraatiijiyaddan ay xambaarsan tahay halis weyn:

Ficilka oo la qiimeeyo:Hoggaamiyeyaasha gobolka, gaar ahaan Riyaad, ayaa lagu wadaa in ay Imaaraadka ku qiimeeyaan ficiladooda dhabta ah ee fagaaraha dagaalka, ee aanay ku qiimeyn wejiyada kasoo muuqda warbaahinta rasmiga ah.

Aaminaadda oo lunta:Haddii aysan isbeddelin siyaasadaha horseedaya khilaafyada ka taagan Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, isbeddel muuqaal ah lagama yaabo inuu ku filnaado soo celinta kalsoonida.

Mad-madow gudaha ah:In sare loo qaado shakhsi, mid kalena uu hoos u dhaco, waxay gudaha dalkaas ka abuuri kartaa hubanti la’aan ku aaddan isku-xirnaanta hay’adaha dowladda.

In kasta oo aysan caddayn in dib-u-qaabeyntan jilicsan ay Imaaraadka ka saari karto duufaanta juquraafi-siyaasadeed ee uu haatan ku dhex jiro, istaraatiijiyaddani waxay si cad u muujinaysaa sida dhisidda sumcadda iyo muuqaalku ay ugu noqdeen aalado udub-dhexaad u ah hannaanka dowladnimo ee casriga ah ee waddamada Khaliijka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip