
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 25-FEB-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska boqortooyada Ingiriiska
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.
Intii kulanku socday, Madaxwaynaha Jam huuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wa da halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soo maaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbara shada iyo horumarinta bulshada.
Madaxwyanaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkee da ku aaddan u qareemidda arrimaha haw eenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.
Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madax waynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul ugu eedeyay Golaha Mustaqbalka Soomaali yeed ee ah inay carqaladeeyeen wadaha dalladii la xiriiray hanaanka doorashoo yinka dalka, kaddib markii ay mucaaradku ku dhawaaqeen in shirarkii u dambeeyay fashilmeen.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dowladda ay dadaal ba dan gelisay wada-hadallada, balse dhina ca mucaaradka ay muujiyeen niyad jab iyo carqalad joogto ah.
Wasiir Fiqi wuxuu ku dooday in mucaar adku ay marba shuruud cusub keenayeen, isla markaana ay ka caga-jiideen inay si toos ah uga qeyb galaan kulamada lagu qabtay Villa Soomaaliya, inkastoo, sida uu sheegay, laga aqbalay dalabyo ay ku doonayeen in kulamada lagu qabto hoteellada ku yaalla aagga Xalane.
"Laba wareeg oo wadahadal ah oo saa cado dheer qaatay ka dib, waxay ku kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ay hore u qorsheeyeen fashilinta shirka.
Hadalka ugu culus ee wasiirka ayaa ahaa mid uu ku barbar dhigay mucaaradka urur ka Al-Shabaab, isagoo yiri: "Sida afduubka Al-shabaab shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduub ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.”
Dowladda ayaa ku adkeysatay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho "qof iyo cod” ah, iyadoo ku tilshalayy mas’uuliyad qaran oo loo igmaday.
Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed weli si rasmi ah ugama ja waabin hadalka cusub ee wasiirka, inkas too hore ay u sheegeen in wadahadalladu ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Soomaaliya oo Mareykanka u soo jeedisay dib u cusboonaysiinta heshiis militari, kana hortagtay dalab ay dirtay Somaliland
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay Mareykanka u soo bandhigtay dib-u-cusboonaysiinta he shiis hore oo u oggolaanaya isticmaalka dekedaha iyo garoomada dalka ujeeddoo yin militari, iyadoo tallaabadan ay uga jaw aabeyso soo jeedin la mid ah oo ka timid Somaliland.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa shee gay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay leey ihiin iskaashi soo jireen ah, oo uu ka mid yahay heshiis la saxiixay sanadkii 1980-kii kaasoo Mareykanka u oggolaanayay adeegsiga dekedaha iyo garoomada Soo maaliya arrimo amni iyo militari.
"Dowladda Federaalka waxay dhawaan soo jeedisay in heshiiskaas dib loo cusboo naysiiyo, waana waddada saxda ah ee sharciyeysan ee iskaashi amni lagu mari karo,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.
Hadalka wasiiru-dowlaha ayaa yimid maa lin kadib markii mas’uul sare oo ka tirsan Somaliland uu sheegay in maamul kaasi diyaar u yahay inuu Mareykanka siiyo fursad uu ku heli karo macdanta iyo saldh igyo militari, taasoo qeyb ka ah dadaal ay ku ballaarinayaan xiriirkooda diblomaasi yadeed.
Dowladda Soomaaliya waxay Somaliland u aragtaa inay tahay qeyb ka mid ah dhu lkeeda, inkastoo Somaliland ay muddo dheer ku doodaysay gooni-isu-taag.
Dhinaca kale, dalal ay ka mid yihiin Turki ga, Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xoojinaya xiriirka militari ee ay la leeyihiin Soomaaliya, iyagoo ka duulaya muhiimadda istiraatiijiyadeed ee dalka oo ku yaalla marin muhiim ah oo laga galo Badda Cas, kana dhow Yemen halkaas oo ay Xuutiyiintu khatar ku hayaan maraakiib ta ganacsiga.
Sanadihii la soo dhaafay, Mareykanka wuxuu diiradda saarayay hawlgallo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan dagaal ka lagula jiro Al-Shabaab iyo dagaalyahan nada Daacish ee ku sugan Soomaaliya.
Warbixintan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa muujineysa tartan diblomaasiyadeed oo sii xoogeysa naya, iyadoo Soomaaliya ay ku adkeysan eyso in wixii iskaashi amni ah loo soo maro Dowladda Federaalka oo keliya.
Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas.
Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada Maxaas ee go bolka Hiiraan.
Duqaymaha ayaa lala eegtay xubno ka tir san maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay aagagga deg mada Maxaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday godad ay ku dhuumaaley sanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Waxaa jiro khasaare xooggan oo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo wara rku ay sheegayaan in weerarku uu ahaa mid xoogan oo si toos ah u beegsanayay dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan degmada.
Gobolka Hiiraan ayaa ka socda Guluf da gaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, kaasi oo la doonayo in looga saara dee gaanada ay ku sugan yihiin.
Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire Fatxudiin Cali Maxamed ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Astana mas’uuliyiin sare oo ka tirsan waaxda tamarta ee Kazakhstan, si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee ku saabsan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.
Kulamada waxaa ka mid ahaa la-kulanno uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee KazMunayGas, iyo Mudane Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuriyadda Kazakhstan.
Wadahadalladu waxay diiradda saareen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta gaar ahaan qeybta hore (upstream), taasoo muujinaysa dan wadajir ah oo ku aaddan dhisidda iskaashi faa’iido u leh labada dal. Dhinaca Kazakhstan ayaa muujiyay awooddooda farsamo ee xooggan, khibradda ballaaran ee ay u leeyihiin sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska (hydrocarbons), iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.
Intii lagu guda jiray kulamada, Safiir Fathudin Ali Mohamed ayaa soo bandhigay fursadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira shidaalka iyo gaaska dhulka (onshore) iyo badda (offshore), isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka si mas’uuliyad leh, dejinta hannaan sharci oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado caalami ah oo khibrad leh.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada sahminta juqraafiyeed (geological exploration) oo saldhig u ah iskaashi waqti dheer ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah sida helidda xogta seismic, falanqaynta xogta sare, iyo qaabaynta dhulka hoostiisa (subsurface modeling). Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda wareejinta aqoonta, kobcinta awoodda (capacity-building), iyo iskaashi farsamo si loo taageero horumar waara oo dhinaca tamarta ah.
Kulamada ayaa ku soo dhammaaday muujinta rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo in la sahmiyo waddooyin wax-ku-ool ah oo iskaashi oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, taasoo calaamad u ah tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.
Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Mudane Per Karlsson, oo ay weheliso Marwo Cecelia.
Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC), oo lagu dhisay taageerada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), ayaa haatan si buuxda u shaqeysa, waxayna door muuqda ka qaadaneysaa xoojinta isku-duwidda gurmadka degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka dalka, taas oo astaan u ah sida ay Dowladda Sweden uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga bulshada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Inta uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, horumarinta isku-duwidda heer qaran, hirgelinta tallaabooyinka ku saleysan saadaasha hore (anticipatory action), iyo sare u qaadidda awoodda hawlgallada degdegga ah.
Wafdiga ka socday Dowladda Sweden ayaa sidoo kale booqasho qiimeyn ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xarunta, iyagoo ku ammaanay Hay’adda SoDMA sida ay ugu diyaargarowday ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan abaarta ka jirta dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si gaar ah u bogaadiyay garab istaagga Dowladda Sweden ee la xiriira howlaha maareynta musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA),.
UK oo ku baaqday in Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay sii wadaan wada hadalada
Safaaradda Boqortooyada UK ee Muqdisho ayaa soo dhoweysay kulankii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka iyadoo sheegtay in kulanku yahay tallaabo wanaagsan inkastoo aan weli la gaarin is-afgarad rasmi ah.
Qoraal ay safaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in Boqortooyada Midowday, iyada oo la kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka, ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu xallinayo arrimaha taagan.
Waxay sidoo kale caddeysay inay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, kuna boorrisay inay muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan si wada-hadalladu u sii socdaan.
"Waxaan soo dhoweynaynaa kulanka u dhexeeya DFS iyo Mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho, inkastoo ay niyad-jab tahay in wali la gaarin is-afgarad, Boqortooyada Midowday (UK), iyadoo la kaashaneysa saxiibadeedi, waxay sii wadaa taageerada dadaallada lagu xallinayo arrimaha weli taagan, Waxaan la xiriirnaa dhammaan dhinacyada, waxaana ku boorrineynaa inay muujiyaan tanaasul isla markaana ay sii wadaan wada-hadalka”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Boqortooyada UK.
Khilaafka ugu weyn ayaa ku saabsan hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka, Mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in loo laabto doorasho dadban, isla markaana la dedejiyo doorashooyinka Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug muddo laba bilood gudaheedi, si loo helo jawi ku habboon doorashada heer federaal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in doorashada lagu qabto nidaamka qof iyo cod ah, isaga oo u arka tallaabo muhiim u ah hirgelinta dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.
DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku day ay sheegtay in mucaaradku ku doonayeen faragelin doorashooyinka qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soo maaliya ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay ka hor imaanayso dastuurka dalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in maamul lada la isku dayay in arrimahooda doora sho faragelin lagu sameeyo ay kala yihiin Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Gal beed.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay burburka wada-hadalladii Gola ha Mustaqbalka, iyadoo sheegtay in Gola ha ay ajandaha shirka ku soo dareen qod ob aan horay ugu jirin oo ku saabsan in ay talo ku yeeshaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Wasaaradda Arrimaha Gu daha ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid aan waafaqsanayn nidaamka dastuuriga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay hirgelinta doo rashooyin dadweyne oo ku dhisan nidaam ka qof iyo cod, iyadoo xustay in ilaalinta dastuurka iyo kala dambeynta doorashoo yinka ay muhiim u tahay xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.
Qoraalka ayaa waxaa ku jiray "Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshii yey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal-dastuuri ah iyo tixraac shar ci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Go laha Mustaqbalku ay talo toos ah ku yee shaan hannaanka iyo maamulka doora shooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka.”
Dowladdu, iyada oo ilaalinaysa ruuxda wada-xaajoodka iyo hannaanka sharciy eed ee lagu heshiiyey, waxay muujisay dulqaad, dabacsanaan iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo ajendihii hore loogu heshiiyey, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah. Waxaase nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, nuxur kii iyo ruuxdii wada-xaajoodyada labada maalmood socday, iyo kulamo-doceed yadii gogol-xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa geeddi-socodka wada-hadallada.
Shiinaha oo hub ka iibiyay Iran.
Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno ay soo saareen warbaahinno dibadeed oo sheeg ayey, in Iran ay heshay nidaamka gantaal lada difaaca cirka ee masaafada dheer ee HQ-9B oo ka yimid Shiinaha.
Warbaahinta ku hadasha afka Ingiriiska ee ku taal magaalada London ee Middle East Eye, ayaa 7-dii July 20125-kii soo warisay, iyadoo tixraacaysa sarkaal Carbeed oo aan la magacaabin oo sheegtay inuu helay xog muujinaysa, in nidaamyada gantaallada cirka ee ay soo saartay Shiinaha loo geeyay Iran, kadib markii la shaaciyey heshiiska hakinta weerarrada ee Iran iyo Israel 24-kii Juun, in Maraykanku iyo xulafadiisa Carabtu ay "ogaayeen” dadaallada difaaca cirka ee Tehran.
Si looga falceliyo warbixintaas, Safaar adda Shiinaha ee Tel Aviv ayaa u sheeg tay wargeyska Israel, Hayom, in waxa laga sheegay warbixinta uu yahay "mid aan sax ahayn.”
Safaaraddu waxay adkaysay in "Shiinuhu si adag uga soo horjeedo faafinta hubka wax dila iyo nidaamyadaas ba, isla markaana uu si joogto ah u xoojinayo awooddiisa la dagaallanka faafinta hubka.”
Israel Hayom ayaa soo xigtay hadalka Safaaradda Shiinaha oo leh, "Shiinuhu marnaba kama iibiyo hub waddamo ku hawlan dagaal, wuxuuna si adag u xakameeyaa dhoofinta waxyaabaha khuseeya hubka.
Anagoo ah xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Shiinuhu wuxuu qaataa hab feejigan oo mas’uuliyad ku saleysan marka la dhoofinayo saanad milatari.”
Si kastaba ha noqotee, marnaba lama daabicin bayaan rasmi ah oo ay ku jiraan weedhahan, oo ka soo baxay barta rasmiga ah ee safaaradda Shiinaha ama warbaahinta dowliga ah ee dalkaas.
Warbaahinta caalamka ayaa xiligaas si weyn u hadal-haysay wararka sheega ya ,in Iran dib u bilowday wadahadalladii ay ku doonaysay inay ku iibsato diyaa radaha dagaalka ee Shiinaha loona ya qaan J-10C, kuwaas oo indhaha dunida soo jiitay kadib markii ay si fiican uga soo muuqdeen isku dhacyadii u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya.
Wargeyska Tsingtao Daily ee ka soo baxa Hong Kong ayaa 27-kii Juun daabacay warbixin ku saleysan taariikhda arrintan, isagoo xusay in Shiinaha iyo Iran dhowr jeer ku guuldareysteen inay heshiis ka gaadhaan arrintan muddo 20 sano ah.
Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa bixisay jawaab guud oo aan magacaabin Iran, iyadoo sheegtay in "dowladda Beijing ay qaadatay mowqif taxaddar leh oo mas’uuliyad leh marka ay timaado iibinta agabka milatari ee dibadda,” ayna diyaar u tahay inay la wadaagto horumarka ay gaartay dhanka qalabka ciidamada dalal ka saaxiibka la ah, iyada oo door wax ku ool ah ka ciyaareysa nabadda iyo xasilloo nida gobolka iyo caalamkaba
Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni oo qors heysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Raage Ceelle ee gobol ka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah ololaha qaran ee socda, kaas oo lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta—lagu na xaqiijinayo badbaadada shacabka. Inta lagu guda jiray howlgalkan oo ay fuliyeen ururka 10-aad qeybta 1-aad Kumaandoos ka Gorgor ayaa lagu naafeeyey cadowga, wuxuuna ka dhacay tuullooyinka Daba-gaab iyo Xabaal-duub oo 20-km dhanka galbeedka ka xiga degmada Raagge-Ceelle.
Ciidamada xoogga dalka oo baaris dhe eraad ah sameeyey ayaa miino baaris iyo kormeer ku sameeeyey aagaga muhiimka ah wadooyinka shacabka isticmaalaan, sida uu sheegay abaanduulaha ururka 10-aad qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Laba xidigle Cabdikariim Rashiid.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wadaa howlgallo xooggan oo ka dhan kooxaha Khawaarijta, kuwaa sii so con doona ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.
Somaliland oo dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay maalgelisay dhallinyaro ka soo horjeeda aqoonsigeeda
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay, qaarna ay ku da ba jirto, shabakad ay ku eedaysay in ay maalgelisay dowladda Soomaaliya iyo do wlado kale oo shisheeye oo doonaya in ay bulshada ka hor keenaan aqoonsiga So maliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sa ndheere), ayaa sheegay in ay soo baxday koox dhallinyaro reer Somaliland ah oo dano shisheeye u adeegaya, kuwaasi oo raba in ay bulshada shaki ka geliyaan aqoonsiga.
"Markii aynu ictiraafka helnay, waxa aynu yeelanay cadow ka hor yimaadda ictiraa fka ay raadinaysay Somaliland. Golaha Wakiilladu go’aan bay soo saareen in ictiraafka Somaliland la is barbar taago, lana aqbali Karin cid kasta oo faragelisa," ayuu yidhi Wasiir Cabdalle Sandheere.
Waxa uu sheegay in ciidamada ammaan ka Somaliland ay gacanta ku dhigeen shabakad reer Somaliland ah oo dowlado shisheeye soo maalgelisay, kuwaasi oo loogu talogalay in ay kala qaybiyaan buls hada Somaliland isla markaana shaki gel iyaan aqoonsiga Somaliland.
"Ciidamada ammaanku iyaga oo maha dsan waxay qabteen shabakad la soo adeegsaday oo reer Somaliland ah, oo la soo maalgeliyay, waddamo shisheeye ka dambeeyaan, waxa ugu horreeya Xasan Sheekha maamula Muqdisho ee aan dhi nacna u dhaafin," ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa uu sheegay in dad ka mid ah la qabt ay, qaar lagu daba jiro, qaarna baadhitaan ku socdo, isaga oo xusay in la marin doo no sharciga ka dhashay go’aanka Gola yaasha Wakiillada iyo Wasiirrada oo go’a amiyay in tallaabo laga qaado cid kasta oo ka hor timaadda aqoonsiga Somaliland.
Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xidhan yi hiin shaadhadh kala duwan, qaar sheeg anaya xisbiyo mucaarad ah iyo qaar qabiil ku gabanaya, isaga oo ku hanjabay in ciidamada ammaanku aanay u dulqaadan doonin, tallaabo adag na laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa daraad xabsiga u taxaabay gabadh bara ha bulshada ku soo gasha magaca "Goo sha Isaaq", oo markii hore si weyn u taa geertay aqoonsiga, balse markii dambe sheegtay in xukuumaddu samaysay eex gudaha ah, iyada oo aqoonsiga ku tilmaan tay mid "nacdalan."
Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool.
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka doora shada ee uu shaaciyay Guddiga Doora shooyinka Qaranka, kaas oo lagu sheegay in doorashooyin laga qabanayo magaa looyinka Laascaanood, Xudun, Taleex, Buuhoodle iyo degmooyin kale oo ay Punt land ku tilshalayy in ay ka tirsan yihiin dhulkeeda.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaar adda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin cid awood u leh inay doorasho ka qabato deegaanadaas, maadaama ay weli si sharci ah uga mid yihiin Puntland. Puntland waxay ku dood day in tallaabadan ay tahay faragelin ka baxsan awoodda dowladda federaalka, isla markaana aysan waafaqsanayn nidaa mka federaalka ee dalka.
Sidoo kale, Puntland waxay arrintan ku tilshalayy kala qaybin bulsho iyo tallaabo khatar ku ah midnimada dadka deegaanka, iyadoo xustay in ay sii hurin karto khilaa faad hore u jiray. Waxa kale oo ay sheeg tay in jadwalkan doorasho uu si cad uga hor imanayo Dastuurka Federaalka Soo maaliya, gaar ahaan qodobada qeexaya awood-qaybsiga iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada.
Ugu dambeyn, Puntland waxay ugu baaq day dowladda federaalka iyo guddiga door ashooyinka in ay dib u eegaan go’aankan, isla markaana ay ka fogaadaan tallaa booyin hal dhinac ah oo dhaawici kara wa da-jirkii siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.
Puntland oo cambaaraysay jadwalka doorashada dowlad goboleedyada oo ay ku tilshalayy mid sharci darro ah
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si adag u cambaaraysay jadwal doo rasho oo uu soo saaray guddiga doora shooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya, kaas oo xalay shaaciyay jadwalka doora shada golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa la gu sheegay in guddiga uu ku daray jadwal kiisa degmada Galgodogob ee gobolka Mudug, halkaas oo ay hore uga dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland 25-kii May 2023. Sidoo kale.
Wasaaraddu waxay sheegtay in jadwalku uu ku jiro degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Cayn, kuwaas oo ay ku adkay satay inay dastuur ahaan ka mid yihiin Puntland.
Maamulka Puntland ayaa xusay in doora shooyinka goleyaasha deegaanka, Golaha Wakiillada iyo madaxtooyadu ay yihiin awoodo dastuuri ah oo u gaar ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, sida ku cad qodobka 120-aad ee Dastuur ka dalka.
Puntland waxay sheegtay in guddiga jad walka soo saaray uusan ku dhisnayn he shiis iyo sharci midna, isla markaana ay san aqoonsanayn jiritaankiisa. Waxay in taas ku dartay in guddigu aanu ka hawl geli karin dhulkeeda iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, in uu guddiga u adeegsanayo hurinta xiisado siyaasadeed, kala qaybin bulsho iyo wiiqitaanka nidaamka federaal ka
Si kasta ha ahaatee, guddiga doorashada Soomaaliya ayaa markii dambe degmada Galdogob ka saaray jadwalka doorashada iyagoo sheegay in ay si qaldan loogu soo daray jadwalka, ayna ka tirsan tahay Puntland.
Masar oo muujisay inay diyaar u tahay inay Itoobiya ka taageerto helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas
Masar ayaa diyaar u ah inay la shaqeyso xulafadeeda Afrika si ay uga caawiso Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto Badda Cas, haddii Addis Ababa ay muuji so dabacsanaan ku aaddan khilaafka biya ha, sida ay ilo ku sugan Qaahira oo xog ogaal u ah wada-tashiyada gaarka ah u sheegeen wargeyska The National.
Soo jeedintan ayaa toddobaadkii hore loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Sidoo kale waxaa loo diray Washington, halkaas oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu dhexdhexaadin ka dhex samaynayo khilaafka tobanka sano jirsaday ee ku saabsan saamiga biyaha Niilka ee Masar, kaddib markii Itoobiya ay dhistay biyo-xireen ku yaalla laanta ugu weyn webiga – Niilka Buluugga ah.
Soo jeedinta Masar waxa ku jira digniin aan si toos ah loo sheegin oo ah in Qaahi ra ay adeegsan doonto saameynteeda siyaasadeed iyo milatari ee ay ku leeda hay Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda ciidan badeed ee xooggan ee koonfurta Badda Cas, si ay uga hor istaagto Addis Ababa inay hesho dekedo ku yaalla dalalkaas haddii ay diido dalabka.
Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi ayaa soo dhaweeyay dalabka Trump ee dhexdh exaadinta khilaafka biyaha ee Masar iyo Itoobiya.
Ilo rasmi ah kama aysan hadlin Addis Aba ba ama Qaahira arrintaas, balse Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shir jaraa’id oo uu la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan intii uu booqa shada ku joogay Addis Ababa ku muujiyay baahida daran ee dalkiisu u qabo marin uu ku gaaro Badda Cas.
"Joogtaynta kobocayaga lama xaqiijin karo haddii qaran ka badan 130 milyan oo qof laga hor istaago marin badeed oo uu noqdo maxbuus juqraafiyeed,” ayuu yiri.
Soo jeedinta Masar waxay timid xilli Anka ra iyo Qaahira ay si degdeg ah u xooji nayaan xiriirkooda, iskaashi saameyn ku yeeshay Suudaan, halkaas oo ay ku taa geeraan Ciidanka Suudaan dagaalka ay kula jiraan RSF. Labada dal sidoo kale waxay xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliya, oo muran kala dhexeeyo Itoobiya.
Masar, oo leh in ka badan 108 milyan oo qof isla markaana ka mid ah dalalka ugu qalalan dunida, waxay u aragtaa Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) khatar jiritaan oo ku wajahan mustaqbalkeeda. Sanado badan ayay isku dayaysay inay Itoobiya ku qanciso heshiis sharciyeysan oo ku saabsan qaabka loo maamulayo biyo-xireenka si loo hubiyo qaybin caddaa lad ah xilliyada abaarta daba dheeraata.
Maamulka Waqooyi Bari oo si rasmi ah u shaacisayay in doorashooyinku ka dhacayaan deegaanadiisa
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaa lka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Gobol eedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qabsoomidda Doora shooyinka Goleyaasha Deegaanka, ku waas oo ay hoggaaminayso guddiga doo rashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka shalay ayaa lagu sheegay in wa saaraddu si buuxda u garab taagan tahay hirgelinta doorashooyinkaasi, iyada oo loo cuskanayo Qodobka 104-aad iyo Qodob ka 105-aad ee Dastuurka Dowlad Gobo leedka Waqooyi Bari, kuwaas oo qeexaya nidaamka, awoodda iyo habraaca doora shooyinka goleyaasha deegaanka.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in ay masuul ka tahay nidaaminta, kormee rka iyo hubinta in doorashooyinku u dha caan si waafaqsan Dastuurka Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 47-aad, iyo sharciyada kale ee dalka u yaalla.
Maamulka Waqooyi Bari waxay sheegtay in ayna u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku noqda xuduudaha iyo masuuliyadda ka saaran maamul ahaan, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharci ah cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso doorashooyinka ama ku xadgudubto nidaamka dowladeed.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay ilaalinta daris-nimada, wada noolaanshaha iyo xasilloonida ka dhexey sa bulshada ku dhaqan deegaannada Waqooyi Bari iyo maamullada dariska la ah. Maamulka ayaa ugu baaqday hay’ adaha ay khusayso iyo shacabka inay dhowraan sharciga, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasilloonida.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gu daha ee Waqooyi Bari waxay mar kale ku celisay in ilaalinta nabadda, sharciga iyo daris-nimadu ay yihiin mudnaanta koo waad, iyada oo ku boorrisay guddiga Door ashooyinka inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruu cda dal ka.
Maamul Goboleedka Puntland ee Soo maaliya, oo ay dowlada Federaalka isku maan dhaafsanyihiin arrimaha doorashoo yinka, isla markaana sheegta in deegaa nada Sool iyo Sanaag ay isaga hoos yimaadaan ayaa kaasoo horjeeda in doorashooyinka laga qabto deegaanadaas.
Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arr imaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Hes hiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u soo dhoweysay jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan iyo Soohdimaha Qaranka, isla markaana ay u aragto mid waafaqsan hannaanka di muqraadiyadeed ee dalka.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in hirgelinta doorashooyin ku qabsooma jawi nabadgelyo leh, xor ah oo hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaa sadeed iyo dhismaha hay’adaha qaranka. Sidaas awgeed, waxay ugu baaqday dha mmaan dhinacyada siyaasadda in ay ixti raamaan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay gacan ka geystaan qab soomidda doorashooyin ku dhisan nidaam ka qaran.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay digniin u dirtay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Puntland ee ku kacaya hadallo ama falal loo arko faragelin ama xadgudub ku saabsan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iya doo xustay in arrimaha la xiriira doorashoo yinka ay yihiin kuwo u gaar ah hay’adaha sharciyeysan ee loo igmaday fulintooda.
Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku baaqday wada-shaqeyn, is-ixtiraam, xasillooni iyo ilaalinta midnimada bulshada, si geeddi-socodka doorashooyinku ugu qabsoomo si nabdoon, hufan, isla markaana ay u muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo mas’ uuliyad qaran.


0 


HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 25-FEB-2026
.