
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 24-FEB-2026
Madaxweynaha JFS oo mar kale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Alshabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadaan awgiis, markale cafis u fidiyay dhallinyara da la qalday ee ka tirsan Alshabaab, had dii ay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dib ugu soo laabtaan dadkooda iyo dal kooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlad da ay diyaar u tahay inay cafis siiso dhallin yarada la marin-habaabiyay, isla markaa na loo abuuri doono nolol cusub iyo fursa do ay dib ugu dhisan karaan mustaqbal kooda, si ay uga mid noqdaan bulshada inteeda kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhallinyaradaasi, isaga oo yiri:
"Waxaan baaq u dirayaa dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ka tirsan Alshabaab. Waxaad tihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qalday. Dowladda idinlama rabto ina ad ku dhammaataan jid qaldan. Waxaan rabnaa inaad badbaaddaan, nolol dhisa taan, nabad ku noolaataan, dadkiinna ka mid noqotaan, kana shaqeysaan wanaag ga iyo horumarka dalka iyo dadka.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Bisha Ramadaan ay tahay bil naxariis, cafis iyo isu-soo noqosho, isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo qof walba ku sixi karo khaladaadkii hore, si uu ugu laabto jidka toosan iyo nolol sharaf leh.
Guddoomiyaha SODMA oo qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Ma siibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (So DMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdu lle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuur.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooji nta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista degde gga ah ee musiibooyinka, dhisidda adkey siga bulshada, iyo horumarinta nidaamy ada digniinta hore. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo falanqaynta Nidaamka Kala Saarista Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC).
WFP ayaa intaa ku dartay soo bandhigista Qorshaheeda Istaraatiijiyadda Dalka ee 2026–2028, kaas oo la jaanqaadaya qor shayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wada hadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoo dkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.
War-saxaafadeed muddo la sugayay oo ay soo saareen Golaha ayaa lagu shee gay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Goluhu wuxuu sheegay inuu wadahadalka ku galay niyad wanaag, isaga oo doonay ay in xal looga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka sida abaaraha, culaysyada dha qaale, kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalka doorashooyinka.
Waxay sidoo kale adkeeyeen inay diyaar u ahaayeen tanaasul kasta oo horseedi ka ra xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qa ran.
Si kastaba, Golaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay sii waddo wax ka beddel hal dhinac ah oo lagu samey nayo Dastuurka, isla markaana ay cadaa dis iyo cabsi gelin ku hayso xildhibaano iyo xubno mucaarad ah. Waxay sheegeen in arrimahaasi ay wiiqeen kalsoonidii wada hadalka.
Qodobada ugu waaweyn ee lagu kala aragti duwanaaday ayaa waxaa ka mid ah:
Golaha oo ku adkaystay in Dastuurka 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, wax ka beddelkiisuna u baahan yahay he shiis qaran oo loo dhan yahay, halka Dowl adda ay ku adkaysatay inay sii waddo isbe ddelka.
Golaha oo dalbaday in doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah loo qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo nidaamka federaalka, halka Dowladda ay doonayso in doorashooyinkaas lagu salee yo dastuur wax laga beddelay oo hoos yimaada guddiga federaalka.
Soo jeedinta Golaha ee ahayd in ka hor 14-ka Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo cad oo ku saabsan jadwalka iyo han naanka doorashada Baarlamaanka Feder aalka, si loo xaqiijiyo doorasho ku dhacda muddada dastuuriga ah, halka Dowladda ay ku ekaatay talo bixin aan lahayn awood go’aan.
Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu san aqbali doonin wax ka beddel dastuur oo hal dhinac ah, doorasho lagu shubto ama muddo kororsi, isagoo sheegay inuu u taagan yahay difaaca dastuurka, nidaam ka federaalka iyo doorasho heshiis lagu yahay.
Sidoo kale, Golaha ayaa muujiyay inuu we li diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo la gu gaaro heshiis siyaasadeed ka hor dhammaadka muddo xileedyada dastuur iga ah, si looga hortago firaaq dastuuri ah iyo kala qaybsanaan dalka ku timaada.
Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerar rada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nige ria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.
Soomaaliya waxay garab istaag u muujin eysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuu riyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeyna ysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dham maan dadka la afduubtay, waxayna taag eeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doo nayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.
Qaaradda Afrika waa inay midnimo ku wajahdaa argagixisada isla markaana mudnaanta siisaa ilaalinta rayidka.
Wasiir Daa’uud Aweys oo Shaaciyay in 17 Hoggaamiye Al-Shabaab ah la Dilay Lixdii Bilood ee ugu Dambeeyay
Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in 17 ka mid ah waxa uu ku tilmaamay "hoggaamiyeyaasha” kooxda Al-Shabaab la "cirib tiray” lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Qoraal uu wasiirku ku baahiyay barta X, ayuu ku xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay sii wadidda dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee ka tanaasula rabshadaha kuna biira barnaamijyada dhaqan-celinta ay heli doonaan cafis, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo is-dhiibidda.
Tan iyo bishii July ee sanadkii hore, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibo kale oo caalami ah, ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waa meelaha ay hadda isku baacsanayaan ciidamada Dowladda iyo Kooxda Al shabaab, waxaana Dowladda ay damacsantahay inay dhulka ay meelahaani kaga harsan yihiin inay kusoo dhacaan gacanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah wakiilka boqorka (Governor-General) dalka Australia.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia.
Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa:
* Muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.
* Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro koboc iyo horumar waara.
* Fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta Visa on Arrival ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.
* Doorka muhiimka ah ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ay ka qaadan karto sidii ay u noqon lahayd buundo isku xirta labada dal.
Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Tani waa dhacdo taariikhi ah taas oo lagu xoojinayo xiriirka Dowlaha Australia iyo Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib muddo laba toddobaad ah oo uu ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee wada-hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wadahadalladaas ayaa lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac ay fashilmeen kadib markii aan la isku raacin qodobada la isku mari waayay, isla markaana aysan muuqan tanaasul labada dhinac midkoodna.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro doorashooyinka goleyaasha deegaanka, gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in marka hore la qabto doorashooyinka maamuladaas, ka dibna laga wada hadlo doorashada heer federaal, si loo helo hannaan lagu wada qanacsan yahay.
Tagitaanka Axmed Madoobe ayaa loo arkaa mid muujinaya in dhinaca mucaaradka ay si rasmi ah uga baxeen wadahadalladii, inkastoo saacadihii la soo dhaafay xubno ka tirsan beesha caalamka ay dadaallo waan-waan ah ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, si loo badbaadiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb
wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Ayub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.
Wafdiga Wasiirka oo ka kooban hawlwadeennada Wasaaradda, masuuliyiinta mashaariicda, khubaro iyo la-taliyeyaal farsamo, Galmudug. Masuuliyiinta soo dhaweynta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Wasiirka ayaa dhagax-dhigi doona dhismaha waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Cadaado. Mashruucan oo ay maamusho hay’adda RIPS, kana hoos shaqeysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.
Wasaaradda Hawlaha Guud, oo masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda qaran ee dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ayaa sii xoojin doonta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dalka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.
Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka.
War ka soo baxay Safaaradda Mareykan ka ee Muqdisho ayaa waxaa loogu baa qay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sii wadaan wadahadalka iyo tanaasulka siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay in wa da-hadalku uu muhiim u yahay xasillooni da dalka.
"Wadahadalka iyo tanaasulka waa arrimo adag, balse waa lama huraan. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soo maaliya inay sii wadaan raadinta is-afga rad. Geeddi-socod siyaasadeed oo midey san oo Soomaaliyeed wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowlad-dhiska, isla markaana hormariya mudnaanta Soomaali ya iyo tan beesha caalamka.”
Safaaraddu waxay sheegtay in wadahad alka iyo is-afgaradku ay adkaan karaan, balse ay yihiin kuwo lama huraan ah si loo gaaro xal waara. Waxay sidoo kale dhiirr igelisay hoggaanka Soomaaliya in ay sii xoojiyaan geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan.
Bayaan ka soo baxay safaaradda ayaa la gu xusay in hannaan siyaasadeed oo mid eysan uu ka hortagi karo argagixisada, xoojin karo dowlad-dhiska, isla markaana hormarin karo mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli dalka uu waj ahayo khilaafaad siyaasadeed oo u baa han wadahadal iyo is-afgarad si loo ilaali yo xasilloonida iyo horumarka.
Mareykanka oo farriin cad u Diray Hoggaanka Soomaaliya, Ismariwaaga Siyaasadeed oo Weli Taagan
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war adag kasoo saartay xaaladda si yaasadeed ee cakiran, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhe xeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Qoraal lagu daabacay bogga X ee safaara dda ayaa lagu yiri: "Wada-hadalka iyo ta naasulka waa adag yihiin laakiin lama hu raan, waxaana ku boorinaynaa hoggaanka Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas, Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan ayaa la dagaallama argagixisada, xoojiya maamulka, isla markaana horumar u horseeda Soomaaliya iyo beesha caalamka.”
Safaaradda ayaa si cad u muujisay in wada-hadalka iyo tanaasulka ay yihiin lama huraan, inkastoo ay adag yihiin, isla markaana ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Saacadihii hore ee saakay, hoggaamiyeya asha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulamo gaar ah oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta, kaddib burburkii wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ergo u diray Golaha, si loo sii wado wada-xaa joodyada loogana baaqsado in warbaahin ta loo shaaciyo is-afgaranwaaga jira, Erga daas ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda mucaaradka.
War-saxaafadeedka Mareykanka ayaa im aanaya xilli cadaadis gudaha iyo dibadeed ba uu sii kordhayo, iyadoo beesha caalam ka ay ka walaacsan tahay in khilaafka si yaasadeed uu dib u dhigo geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuu rka.
Israa’iil oo Somaliland ka caawinaysa tababarka shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in qaar ka mid ah sha qaalaheeda loo xulay inay ka qaybgalaan tababar heer sare ah oo la xidhiidha culu umta iyo maareynta biyaha, kaasi oo lagu qabanayo dalka Israa’iil.
Aqoonyahabkan ka socda Wakaalada Bi yaha ee Hargaysa, oo tiradooda lagu shee gay 25 qof ayaa shalay gaadhay magaa lada Talaviv ee cariga Israa'iil halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tir san dowlada Israa'iil.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa shee gtay in shaqaalahan la xulay ay leeyihiin khibrad sare oo si toos ah ula xidhiidha hawlaha muhiimka ah ee wakaaladda, isla markaana laga filayo inay si wax ku ool ah uga faa’iidaystaan tababarka.
Sidoo kale, wakaaladu waxay xustay in tababarkani door weyn ka qaadan doono horumarinta iyo tayaynta adeegyada biya ha ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan marka ay shaqaaluhu dib ugu soo laab taan Somaliland.
Dowladda Israa’iil ayaa lagu tilmaamaa tan ugu horumarsan xagga biyaha iyo bee raha ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Raysal Wasaare Netanyahu uu maalintii aqoonsiga Somaliland u ballanqaaday inuu si gaar ah uga taageeri doono arrima ha biyaha iyo beeraha.
Israa’iil ayaa noqotay dowladdii koowaad ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland da bayaaqadii sannadkii hore, waxaana la fila yaa inay galaan heshiisyo iskaashi oo dhi nacyo badan leh sida biyaha, wax-soo-saarka macdanta iyo shidaalka, tiknoolaji yada iyo kuwo kale, sida uu Madaxweyne Cirro sheegay.
Beesha Caalamka oo ka xumaatay natiijo la’aanta wada-hadalladii dowladda federaalka iyo golaha mustaqbalka
Howlgalka Qaramada Midoobay ee So omaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
UNTMIS oo ay weheliyaan saaxiibbada ca alamiga ah ayaa shalay kulan la yeeshay wakiillo sare oo ka kala socday labada dhinac, iyagoo ku boorriyay in la sii wado dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo waara.
Qoraal ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayso sida ay labada dhinac uga go’an tahay sii wadista wada-hadallada, ayna muhiim tahay in wadahadallada lagu sii amba-qaado niy ad-sami iyo tanaasul.
Ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swan, ayaa xusay in inkastoo aan heshiis laga gaarin qodobbadii la isku hayay, haddana ay rajo ka qabaan in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya dib isugu soo laab taan si loo gaaro heshiis qaran oo loo dhan yahay.
UNTMIS iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhinacya da inay ka hormariyaan danta guud ee dal ka, isla markaana ay sii wadaan wada-had allada si loo helo xal siyaasadeed oo waa ra.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa xa qiijiyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dowl adda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Qodobbada ugu waaweyn ee la isku mari waayay waxaa ka mid ah wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashoo yinka Dawlad-goboleedyada ee muddo-dhaafka ah.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ma aysan hadlin in wada hadaladu ay fa shilmeen.
Raysal wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay diyaar garow miltari oo ka dhan ah burcad badeedda iyo argigixisada
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay ga shay diyaar-garow milatari oo looga horta gayo burcad-badeednimada iyo argagixisa da laga bilaabo cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee Eritrea.
Raysal wasaare Abiy wuxuu sheegay in tababarrada milatari oo horay uga socday dhulka, buuraha iyo webiyada, hadda lagu daray howlgal badeed. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay la shaqeyn doonto "shucuub walaalo ah” si loo tirtiro argagixisada badda ee marin-biyoodka Badda Cas, loona xaqiijiyo horumar iyo barwaaqo goboleed.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya dhistay ciidan gaar ah oo heer sare ah, kuna qalabeysan tiknoolajiyad casri ah, awoodna u leh inay sameeyaan sahamin iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), weerarro ku qaadaan saldhigyo adag iyagoo adeegs anaya diyaaradaha is-qarxiya (kamikaze drones), isla markaana fuliyaan howlgallo degdeg ah oo ka dhaca goobaha istaraa tiijiga ah.
Wuxuu ku tilmaamay ciidankan mid loogu talagalay in uusan kaliya xoojinin ama soo gaabinin dagaalka marka loo baahdo, balse ugu horreyn ka hortaga dagaal iyo argagixiso ka dhacda Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, dal ka waxa uu dhisay ciidan xooggan oo lagu kalsoonaan karo oo awood u leh inuu si dhakhso leh u soo afjaro colaadaha haddii ay soo baxaan khataro, isaga oo carrabka ku adkeeyay in kordhinta awoodda milatari ay tahay mid looga gol leeyahay ka hor tagga xasillooni-darrada, balse aan ahayn mid hurinaysa.
Hadalka Abiy Axmed ayaa yimid, xilli xii sadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea ay cirka isku shareertay, sababa la xiriira da maca Addis Ababa ee marin biyoodka bad da cas.
Dhawaan, Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa oo ay ku nool yihiin 130 milyan uusan sii ahaan karin bad la'aan ama deked la'aan.
Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka
Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar Xasan Kobac ayaa shalay deegaanka Maroodile ka daah-fur tay wajiga labaad ee biyo-dhaamin gaaray sa 50 booyadood, kuwaas oo loogu talaga lay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Biyo-dhaamintan laga daah-furay Maroodi le ayaa waxaa ka faa’iideystay shacabka iyo xoolaha ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanka iyo tuulooyinka hoos yi maada, kuwaas oo si weyn ay u saam eysay abaarta daran ee ka jirta dalka.
Hey’addu waxay muddooyinkii dambe waday dadaallo biyo-dhaamin ah oo ay ka fulinaysay gobollada Hiiraan iyo Bakool, si qoysaska iyo duunyaduba u helaan biyo nadiif ah oo wax ka qabta baahida biyo la’aaneed ee ka dhalatay abaarta.
Madasha lagu daah-furayay wajiga labaad ee biyo-dhaaminta ayaa waxaa ka hadlay, kana mahadceliyay Sanatar Xasan Kobac, Sheekh Cabdullaahi, Sheekh Aadan, Nabadoon Maxamed Xasan Ibraahim iyo Barre Cali Dheere oo ka mid ah guddiga deegaanka Maroodile.
Ugu dambeyn, Ibraahim Cabdi Maxamed oo ku hadlayay afka Hey’adda Xasan Kobac Foundation ayaa sheegay in hay’ addu ay ka go’an tahay sii wadista dadaal lada biyo-dhaaminta iyo u gargaaridda dadka ay saameeyeen abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada.
Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadallo, balse ay iska difaaci doonto gardarrada Maraykanka
Dowladda Iiraan ayaa mar kale ku celi say inay diyaar u tahay xal diblomaasiya deed oo ku saabsan barnaamijkeeda nukli yeerka, hase yeeshee ay si adag isaga difaaci doonto haddii Maraykanku qaado tallaabo milatari.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibad da Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in weerar kasta oo uga yimaada Washin gton - xitaa haddii uu noqdo mid kooban - loo aqoonsan doono "fal gardarro ah” oo keeni doona jawaab waafaqsan xaqa is-difaaca. Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo weerar xaddidan haddii heshiis laga gaadhi waayo wada-hadallada nukli yeerka.
Wada-hadallo aan toos ahayn oo u dhex eeya labada dal ayaa la qorsheeyay inay ka qabsoomaan magaalada Geneva daba yaaqada toddobaadkan, iyadoo dhexdhe xaadin ay wado dowladda Cumaan. Iiraan iyo Maraykanka ayaa hore u yeeshay laba wareeg oo wadahadallo ah oo ka dhacay Switzerland iyo Cumaan, kuwaas oo la sheegay inay muujiyeen "calaamado dhiir rigelin leh”, sida uu sheegay Madaxwey naha Iiraan Masoud Pezeshkian.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo Maraykanku kordhiyay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe - tallaabo ay Tehran ku tilshalayy mid aan loo baahnayn isla markaana aan wax tar u lahayn hannaanka wadahadallada.
Baghaei ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in heshiis ku meel gaadh ah la gaadhay, isaga oo xusay in faahfaahinta wada-hadalladu ku ekaan doonto qolka gorgortanka. "Wadahadal kasta oo ku bilaabma culays iyo eex hore looma filan karo inuu miro dhalo,” ayuu yidhi.
Dhankiisa, Madaxweyne Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu uu weli ka go’an yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, balse uu diyaar u yahay xaalad kasta. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Iiraan ayna waligeed isu dhiibin cadaadis dibadeed, isla markaana ay ka shaqayn doonto danaha qarankeeda.
Wadahadalladan ayaa imanaya xilli gobolka uu wajahayo xaalad amni oo xasaasi ah, iyadoo isha lagu hayo natiijada ka soo baxda kulamada la filayo inay ka dhacaan Geneva, kuwaas oo go’aamin kara jihada cusub ee xidhiidhka Iiraan iyo Maraykanka.
Masiibo laga sii digay oo hadda laga soo sheegay Soomaaliya
Inta la ogyahay 5 qof ayaa gaajo iyo oon ugu geeriyoodey qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku habsatay abaar daba-dheeraatay.
Dadka dhintay oo sida la sheegay sedex ka mid ah ay carruur ahaayeen, ayaa ka soo kala jeeday qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan xero la yiraahdo Iftin oo ku taal degmada Baar dheere.
Nuunow Liibaan Xasan oo ah aabaha seddex da ilmood ayaa BBC-da u sheegay in carruurta ay soo food saartay gaajo iyo nafaqo-darro u nugleysey cudurro kala duwan, sida jadeeco iyo haragab.
Nuunow ayaa sheegay in abaaraha daba-dhee raaday dartood, ay dadweynaha barakacayaa sha ah oo u badan kuwo abaaro hore ku xoolo belay aysan haysan cunto iyo biyo ku filan in ay nolosha ku maafreeyaan.
"Markii hore dadkani waxay wax ka heli jireen hay'adaha gargaarka, sida WFP. Laakiin mud do afar bilood ah wax gargaar cunto ama taag eero kale ah lama helin", ayuu yiri Nuunow oo ka hadlayey daruufaha adag ee dhanka nolo sha ah ee la soo dersay barakacayaasha Baa rdheere.
Geerida Saddexdan carruurta ah iyo labo kale oo miyiga ku geeriyoodey ayaa waxaa xa qiijiyey Hay'adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo SOD-MA.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamud Macallin Cabdulle oo BBC-da la hadlay ayaa ka dayri yey xaaladda nafaqadarro ee ay wajahayaan qaar badan oo ka tirsan carruurta Soomaali yeed ee abaarahu saameeyeen.
"Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag oo ka dhal atay abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay, taas oo keentay in dad ka badan labo milyan oo qof ay cunto la'aan hayso, islamarkaana ay nafaqo darro baahsan ay jirto.
Xaaladdan abaareed oo camimtay guud ahaan gobolka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto ayaa ku soo beegantay xilli uu yaraaday gar gaarkii bini'aadamnimo ee laga heli jirey diba dda, ka dib markii dalka Mareykanka oo ahaa kan ugu gacanta weynaa deeq-bixiyeyaashu uu jeebka dhuuqsaday.
"Abaaruhu wey dhici jireen, laakiin waxaa noo ga sii daray adduunka oo goostay dhaqaalihii uu ku bixin jirey hawlaha samafalka, iyadoo dalalka qaar ay goosteen halka qaarka kalena si weyn u dhimeen", ayuu yiri Maxamud Mac allin oo si weyn uga dardaar weriyey xaaladda cunto yarida ee dalka ka jira.
"Abaartu waxay saameysay 74 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaas oo 44 degmo oo ka mid ah, kuna firirsan dalka oo idil, laga soo billaabo Saylac illaa Afmadow, ay ugu sii daran yihiin," ayuu yiri Guddoomiyaha Hay'ad da Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.
Waa dhimashadii ugu horreysey ee ka dhal atay abaaraha ku habsaday Soomaaliya oo in-dhawaalahan la xaqiijiyey, taas oo imaaneysa xilli ay soo baxayaan digniino isdabajoog ah oo ku aadden xaaladda bani'aadannimo ee Soomaaliya oo gaartey heer halis ah.
Soomaaliya ayaa waxaa wakhtigan ka jirta xaalad cunto yari aad u cakiran, taas oo saameyn weyn ku leh malaayiin qof, sida ay sheegtay hay'adda World Food Programme (WFP).
Laba xilli-roobaad oo gu' iyo dayr ahaa ayaan la helin roobkii la filayey, colaado iyo amni-darro baahsan ayaa weli taagan, waxaana kumannaan qof ay ka barakaceen guryahooda iyagoo raadinaya hoy, cunto iyo adeegyo aasaasi ah.
Ross Smith, Agaasimaha Qorsheynta Degdeg ga iyo Ka Jawaabista WFP, oo shalay ka had lay shir jaraa'id oo ka dhacay Geneva, ayaa sheegay in gargaarka cuntada iyo nafaqada ee WFP uu halis ugu jiro in uu istaago todd obaadyo gudahood haddii aan la helin maal gelin degdeg ah. "Dunidu waa inay u jeedsa taa malaayiinka haween, rag iyo carruur nugul ee ku dhibaataysan Soomaaliya. Nasiib darro, tani ma aha markii ugu horreysay ee aan xaaladdan wajahno," ayuu yidhi Smith.
WFP waxay muujisay in xogaha hadda la helay ay muujinayaan in xaaladdu ay sii xuma atay. "Qiyaastii rubuc ka mid ah dadka dalka ku nool – 4.4 milyan – ayaa wajahaya heerar macaluul ama ka sii daran (IPC3+)," ayuu Smith sheegay.
Masiibo laga sii digay oo hadda laga soo sheegay Soomaaliya
Inta la ogyahay 5 qof ayaa gaajo iyo oon ugu geeriyoodey qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku habsatay abaar daba-dheeraatay.
Dadka dhintay oo sida la sheegay sedex ka mid ah ay carruur ahaayeen, ayaa ka soo kala jeeday qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan xero la yiraahdo Iftin oo ku taal degmada Baar dheere.
Nuunow Liibaan Xasan oo ah aabaha seddex da ilmood ayaa BBC-da u sheegay in carruurta ay soo food saartay gaajo iyo nafaqo-darro u nugleysey cudurro kala duwan, sida jadeeco iyo haragab.
Nuunow ayaa sheegay in abaaraha daba-dhee raaday dartood, ay dadweynaha barakacay aasha ah oo u badan kuwo abaaro hore ku xoolo belay aysan haysan cunto iyo biyo ku filan in ay nolosha ku maafreeyaan.
"Markii hore dadkani waxay wax ka heli jireen hay'adaha gargaarka, sida WFP. Laakiin muddo afar bilood ah wax gargaar cunto ama taageero kale ah lama helin", ayuu yiri Nuu now oo ka hadlayey daruufaha adag ee dhan ka nolosha ah ee la soo dersay barakacay aasha Baardheere.
Geerida Saddexdan carruurta ah iyo labo kale oo miyiga ku geeriyoodey ayaa waxaa xaqiijiyey Hay'adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo SODMA.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamud Macallin Cabdulle oo BBC-da la hadlay ayaa ka dayriyey xaaladda nafaqadarro ee ay wajahayaan qaar badan oo ka tirsan carruurta Soomaaliyeed ee abaarahu saameeyeen.
"Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag oo ka dhalatay abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay, taas oo keentay in dad ka badan labo milyan oo qof ay cunto la'aan hayso, islamarkaana ay nafaqo darro baahsan ay jirto.
Xaaladdan abaareed oo camimtay guud ahaan gobolka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto ayaa ku soo beegantay xilli uu yaraaday gargaarkii bini'aadamnimo ee laga heli jirey dibadda, ka dib markii dalka Mareykanka oo ahaa kan ugu gacanta weynaa deeq-bixiyeyaashu uu jeebka dhuuqsaday.
"Abaaruhu wey dhici jireen, laakiin waxaa nooga sii daray adduunka oo goostay dhaqaalihii uu ku bixin jirey hawlaha samafalka, iyadoo dalalka qaar ay goosteen halka qaarka kalena si weyn u dhimeen", ayuu yiri Maxamud Macallin oo si weyn uga dardaar weriyey xaaladda cunto yarida ee dalka ka jira.
"Abaartu waxay saameysay 74 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaas oo 44 degmo oo ka mid ah, kuna firirsan dalka oo idil, laga soo billaabo Saylac illaa Afmadow, ay ugu sii daran yihiin," ayuu yiri Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaal iya.
Waa dhimashadii ugu horreysey ee ka dhalatay abaaraha ku habsaday Soomaaliya oo in-dhawaalahan la xaqiijiyey, taas oo imaa neysa xilli ay soo baxayaan digniino isdaba joog ah oo ku aadden xaaladda bani'aadan nimo ee Soomaaliya oo gaartey heer halis ah.
Soomaaliya ayaa waxaa wakhtigan ka jirta xaalad cunto yari aad u cakiran, taas oo saameyn weyn ku leh malaayiin qof, sida ay sheegtay hay'adda World Food Programme (WFP).
Laba xilli-roobaad oo gu' iyo dayr ahaa ayaan la helin roobkii la filayey, colaado iyo amni-darro baahsan ayaa weli taagan, waxaana kumannaan qof ay ka barakaceen guryahooda iyagoo raadinaya hoy, cunto iyo adeegyo aasaasi ah.
Ross Smith, Agaasimaha Qorsheynta Degdeg ga iyo Ka Jawaabista WFP, oo shalay ka had lay shir jaraa'id oo ka dhacay Geneva, ayaa sheegay in gargaarka cuntada iyo nafaqada ee WFP uu halis ugu jiro in uu istaago todd obaadyo gudahood haddii aan la helin maal gelin degdeg ah. "Dunidu waa inay u jeedsat aa malaayiinka haween, rag iyo carruur nugul ee ku dhibaataysan Soomaaliya. Nasiib darro, tani ma aha markii ugu horreysay ee aan xaaladdan wajahno," ayuu yidhi Smith.
WFP waxay muujisay in xogaha hadda la helay ay muujinayaan in xaaladdu ay sii xu maatay. "Qiyaastii rubuc ka mid ah dadka dal ka ku nool – 4.4 milyan – ayaa wajahaya hee rar macaluul ama ka sii daran (IPC3+)," ayuu Smith sheegay.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 24-FEB-2026
.