
Masar oo lasii ogeysiiyay weerarka lagu qaaday Iiraan
Sida lagu sheegay warbixinta, ogeysiinta Masar ayaa lagu macneeyay mid la xiriirta isku-duwidda amniga iyo ka hortagga in xiisaddu ku faafto dalalka deriska ah. Masar oo door muhiim ah ku leh dhexdhexaadinta arrimaha Bariga Dhexe ayaan weli si cad uga hadlin warkaasi.
Dhanka kale, Haaretz waxay sheegtay in Sacuudiga ay ku booriyeen Mareykanka in uu si firfircoon uga qeyb qaato tallaabo kasta oo lagu xakameynayo ama lagu soo afjarayo awoodda sii kordheysa ee Iran.
Warbixintu waxay tilmaamtay in Sacuudigu u arko saameynta Iran mid khatar ku ah xasilloonida gobolka, gaar ahaan marka la eego colaadaha ka jira dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ah.
Wararkan cusub ayaa imanaya xilli gobolka uu wajahayo xaalad amni oo cakiran, taas oo laga cabsi qabo in ay keento isku dhacyo ballaaran haddii aan la helin dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiisadda.


0 




Masar oo lasii ogeysiiyay weerarka lagu qaaday Iiraan
.